Muran biyoodka Itoobiya iyo Masar: saamaynta biyo-xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (WQ: Khadar Awil)

Hordhac

Webiga Niil, waa Webiga ugu dheer Addunka. Dherar ahaan wuxuu gaaraa 6650km, oo uu ugu kala tallaabo Kow iyo Toban waddan oo kala ah: Tansaaniya, Ugaandha, Ruawanda, Burundi, Jamhuuriyadda DImuquraadiga ah Kongo, Kenya, Itoobiya, Eretriya, Koonfurta Sudan, Sudan iyo Masar. Webiga Niil ayaa u qaybsama laba qaybood oo kala ah: Niilka buluugga ah iyo Niilka cad, isku darka labadooda ayuuna ka samaysa webigu. boqolkiiba 80% webiga Niilku waxaa uu ka yimaada Niilka buluugga ah oo kasoo bilaabma waddanka Itoobiya. Boqolkiiba 20% ayaa iyaduna ah Niilka Cad oo kaso bilaabma Ugaandha.

Qaybsiga iyo isticmaalka biyaha Webiga ayaa waxay ahayd arrin aan marna dhinac u dhicin, iyada oo marar baadan la galay heshiisyo aan lagu wada qancin. Waddamada uu Webigu u kala tallaabo ayaa in ku dhow Qarni waxaa ka dhexeeyey muran la xidhiidha habka loo qaybsanayo biyahiisa iyo qoondada waddankasa ka isticmaali karo. Gumaystihii Ingiriiska oo gacanta ku hayay qaar badan oo kamid ah waddamadaa ayaa heshiisyo uu gadhwadeen ka ahaa ku hogaamiyay qaar kamid ah waddamada xaqa u leh qaybsiga biyaha Niilka, halka qaar kaleh ay dibad joog ka ahaayeen kulamadaas, wax qoonda ah oo cadna aanay ka helin shirarkaas. Muranka biyaha Webiga ayaa noqday wax soo noqnoqda, wakhtigan la joogana waxaa cirka ku dhajiyay Biyaa-xidheenka cusub ee itoobiya ka dhisayso meel u dhow xuduudda ay la leedahay Sudan.

Qormadan waxaynu si kooban ugu eegaynaa taariikhda muranka biyaha Webiga Niil soo maray, Xurgufta soo jiitantay ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar, Ujeedka Itoobiya ka leedahay dhisidda biyo-xidheeenka cusub, Saamaynta nololeed ee dhismaha biyo-xidheenkani ku yeelan karo Masar iyo waddamada kale ee ka faa’iidaysta biyaha Webiga Niil. Saamaynta dhaqaale ee uu Itoobiya dhaxalsiin karo iyo qaabka uu u  saamayn karo biyo-xidheenku waddamada Itoobiya dariska la ah.

Taariikhda Muranka Qaybsiga biyaha Webiga Niil:

Tan iyodhammaadkii qarnigii Sagaal iyo Tobnaad Muranka la xiriira habqaybsiga isticmaalka biyaha Webiga Niilku wuxuu ahaa mid taagan. Sannaddii !902-dii waxaa dhacay heshiis dhexmaray waddamada Masar iyo Suudan oo labaduba ahaa Maxmiyado uu Biritishku gumaysto. Heshiiskan waxaa wax ka ogaa gumaystaha Birishka, wuxuuna Labadan dal xaq u siinayay lahaanshaha biyaha Webiga Niil iyo in ay iyaga oo kaliya ka faa’iidaysan karto. Heshiisyada Masar iyo Suudaan kootada ugu xidhaya biyaha Webiga Niil oo iyaga u dhexeeya kuma koobnayn kaas oo kaliya, waxay sannaddii 1929-kii markale ku heshiiyeen inay biyaha Niil xaddiga ugu badan Masar qaadato iyadoo hantinaysay  48 Billion meter cubic, Suudaanna ay heli doonto 4 Billion oo meter cubic. Markale waxaa qaybsiga iyo shirkaba ka maqnaa waddamada kale oo ay Itoobiya u horrayso. Heshiiskan Labaad ee ay Masar iyo Suudaan wada galeen waxaa uu Masar siinay codka diidmada qayaxay (Vito) kaasoo masar ka dhigaya cidda awoodda u leh inay diido Mashruuc kasta oo laga fulinayo biyaha Webiga.

