Gar waa loo wada Islaam, murashaxnimada Jamaal Cali Xuseen muran iyo mad-madow ma geli karto! (W.Q: Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed )

Doqonniimo kugu baahday baan, cidi dabiibayne
Duulkii inkaar qaba jinbaa, daasadaw tumo e
Dab markuu bakhtiyo meel kalaa, dogob ka qiiqaaye
Waagii dilaacaa naxdimo, dihin la sheegaaye
Dul iyo hoosba waan ugu dhigee, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday, degashanaysaaye
Abwaan Timo-Cade. Alle ha naxariistee

Maantana waa maalin kale oo murugo iyo muran siyaasadeed oo yaab iyo amakaag ku riday guud ahaan shacbiga reer Somaliland iyo gaar ahaan taageerayaasha xisbiga UCID oo ku waabariistay murashax Jamaal Cali Xuseen iyo Guddoomiyhii xisbigaas Faysal Cali Waraabe oo gambadh isugu soo fadhiistay oo midba ka kale erayo uu ku durayo uu warbaahinta u mariyey.

Run ahaan wax lala yaabo ayay noqotay in xisbiga UCID oo ah Xisbiga ugu da’ada weyn saddexda xisbi qaran ee maanta Somaliland ka jira, isla markaana ahaa xisbigii labaad ee la diiwaan geliyo ee ku xigay UDUB tii burburtay isla markaasna ahaa xisbi laga filayay in uu wax ka barto burburkii iyo khilaafkii riiqda dheeraa ee soo maray in maanta ay marayso in madaxdii u sarraysay ay TV yada isu soo fadhiistaan.

Maaha in dhacdadani ay ceeb ku tahay madaxda xisbiga UCID oo kaliya, ee waxay ceeb ku tahay guud ahaan geedi socodka Dimiuqraadiyada Somaliland oo la filayey in ay ka gudubtay heerkan xagxagashada iyo muranka ku dhisan ee ay dhawaanahan dib ugu soo noqotay. Waxaana lagama maarmaan ah oo shacbiga reer Somaliland ay guud ahaan siyaasiyiintooda ka filayaan in ay noqdaan qaar ka gudba yooyootanka iyo muranada macno la’aanta ah ee joogtada noqday.
Iyada oo aanan waxba ku sii tiigaalin muranka hadda ka soo cusboonaaday madaxda u sarreysa xisbiga UCID, isla markaasna aan ku rajo weynahay in ay dhakhso u xallin doonaan khilaafka soo kala dhex galay ayaa waxaan jecel ahay in aan tilmaamo in Jamaal Cali Xuseen uu laf-dhabar u ahaa in xisbiga UCID uu dib saaxada ugu soo noqdo ka dib markii uu burburku ku dhacay ee garabii Cabdirxamaan Cirro hoggaaminay ay ka jabeen, markaas oon xisbiga UCID uu qarka u saarnaa in uu siqiiro.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu xisbiga ka soo qaaday dhulka, waxaana uu gaadhsiiyay inuu guulaysto oo uu saddexdii xisbi Qaran ee soo baxay uu UCID ka mid noqdo, waxaana yaab iyo amakaag ah in maanta shaki iyo mad-madow la geliyo murashaxnimada madaxnimo ee xisbigaasi uu u doortay Jamaal Cali Xuseen.

Iyada oon aanan xubin ka ahayn xisbiga UCID, siyaasadiisadihiisana aanan taageero u ahayn, hadana muwaadin ahaan waxaan tilmaamayaa in Jamaal Cali Cali Xuseen uu yahay murashaxa sharciga ah ee xisbiga UCID, cid awood u leh in ay ka bedesho ama muran gelin kartaana aanay jirin.

Faysal Cali Waraabana waxa la gudboon in uu dib u eego marxaladihii qadhaadhaa ee uu soo maray xisbiga UCID kana fogaado burbur kale oo ku yimaada xisbigan oo xoog iyo xoolaba la gelinayey sannado tiro badan. Waxaanan usoo jeedinayaa labada masuul ee Faysal iyo Jamaal in ay khilaafaadka soo kala dhex gala ay hoos ahaan u dhamaystaan kana fogaadaan in warbaahinta ay isku weeraraan.

Allow Eex ma Tiraabine Aqoon haygu Cadaabin
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
NB: Waa Fikirkayga Shakhsiga ah