Murti Laga Reebay Dad Maangal ah, Q.9aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

= “ Murugadu waxa ay diciifayaa qalbiga, waxa ay weecisaa go’aanka, waxa ay waxyeello u geystaa rabitaanka qofka, mana jirto wax uu shaydaanku ka jecel yahay inuu murjiyo qalbiga qofka mu’minka ah”. Ibnu Khayim

= “ Kama qoomamoonayo qof noloshayda ku soo biiray ka dibna Iga tegay, oo qofka fiicani wuu I farxad geliya, qofka xumi wuxuu ii noqdaa tijaabo aan cashar fiican ka qaato, laakiin shakhsiga wanaagsan waa midka weligii baaqi ku ahaada qalbigayga”. Mahatma Gandhi.

=” Waxa ay si joogta ah u soo weerayaan noloshaada iyaga oo adeegsanaya hub culus oo ay qalbigaaga ku dhaawacayaan. Waxa ay arrintaasi u soo maraan in naftaada ay shaki ku abuuraan, qiimahaaga ay xaqiraan, awooddaada ay diciifiyaan si aad hormarkaaga uga gaabiso ama uu fashil kugu yimaado. Iyagu waxba kama macaashayaan guuldarradaada arsaaqna kuma helayaan, balse hadafkoodu ugu weyn nolosha ayaa waxa uu yahay inay kaa yeelaan mid iyaga ka hooseeya oo aanad la’aantood dhaqaaqi Karin”. Robert Greene.

= “ Noloshu ma laha liibaan joogta ah waayo kuma jirtid jannada dhexdeeda. Inta aad adduunka ku nooshahay waad kufaysaa siddeed jeer waanada kacaysaa sagaal jeer. Mar baad farxad dareentaa oo wakhtigu ku saacidaa marna murugo ayaa qalbigaaga daboosha. Maalin waad qoslaysaa marka ay arrimahaagu kuu hagaagaan maalinta xigtana waad xanaaqaysaa, waxaad cimrigaaga ku qaadanaysaa tartan adaga oo adkaysi u baahan. Sidaa darteed ha ka quusan nolosha inta aad neefsanayso” David Herbert Lawrence.

= “ Wax akhrisku wuxuu qayb weyn ka yahay nolosha insaanka. Qofka wakhtigiisa ugu badan wax akhriya ogaal fiican ayuu yeeshaa. Qofka joogteeya akhriska garaadkiisa ayaa kordho. Ka doonaya inuu meel sare ka gaadho nolosha waxa waajib ku ah inuu wax akhriyo”. Lama garanayo cidda tidhi.

= “ Markii aan toddoba jirsaday waxaan aabbahay u sheegay in hammigaygu uu yahay in aan yeesho guri qurux badan oo la mid ah midka uu ku noolaa Michael Jackson, dabadeed wuxuu aabbahay iigu jawabaay riyadaasi waa riyo oo keliya waxayna ka suurtowdaa dadka taajiriinta ah. Waxaan had iyo jeer dareemaa murugo aad u weyn maadama oo uu aabbahay maanta arki Karin hantida kala duwan ee aan leeyahay iyo guusha aan nolosha ka gaadhay”. Cristiano Ronaldo.

= “Ku dadaal helitaanka wax kasta oo nolosha kaa anfacaya adiga oo ka jeesanaya dadka hadalladooda, maxaa yeelay ma jirto waddo aad kaga nabad geliysaa dadka afkooda marka ay damcaan inay naftaada wax ka sheegaan”. Imaam Shaafici.

= “ Waxbarashada iskuulka lagu dhigto waxa ay kaa caawisaa in aad shaqo ku hesho laakiin waxbarashada aad adigu is-barto waxa ay naftaad ku kordhisaa caqli iyo garasho xeel dheer maadama aad aragti iyo cilmi ka heshay mufakiriin hore oo adduunka soo maray”. Albert Einstein.

= “ Waxa aan ku fashilmay imtixaanka laakiin saaxiibkay oo dhibco aad u sarreeya ku baasay maanta waxa uu injineer shaqaale ah ka yahay xarunta Microsofta, halka anigu aan ahay mulkiilaha guud ee shirkadda Microsoft” Bill Gates.

=” Anigu ma cabbo sigaarka laakiin waxaan jeebka ku sitaa birikay aan shido marka uu qalbigaygu u jeesto inuu xumaan sameeyo si aan u gubo jidhkayga oo aan ficilkaas uga baaqsado xannuunka dartii, ka dibna waxaan naftayda su’aalaa: haddii aanad xammili Karin kulaylka xabadda birikayga ah sidee ayaad ugu adkaysan kartaa kulaylka naarta jahannamo?” Maxamed Cali Clay.

= “ Haddii qofka wax sadaqaystay uu ogaan lahaa in sadaqadiisu ay ku dhacayso gacanta Rabbigii ka hor inta aanay gaadhin gacanta fiqiirka, waxa uu noqon lahaa jacaylka uu qofka wax bixiyey u qabo sadaqada mid ka badan jacaylka uu dareemayo midka la siiyey sadaqada” Ibnu Khayim.

= “ Naftaada oo aad wanaajiso waa shayga keliya ee aad awooddo in aad samayso si aad caalamka uga dhigto meel mudan in lagu noolaado” Ludwig Wittgenstein.

=” Noloshu waxa ay I bartay in aan ku ilmeeyo xagal aanay jirin cid I arkaysa ka dibna aan iska masaxo ilmada si aan bannaanka ugu soo baxo aniga oo dadka u dhoollacaddeynaya” Lama garanayo cidda tidhi.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

La soco…………………………