Markale sannadii 1959-kii  ayaa la qaybiyay biyaha Niilka iyada oo la cusboonaysiiyay heshiiskii hore ee ay Masar iyo Suudan u kala saxiixdeen ee xaddiga  biyaha ay qolo walba xaqa u yeelanayso. Sannadkan waxa la kordhiyay qoondadi ay Masar ku yeelanayso biyaha Niilka iyada oo laga dhigay 55 billion mitir cubic halka ay markii hore ka lahayd 48 Billion mitir cubic, taaso ka dhigan boqolkiiba 50% biyaha niilka in ay Masar kaligeed yeelanayso. Si lamid ah Suudaan ayaa iyadana loo kordhiyay xaddiga biyaha ay ka isticmaali karto Webiga iyada oo la siiyay 18 Billion mitir cubic halka ay markii hore ka helaysay 4 Billion mitir cubic. Heshiiskan ayaa sidoo kale Masar waxaa uu xaq u siinayay in ay dhisati biyo-xidheenka Aswan. Waa markii labaad ee aan laga so qayb galin hishiiska qaybsiga biyaha dawladaha kale ee ay Itoobiya u horrayso, iyada oo aan haba yaraate wax qoonda ahna la siin. Waxaa xusid mudan in Itoobiya tahay halka uu kasoo bilowdo Niilka buluugga ah oo ka ah 80% Webiga Niil.

Kaddib soo bixitaankii heshiiskii Helsinkii ee sannaddii 1996-kii, kaasoo xadaynayay habka looga faa’iidaysan karo biyaha Webiyada Caalamiga ah, waxaa mar walba sii socday khilaafka ka taagan qaybsiga Niilka. Sannadii 2010-kii bishii Maarso waxaa magaalada Cantebbe ee dalka Ugaandha heshiis ku gaaray Shan dal oo kamid ah kuwa kulaala Webiga Niilka, Dalalka Itoobiya, Kiiniya, Ugaandha, Tansaaniya iyo Ruwaandha ayaa ku heshiiyay in biyaha Niilka looga faa’iidaysto si isku dhow, dal walbana xaq u leeyahay inuu xuduudkiisa kafushado mashaariicda uu u baahanyahay. Tan ayaa meesha ka saaraysay heshiisyadii isadaba jooga ahaa ee dalalka Masar iyo Suudaan ay gaadheen.

Dhammaadkii sannadkii 2010-kii, Itoobiya waxa ay soo idlaysay sahmin qaadatay muddo badan taaas oo lagu qiimaynay fulinta dhismaha Biyo-xidheenka ugu wayn ee Koronto laga dhaliyo Afrika. Qorshahan cusub ee Itoobiya waxaa walaaac wayn ka muujisay Masar oo inta ugu badan ka fa’iidaysan jirtay biyaha Webiga. Cabsida Masar iyo tallaabo kasta oo ay qaadi karaysay waxaa dhabar jab ku noqday gugii carabta ee soo gaadhay Masar. Mashaqada cusub ee Masar haleeshay waxaa uu balaadhiyay damacii Itoobiya, iyada oo laba laabtay dedaalkeedi ay ku rumayn lahayd riyadeeda.

Hirgalinta biya-xidheenkan Masar waxay uga dhigantahay Daaqad Abaar ah oo ku furantay, kudhowaad 7 malyan oo beeralay ah ayuu si toos ah saamayn ugu yeelan doonaa, wuxuuna qalayl ku sababi doonaa badi dhulka Masaarida ee kulaala Webiga.

Qorshaha Biyo-xidheenka Renaissance Dam:

Saldhigga ugu wayn Africa ee laga dhaliyo tamarta qaybteeda korontada ayaa waxa uu noqon doona waddanka Itoobiya. Saldhigan ayaa siin doona Itoobiya awood dhaqaale, mid maamul iyo mid wax soo saarba. Waxa ay ka dhalin doonaan biyo-xidheenka Renaissance Dam tamar xaddigeedu dhanyahay 6000 oo Megawatt.

