Muqdisho: Bandhiggii Buugga Foolaad iyo Bahdilaaddii Qarannimada Soomaalilaan. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Saddex arrimood ayaa ka soo baxay bandhiggii Buugga Foolaad ee Muqdisho ka dhacay:

= Qoraaga Buugga oo geeyey buugga meel aan laga aqoonsanayn halgankii naf-huridda lahaa ee uu Abwaan Maxamed Mooge Liibaan ‘AHN ’ u soo galay dalka Soomaalilaan. Waxa keliya ee qoraaga u muuqatay shilimada buugga ka soo galayey, hasayeeshee kamuu fikirin in halgankii Maxamed Mooge soo galay ay qaar badan oo reer Soomaaliya ahi aanay aaminsanayn.

= Markii uu Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya khudbadiisa uu Soomaalilaan kaga dhigay gobol yar oo Soomaaliya ka mid ah, dadkii bandhigga Buugga fadhiyey oo u badnaa reer Soomaalilaan sacab iyo soo dhaweyn ayey ku qaabileen. Taasina waxa ay caddeyn u tahay sida buugga FOOLAAD ugu gacan galay cadowga Soomaalilaan.

= Muqdisho oo Maxamed Mooge ‘AHU ‘ uu 40 sannadood ka hor ka tegay oo uu meeqaam iyo maamuus ka waayey ayey qoraaga iyo koox la socotay taariikhdiisii u tahriibiyeen, si ay waxoogaa adduun ah uga helaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com