Murti Laga Reebay Dad Maangal ah, Q.3aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

=” Waxaan doonaynaa hogaamiyeyaal dhab ah oo aan jaceyl u qabin lacagta balse jacel caddaaladda sidoo kale aan jaceyl u qabin fagaare ka hadalka, xayeysiinta iyo mansabka, laakiin jecel in ay ka shaqeeyaan bini’aadnimada”. Martin Luther King Jr= “ Ha eegin soonka uu qofku la yimaado iyo salaadda uu wakhtigeeda tukado ee waxaad eegtaa inuu runta sheego marka uu hadlayo iyo sidoo kale inuu yahay mid ilaaliya ammaanada marka la aamino’. Cumar Binu Khadaab.
= “ Guushu waxa ay ka bilaabmataa qofka qalbigaaga dhaawaca, saaxiib malahaaga xumeeya iyo mid lacag leh oo dulmi kuu geysta isaga oo isticmaalaya xoolaha uu haysto heer aad ka gaadho in aad dadka ka quusato ka dibna aad u weecato Alle dhankiisa oo ay badbaadaadu ku jirto si uu kuugu deeqo nimcooyinkiisa oo ah waxa keliya ee ifka lagu baahi beelo”. Dr Mustafe Maxamuud.
= “ Ma ixtiraamayo hogaamiyeyaasha Carabta, maxaa yeellay waxa ay ka fikiraan danahooda shakhsiga ah, waxa ay ku qayliyaan magaca Falastiin si ay bulshadooda u maaweeliyaan, waxa ay ka hadlaan qaddiyadda Falastiin. Waxaan arkay damiirkooda oo aan meel sare joogin sababta oo ah wakhtigii aan madaxweynaha ka ahaa dalka Maraykanka waxa aan qaabbilay cadad aad u badan oo madaxda Carabta ah. Marnaba maan arag qof si gaar ah igala dooda dhibaatooyinka ka alloosan Falastiin ama igu furo malaf ka dhan ah gumaadka dawladda Israa’iil ay ku hayso shicibka reer Falastiin”. Jimmy Carter.
= “ Markaad hadasho waxaad ku soo celinaysaa oo keliya waxaad hore u taqaanay laakiin markaad dhegaysato waxaad baranaysaa waxa adiga kugu cusub”, Dalai Lama.
= “ In aad yeelato malaayiin saaxiibo ah oo dantooda gaarka kugula jooga ma aha mucjiso ama karti aad qayrkaaga dheer tahay, laakiin waxa mucjiso ah in aad hanato saaxiib had iyo jeer garabkaaga taagan oo ku xoojiya xitta haddii ay dhammaan dadku ku mucaaridaan”. Dr Bilal Philips.
= “ Dhimashada oday Afrikaan ahi waa sida maktabada baaxad weyn oo gubatay, taasi oo cid ka faa’iidaysatay aanay jirin maadaama oo aan wax keyd ah laga qorin taariikhdii uu u soo joogay, waayo-aragnimadii uu nolosha kula kulmay iyo waxa uu ku soo kordhiyey saaxada adduunka tan iyo maalintii uu ifka yimid ilaa intuu geeriyooday”. Amadou Hampate Ba.
=” Marka jaahilka qabta qalinka, marka uu dambiiluhu qaato qoriga, marka uu xukunka la wareego khaa’inku, waddanku wuxuu isu beddelaa meel ban ah oo aan ku habboonayn nolosha basharka”. Dr Mustafe Al-Siba’i.
=” Wakhtiyadii hore waxa ay sameyn jireen hubka si loogu dagaallamo laakiin maanta waxa ay xoogga saareen in ay huriyaan dagaallo aan dhammad lahayn oo ka qarxa daafaha adduunka si hubkooda loo iibsado”. Suzanna Arundhati Roy.
= “ Ilaali sharaftaada adiga oo aan cidna ka dadbin wejigaaga. Qofka doonaya inuu dhaayaha ku saaro kama daalyo raadintaada xittaa haddii aad dad badan dhexdooda ku jirto, halka qofka aan ku doonayn inuu ku arko aanu ku arki Karin xittaa haddaad hortiisa socoto. Sidaasi darteed noqo mid u jilicsan kuwa ay farxad geliso wakhtiga yare e aad la joogto”. Lama Garanayo cida tidhi.
= “Awood kasta oo caalamka ka jirta waxa ay ku billaabmataa hab-dhaqan sugan oo muwaadinka lagu ixtiraamayo si aanay u dhicin in sabab la’aan waxyeello loogu geysto naftiisa, maalkiisa iyo sharaftiisa. Sidaasi si la mid ah burburka ku dhaca dawladaha adduunka waxa uu dhashaa marka ay xukuumaddu dhawri weydo anshaxa, distoorka iyo aragtida siyaasadeed ee dhaliisha xambaarsan oo ay had jeer soo gudbiyaan kooxaha mucaaradka ah ee dalka ka jiraa”. Alija Izetbegovic.
=” Waxa jira farqi aad u ballaadhan oo u dhexeeya midka khasaaray iyo kan fashilmay: midka khasaaray waa qof dagaal culus qaaday balse ku guuldaraystay wixii uu rabay, welina diyaar u ah inuu duullaan kale ku dhiirrado ilaa uu ka najaxo. Laakiin kan fashilmay waa shakhsiga aan habayaraatee isku dayin inuu naftiisa dagaal ku biimeeyo sidaasina ku fashilmay isaga oo aan waxba ku soo kordhin noloshiisa” Paulo Coelho.
=” Hormarka reer Galbeedku ay gaadheen kama dhigayso in ay yihiin dad caqli badan, sidoo kale dib u dhaca baahsan ee ku habsaday dawladaha caalamka saddexaad tusaale uma aha in ay yihiin dad doqomo ah laakiin farqiga u dhexeeya ayaa waxa uu yahay in reer Galbeedku ay caawiyaan midooda fashilmay ilaa inta uu ka guulaysto, halka dawladaha soo koraayaa ay dagaal ba’an kula jiraan midkooda guulaysta ilaa inta uu ka fashilmayo”. Axmed Zewail.
=” Ha ka aamusin xaqa adiga dadka kale ka baqaya maxaa yeelay qofna ma soo hormarin karo dhimashadaada oo an wakhtigeeda la gaadhin mana kaa mamnuuci karo irsiqa uu Rabbigaagu kuu qoray” Dr Zakir Naik.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com
La soco…………………………