Biyo-xidheenka Renaissance Dam waa qayb kamid ah rumaynta himiladii Raysal wasaarahii hore ee Malas sanawi, taas oo uu rabay in ay Itoobiya noqoto xarunta laga maamulo Africa. Qorshaha Malas waxaa dawr fiican ka ciyaaray dhismaha biyo-xidheenkan laga hirgalinayo meel u dhow magaalada Assosa oo ku taallla xuduudda ay Itoobiya la leedahay Dalka Suudaan. Sideed kun  iyo Shan shanboqol oo shaqaale ah ayaa ka shaqaynaya hirgelinta biyo-xidheenkan kuwaas oo isugu jira Injineero iyo shaqaale farsamo. Biyo xidheenka Renaissance Dam dhararkiisu waxa uu gaadhaya  toddoba boqol iyo siddeetan mitir (780 meter), halka ballaciisu dhan yahay boqol afartan iyo shan mitir (145 meter). Biyo-xidheenku waxa kale oo uu leeyahay kayd biyood oo le’eg 1.8 killometer oo lagu kaydinayo biyaha laga dhalin doono korontada, kaaso qaadkiisu yahay todobaatan bilyaar oo mitir kubic. lix iyo toban marxawadood ayaa iyana laga dhalin doona korontada kuwaas oo soo saari doona lix kun oo megawatt.

Fikriradda biyo-xidheenku waxa ay daba socotay codsi ay Itoobiya u gudbisay dawaladda Maraykanka kaaso ahaa in ay ka caawiso daraasad lagu samaynayo Webiga Niilka. Maraykanka ayaa ka aqbalay in uu daraasadaas ka caawiyo Itoobiya. Badhtamihii 1957-kii ayay hishiis kala saxiixdeen Itoobiya  iyo Maraykanku si ay daraasad uga wada sameeyaan biyaha Niilka. Wasaaradda dib u Dejinta Maraykanka ayaa loo xilsaaray in ay samayso daraasaddaas iyada oo loo bixiyay Barnaamijka maraykanka iyo Itoobiya ee  daraasadda biyaha Niilka. Daraasadda oo socotay shan sano (1958-1964) ayaa soo bandhigtay warbixin dhamaystiran oo ku saabsan BIYAHA NIILKA qaybta Itoobiya, iyada oo soo bandhigtay  Biyo-soosaarista, tayada biyaha, qaabka dhulka dushiisa, khayradka iyo macdanta dhulka, biyaha ku jira dhulka iyo ugu danbayn dhaqaalaha ku bixi kara hadii biyo-xidheen loo baahdo.

Daraasaddan ayaa sidoo kale soo bandhigtay 26 goobood oo laga dhisi karo biyo-xidheenno kuwaas oo ay ka mid yihiin Afar biyo-xidheen oo aad u waawayn oo kala ah  kradobe dhaam, Mabel dhaam, Mandaya dham iyo Renaissance Border dham oo ah kan ay hadda dhisayso Itoobiya, kuwaas oo guud ahaan qaadi kara biyo xaddigood dhanyahay 81 Billion mitir cubic oo biyo ah. Itoobiya oo ka faa’idaysanaysa daraasaddaas hore ee la sameeyay ayaa waxa ay dhistay biyo-xidheenka Renaissance dham taaso aan haba yaraate wax daraasad ah uga baahan iyo waqti badan oo ay galiyaan.

Ahmiyadda uu leeyahay biyo xidheenku waxa ay aad usoo iif baxday markii ladilay Injineerkii ugu sarreeyay ee dhisayay biyo xidheenka isaga oo laga helay maydkiisa gudaha gaarigiisa. Arrintaas ayaa ka cadhaysiisay Itoobiya, waxaana soo baxay tuhunno badan oo laga qabay dilka Injineerka Lamase so bandhigin ciddii sida tooska ah uga danbaysa dilkiisa. Ilaha qaar ayaa sheegayay in ay ka danbaysay dawladda Masaaridu, loolanka ugu wayn ee ay masaaridu kula jirto xabashida ayaa ahaa sidii loo hakin laha biyo xidheenka iyaga oo cabsi wayn ka qaba in ay yaraato saamigii ay ku lahaayeen biyaha Niilka.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha biyo-xidheenka waxaa qaddarkeedu uu dhanyahay $4.8 billion. Dawladda shiinaha ayaa ku maalgalinaysa lacag gaadhaysa 1.8 billion$ oo dllarka maraykanka ah, iyaga oo lacagtaas ku bixinaya marxawadaha lagu rakibi doono biyo xidheenka si looga dhaliyo korontada biyaha. Dhinaca kale Sharikadaha waddanka, Beeralayda, Shaaqalada dawladda iyo Shacabka ayaa iyaguna ururiyay lacag dhan $1.5 billion.

Dawladda Itoobiya waxa ay xoogga saartay sidii ay Muwaadiniinta waddanku u maalgashan lahaayeen biya-xidhenka iyaga oo gaadhsiiyay lacagta dulsaarka ah  ee ay faa’iidayaan 4%, 5% iyo 5.7% halka lacagta dhigaalka amaba carbunta ah ee laga rabo qofka maalgasahiga ku samaynaya biyo-xidheenka ay tahay $100,  lacagta ugu yar ee la dhiganayaana ay tahay $500.  Arrintan ayaa sahashay in dad badan oo waddanka u dhashay kuna jira dabaqadaha kala duwani ay maalgashtaan biyo-xidheenka.

