HORDHAC
Ilaahay wuxu innagu mannaystay hidde iyo dhaqan ku salaysan diinteena Islaamka. Waxa dadka Soomaalida ah lagu yiqiin dad suugaantooda iyo dhaqankooda ku haya odhaah uu jiilba jiil ka dhaxlo. Qarnigan u dambeeyey wixii ka horreeyey sabool baa laga ahaa waxbarashada. Mar haddii aan qoraal jirin aqoon laโaan awgeed waxa sugnayd in dadku dusha ka qabtaan sheekooyinka, murtida, mahadhooyinka, maahmaahaha, gabayada, heesaha, ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka iyo sooyaalka taariikheedba. Dedaalkaas loo aayay muddooyinkan dambe meesha wuu ka baxay ama aad buu u yaraaday.
Maskaxdii fayoobayd ee sida la yaabka leh wax walba dusha uga qaban jirtay, waxay raad gadantay waqtiyadii dambe ee magaalo-galku bilaabmay. Waxa taa muujinaya maahmaahda odhanaysa โRag waa raggii hore, hadalna waa intuu yidhi.โ Waxa kale oo xusid mudan dhibaatooyin fara badan oo laga soo bilaabo gumaysigii dadku soo maray. Dagaalo is-daba-joogga, kuwo dawladeed, kuwo sokeeye, burbur laga dhaxlay maamul-xumo oo dhiciseeyey horumarkii bulshada (dhan ijtimaaci, dhaqaale, aqooneed iyo siyaasadeedba) iyo tacabbir dibadeed oo aan wax lagu qiyaasi karaa jirin ayaa loo aanayn karaa aayo-xumada iyo aqoon-darrada u dambaysay hiddihii iyo dhaqankii ummadda.
Waxaan la qarin karayn ayaan-darrada iyo tamar-darrada ka muuqata aqoonyahankii wax bartay ee isku taxalujin lahaa inuu qoro si aanay u lumin wixii aan ku faani lahayn ama dhaxalka u noqon lahaa jiilalka dambe. In kasta oo muddooyinkan dambe horumar sidii hore dhaama laga muujiyey wax-qorista haddana waxaan muran ku jirin in ay shisheeye aan u dhalan afkeena oo dedaalkooda iyo cilmi-baadhistoodu ay ula gashay innagaga firfircoon yihiin ururinta iyo daabacaadda wixii aan lahayn, taas oo mustaqbalka keeni karta in ardayga Soomaaliyeed uu afkiisa iyo dhaqankiisa ka barto macallin ajaanbib ah. Waxaan u malaynayaa in ay meelaha qaar haddaba ka dhacday.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa โCaano daatay dabadood la qabay.โ Waxa la joogaa wakhtigii aynu u gurman lahayn dhaqankeena iyo sooyaalkeena si wixii aynu hore u ahaan jirnay aanay meesha uga bixin.
Waxan isku dayey in aan intii karaankayga ah ka qayb-qaato kaydinta iyo badbaadinta dhaqankeena iyo hiddaheena qaaliga ah. Buuggan waxan ku soo bandhigayaa qaybo ka mid ah sheekooyinka iyo murtiyaha caan-baxay ee Soomaalida iyo sidii ay ku yimaadeen iyadoo ujeeddada kali ah ee aan ka leeyahay ay tahay in jiilka cusub ku baraarugsanaadaan dhaqankooda, murtidooda iyo sooyaalkooda.
Waxa laga yaabaa in deegaannada kala duwan siyaabo kala duwan looga maqlay sheekooyinkan maadaama wakhtigii ay dhacdooyinkani dhaceen muddo dheeri ka soo wareegtay sugitaankooduna adag yahay. Waan ka cudur-daaranayaa haddii sidii aad u maqashay ay wax iska beddelaan waanan soo dhaweynayaa cid alla ciddii ku soo kordhinaysa toosin ama sixid.
Waxan hordhaca ku gunaanadayaa murtidanย Abwaan Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey) oo si la yaab leh u asteeyey qiimaha iyo qaayaha hiddaha iyo dhaqanku u leeyahay ummad kasta. Abwaan Xasan Ganey wuxu hormood u yahay curinta suugaanta hiddaha iyo dhaqanka. Isaga oo marna tusmaynaya marna innagu guubaabinaya wuxu yidhi:
Dhabba waliba ceelkeed
Ummad waliba dhaqankeed
Dhalashana tixraaceed
Dhegtu sheeko doontaye
Dhar maxaan lahaan jiray
Maxaan xoolo dhaqan jiray
Maalintay dhannaantahay
Dhulka yaa u halgami jiray
Geesiga u dhiidhiyey
Yaa dhiigga kicin jiray
Dhinte yaa xogtiisa og
Taariikhda yaa dhiga
Dhidibkeedu waa kuma
Dhug u yeesha maansada
Hiddihiina dhaabane
Murtidiina dhuuxa ah
Suugaanta dhumucda leh
Hibadiina dhaladka ah
Dhaxalkiina weeyee
Dhawrta idinkaa lee
La soco qaybaha dambe…