Murashaxiinta Xisbiga Waddani ee Doorashada Madaxtooyadda iyo kala duwanaanshaha sannadeed ee 2016-kii & 2021-ka ( WQ: Muniir Axmed Cigaal)

 

22/10/2016-kii Shirkii golaha dhexe ayaa lagu doortay Murashaxa jagada Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi iyo ku-xigeenkiisa Maxamed Cali Cabdi, sannad kadib ayaanay ka qayb galeen doorashadii Madaxtooyada oo qabsoontay 13/11/2017-kii.

Markale maanta 30/3/2021-ka Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Waddani oo Hargaysa ka qabsoomay waxa si aqlabiyad ah Murashax Madaxweyne loogu doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi halka ku-xigeenkiisa loo doortay Maxamed Cali Cabdi. Isla sannad kadib haddi Alle idmo 2022-ka waxay labadan Musharax ka qayb gali doonaan doorashada Madaxtooyada oo mudaysan. Haddaba su’aashu waxay tahay maxay ku kala duwanyihiin 2016-kii iyo 2021-ku.

Xisbiga Waddani 2016-kii wuxuu aha Xisbi curdin ah oo jiray 4-sanno oo kaliya isago aha Xisbiga ugu da’da yar saddexda Xisbi qaran ee tartamaayay, taas oo la odhan karo mulahayn khibrada uu maanta haysto. 2- Xilligaas waxa Waddanka ka ariminayaay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo aan doorashadii lagu tartamaayay murashax ahayn balse doorwayn oo is xulafaysi ah ku xoojinaayay Xisbiga Kulmiye oo tartanka ugu adagi dhexmaray Murashaxiinta Waddani.

3. Dhaqaale u badna maalgashi dabadeed iyo dawlado shisheeye ayaa  si aan qarsoodi lahayn waxay dabada uga riixayeen doorashadii   Madaxtooyada oo markaas 2016-kii diyaar garawgeedu socday.

4- Murashaxii Xisbiga Kulmiye  oo hadda ah Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isna wuxuu aha 2016-kii mid aanay bulshadu sawir fiican ka haysan hoggaamintiisa iyo siday noqon doono.

Maanta oo ah doorasho kale iyo sannad ka duwan oo ah 2021- waxay labadan Musharax saxada yimadeen iyadoo dhammaan qodobadasi meesha ka maqan yihiin. Taxalufkii siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye ee Axmed Siilaanyo odayga ka aha oo noqday mid aan la mahadin, bulshadii oo u qaybsantay si aanay rer Somaliland waligood u qaybsamin, dhaqaale xumo daran oo Dalkii wajahay, maamulkii dawladnimo oo soo uruuray, Murashaxii Kulmiye ee wakhtigaas oo la tijaabiyay halku dhiga dadkii u codeeyayna noqotay “Fartaydii eeday”. Intaas iyo in kabadan ayuu sannadkan 2021-ku kaga duwanyahay 2016-kii.

Gebo gebadii diyaar garowga Xisbiga Waddani isku nidaaminaayo, mudaynta Shirwaynihii Xisbiga oo loo qabtay  7-bilood gudahood iyo doorashada Murashaxiinta Madaxtooyada ee Maanta la doortay waxay muqaal ka bixinaysa inuu Xisbiga Waddani isu diyaariyay guusha doorashada Madaxweyne ee  2022-ka Haddii Alle ka dhigo.

Muniir Axmed Cigaal.