Bishii April ee sannadkan ayaa Raysal Wasaaraha  Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in markale shacabka waddanka dib loogu furay maalgashashada biyo-xidheenka wajigeedii labaad, si loo dhamaystiro kharashka dhiman ee uu baahanyahay dhamaystirka biyo-xidheenka.

Faa’iidada Dhaqaale ee  Itoobiya ka dhaxli doonto biya-xidheenka: 

Tamarta laga dhalin doono biya-xidheenka Itoobiya waxaa loo iibgayn doonaa waddamo badan oo ku yaala Geeska Afrika lana daala dhacay Koronto yari. waddamada Suudaan, Jabuuti, Kiinya iyo Tansaaniya ayaa ka faa’iidaysan doona Korontada hadhaaga ah ee kasoo harta Isticmaalka Itoobiya.  Dhaqaale gaadhaya $1 billion ayaa kasoo xeroon doona iibka korantada Waddamadaa.

Midawga Afrika ayaa Itoobiya ka caawin doona Samaynta waddooyin koronto (transmission lines) oo ku kici doona addun lacageed oo gaaraya $22 Billion. Jid koronteedkan ayaa isku xidhi doona waddamada Jabuuti, Kiinya iyo Suudaan. Dariiq kale ayaa isna la marin  doono korontada isaga oo u kala tallaabi doona Yugaandha, Ruwaanda iyo Tansaaniya iyada oo loo sii marin doono laymanka korontada qaada waddanka Koonfurta Suudaan.

Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka ayaa iyaguna lacago badan ku bixin doonaa Mashaariicda dhoofinta dhoofinta Korontada Ethopia.

Sannadii 2016kii, Tansaaniya ayaa la sixiixatay Itoobiya mashruuc wadankaas loogu dhoofin doono koronto awoodeedu dhantahay 400 Megawatt.

Qorshaha Itoobiya ayaa ah in Mustaqbalka ay gaadhsiiso Korotada ay siisi waddamada kale ee Afrika ilaa 5000 oo Megawatt.

Marka laga yimaado dhoofinta koroantada oo ah hanti wayn oo uso hooyatay Itoobiya waxa aad u yaraan doona shidaalkii ay caalamka kasoo iibsan jireen. Tan ayaa meesha ka saari doontaa Lacag adag oo kga bixi jirtay iibsiga iyo Cashuurta Shidaalka. Yaraynta isticmaalka Shidaalku wuxuu kale oo Itoobiya ka saacidi doonaa in ay ilaaliso deegaankeeda.

Ka sokow Korontada Biyo-xidheenku waxa uu usoo jiidi doona indhaha Dalxiisayaasha caalamka.  Itoobiya ayaa samayn doonta Haro mustacmal ah oo lagu kaydiyo biyaha, laguna beeri doono kaluun. Haradan waxaa loo adeeegsan doonaa waraabka beeraha iyo ta ugu muhiimsan oo ah ka hortagga Abaaraha

Shaqo la’aan baahsan oo ka jirta Waddanka ayaa biyo-xidheenku la filayaa in uu daawo u noqd, isaga oo shaqa abuur u noqon doona 10,000 oo shaqaale ah.

Kobcinta dhaqaalaha waddanka ayaa sidoo kale la saadaalinayaa in uu gacan wayn ka gaysto, iyada oo shanta sano ee u horraysa uu gaadhsiin doono GDP waddanka 9.5%-22%.

Saamaynta Biyo-xidheenku Masar ku yeelanayo:

Biyo-xidheenka Itoobiya waxaansi wayn uga soo horjeeday tan iyo dhagaxdhigiisi Dawladda Masar oo ah Dawladda ugu badan ee ka faa’iidaysata biyaha wabiga Niilka. Masar ayaa u aragta biyo-xidheenkani inuu khatar ku yahay daneheeda iyo nolosha Shacabkeeda oo in badan oo kamid ahi ay ku tiirsantahay biyaha ay ka helaan Webiga.

Tobankii sano ee u danbeeyay Masar iyo Itoobiya waxaa u dhexaysay xiisad iyo Muran ka dhashay biyo-xidheenkan, iyada oo Itoobiyana ku adkaysanayso in ay xaq u leedahay ka faa’iidaysiga biyaha Webiga ee xuduudeeda, cid ka hor istaagi kartaana aanay jirin.

Itoobiya waxa ay isku diyaarinaysaa in ay dhaamiso biyo-xidheenkeeda Renaissance Dam, arrintan ayaana ka go’an sida ay Madaxdeedu ku celceliyeen.

Masar dhankeed waxaa aan u cuntamayn in la leexsado hal mitir cubic oo biyaha  ay xaqa u leedahay ah. Xiisadda labada dal u dhaxaysa ayaa marar badan la saadaaliyay in ay gaadhi karto dagaal walow fursadda uu ku dhici karaa ay yartahay, marka la eego cadaadiska ay kala kulmayaan Beesha Caalamka oo ku khasbaysa Labada dal in ay dib ugu soo noqdaan Miiska wada hadalada.

Cabsida ugu badan ee Masar qabto ayaa ka imanaysa Dhaaminta biyo-xidheenka iyo biyaha iyada soo gaadhi doona.

Itoobiya haddii ay biyo-xidheenka ku buuxiso Tobanka sano ee soo socda waxa ay ka dhigan tahay in ay masar waayi doonto 14% biyaha ay hadda Niilka ka hesho iyada oo ay baabi’i doonan 18% dhul beereedka Masar. In laga soo dadajiyo wakhtiga dhaaminta Toban sano ayaa xaaladda kusii cakiri karqa Masar. Toddoba sano gudahood haddii Itoobiya ku buuxiso Dhaamka, Masar waxa ay is dhimi doonaan biyaheedu 22% iyada oo dhul beereedkeeda Saddex meelood oo Hal meel la waayi doono (33%). Biyo-xidheenka oo Shansano ku buuxsama ayaa sababi doonta in ay baaba’aan kala bar (50%)  dhul beereedka Masaaridu kaddib marka biyaha gaadhaya dhulkoodu ay hoos u dhacaan 36%.

Madaxda Masaarida  ugu sarraysa ayaa sheegay in aanay marnaba ogolaan karin in biyo la’aan dhulkoodu u qalalo, iyaga oo ku hanjabayay in aanay haba yaraate ka tanaasulayn biyahooda. Madaxwayne Siisiga Masar ayaa iskugu yeedhay sarakiisha ugu saraysa waddankiisa si looga arrinsado arrinta biyo-xidheenka Itoobiya. Si lamid ah Raysal wasaaraha Itooobiya Abiy Ahmed ayaa ku hanjabay in uu diyaar uu yahay inuu difaaco danaha dalkiisa ee ku aadan biyo-xidheenka xitaa haddii tani u horseedi karto dagaal uu lagalo Masaarida.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa isna sheegay hadal u dhignaa  “Dhulku waa dhulkayaga, Biyuhuna waa biyahaayaga, lacagta lagu dhisayo biyo-xidheenkuna waa lacag aan annagu leenahay. Majirto awood naga celin karta in aanu dhisno biyo-xidheenkayaga iyo waliba buuxintiisa toonna”.

Itoobiya waxaa ay bixisay dammaanad qaad ah in ay u buuxin doonto kaydka biyo-xidheenka si tartiib ah si aysan dhibaato ugu keenin Masar, laakiin damaanadda ay bixinayso Itoobiya way ku adag tahay Masaarida  in ay  aqbalaan.

Mawqifka Suudaan ee ku aadan Biya-xidheenka:

Suudaan oo markii hore kasoo hor jeeday biyo-xidheenka Itoobiya ayaa hadda u eeg mid la safan dhinaca Itoobiya. Kaddib markay soo ifbaxday faa’iido badan oo kasoo galaysa biyo-xidheenka ayay u weecdeen dhankan. Suudaan xilliyada roobabka waxa kuso fataha daadad faro badan oo galaafta wax soo saarka wadanka saamaynna ku yeesha dhulka Carro sanka ah. Boqolkiiba 20% dhulka ciidda wanaagsan ee ku haboon beerashada wadanka Suudan gabi ahaanba waxba lagama beerto, dhibaatada fatahaadaha awgeed.

Biyo xidheenka Renaissance Dam  waxa uu ka caawin doona Suudaan in Jasiiradda ku taala bariga Suudaan beeralayda ku dhaqani  ay wax beertan seddexda waqti  ee sannadka. Sida oo kale waxaa Suudaan u sahlanaanaysa in ay ka dhiliso biyo-xidheenadeeda yar yar  koronto seddexda xilli.  Biyo xidheenka  Itoobiya ayaa maamuli doona qulkqulka biyaha awoodna u siinaya weecinta fataahada galaafta wax soo saarka waddanka Suudaan, taaso Suudaan ka caawinaysa in ay ka faa’idaysato dhulka Carro sanka ah ee ka Khasaari jiray.  Suudaan maalgashiga ugu badan ee ay hesho waxaa lagu sameeyaa dhinaca Beeraha. Waddamo badan oo ay carabta iyo Turkey-gu kamid yihiin ayaa maalgashi ku sameeya dhinaca beeraha.

Dhexdhexaadinta Maraykanku gadhwadeenka ka yahay:

Sannadii ina dhaaftay ee 2019-kii Washington ayaa soo gashay dhexdhexaadinta wadamada isku khilaafsan biyo-xidheenka ee Masar Suudaan iyo Itoobiya. Kulan ay goobjoog ka ahaayeen Xooghayaha Maaliyadda Maraykanka iyo Madaxa Bangiga Adduunka ayaa lagaga dalbaday Saddexda waddan inay isugu yimaadan kulan Maraykanku garwadeen ka ahaan doono.

Dhexdhexaadintan ayaa saddexda Dawladood ee isku haya biyo-xidheenka mid waliba soo bandhigayay aragtidiisa ku aadan biyo-xidheenka iyo saamaynta uu ku yeelanayo Maslaxadihiisa iyada oo uu maraykanka iyo bangiga aduunkuna dhexdhexaad kayahay. Sidoo kale waxa lagu so bandhigay dhibaatada qaab dhismeedka biyo xidheenka iyo sannadaha lagu buuxinayo biyo-xidhenka. Labada daraf ee isku haya biyo xidheenka ee Masar iyo Itoobiya ayaa ah laba  dal oo saaxiib dhaw la ah maraykanka.

Saddex kulan oo Addis ababa, Qaahira iyo Khartuum uga kala dhacay sida ay u kala horreeyaan waxaa mar  Afraad la isku arkay Addis abab kulankaas oo ay kaso wada qayb galeen Bangiga Adduunka iyo Maraykanka ayaa Masar iyo Itoobiyo ku sheegeen in aan heshiis lagu gaadhin kualnkaas afraad.

Sanadkan 2020 bishii koobaad ayaa wufuud ka socda saddexda waddan ee Masar Itoobiya iyo Suudaan ku kulmeen Washington, kulankaas ayaa waxa lagaga wada hadlay kulmadii hore ee afarta ahaa natiijooyinkii kaso baxay. Kulankan  ayaa waxa kaso baxay is Afgarad bilaw ah oo lagu diyaarinayo khariirad cusub, waxaa lasoo saaray Lix qodob oo ay ka mid tahay in Masar go’aamiso buuxinta biyo-xidheenka xilliga qallaylku jiro.

Wadahadalladii kama danbaysta ahaa ee loo ballansanaa dhammaadka bishii Janaayo ayaa Itoobiya Maraykana ka dalbatay in dib loo dhigo.

Af-hayeenka Wasaaradda Biyaha Waraabka iyo Korontada ee Itoobiya Mr Buzzouna Tulcha ayaa sheegay in ay waydiisteen maraykanka in uu dib u dhigo wada hadalkii lagu balansana isaga oo ku sababeeyay in ay u baahanyihiin Wakhti dheeri ah oo ay ku wada tashadaan iyaga dhexdooda.

Wadahadalladan dib u dhacay ayaa lagu ballansanaa in xal kama danbays ah laga gaadho xiisadda biyaha ee soo jiitantay, lana wada saxiixo heshiis saddex geesood ah oo ay waddamada Masar, Itoobiya iyo Suudaan saxiixayaan.

Tixraac:

https://en.wikipedia.org/wiki/Grand_Ethiopian_Renaissance_Dam

https://midan.aljazeera.net/reality/politics/2018/7/25/الطريق-إلى-البحر- خطة-إثيوبيا-لاستعادة-القيادة-في-افريقيا

https://midan.aljazeera.net/reality/politics/2018/7/26/كيف-سيحول-سد-النهضة-إثيوبيا-لقوة-إقليمية

https://midan.aljazeera.net/intellect/history/2018/5/30/جفاف-النيل-حينما-أكل-المصريون-لحوم-البشر

https://midan.aljazeera.net/intellect/history/2018/5/28/هكذا-حاول-الأثيوبيون-قطع-النيل-عن-مصر-قديما