Murugga ku lammaan nidaamkeena dawladnimo! (W.Q. Mustafe Saleebaan Cilmi)

Runeey lagu neceb;
Lagu rookee;
Layska kaa reeb;
Ristaad daaqdaba
Lagu raad-goob
Fule kaa roor;
Ruxrux-doon iyo
Ra’iis daalin ah,
Midna kuma rabo.
(Abwaan M. X. Dhamac-Gaariye maansadii Runeey lagu neceb 1984).

Yaab iyo amakaag ayaa kugu keliyeysanaaya mar qudha marka aad si dhab ugu kuurgasho waayaha iyo siyaabaha kala duwan ee bulshadeenu u cabireyso dhacdooyinka joogtada ah ee nolosheena la deriska ah weliba siyaabo aad iyo aad u kala fog mararka qaarkood. Waa dhaleeceyn talax-tag ah ama buun-buunin xad-dhaaf ah! Inta badan waxa labada aragtiyood ku ladhan koox jecleysi (qof) ama koox necbeysi (qof) mid uun. Waa labada sababood ee luminaya cabbirida waayaha si dheelitiran oo aan eex lahayn.

Waxa lama huraan ah in si dhab ah oo cilmiyeysan, dheelitiran, isla markaana waaqici ah loo sifeeyo waayaha nolosha, dhaqaalaha iyo dhinac kasta oo danta guud ah, tani waxay fudaydinaysaa in si quman loo waajaho arrin kasta oo soo korodha mar walba. Runtii Soomaalidii hore waa ay ku sifoobi jireen inta badan iyaga oo kala ilaalin jirey fikirkooda mutuxan ee sakhsiga ah iyo meeleynta min-qiyaas hufan, dhisan oo ku salaysan aragti fog dhinac bulsho, nololeed, dhaqan, nabadgelyo IWM. Bal u fiirso tixdan sugaaneed:

Wallee qalin-daraalaha,
Dambi qaranka laga galay
Kama qariyo wadhatada
Wallee qoonta mililka leh
Qaarka sare ma dhaydhayo.
(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye maansadii Qasab kuma balweyn karo 1978)

Dawladnimadu maaha keliya in aad hadba dhinaca aad ka joogto si darjiidh ah u ammaanto, maaha keliya in daaro la rinjiyeeyo, in la dhiso iyo in la sameeyo indho-sarcaadyo kale……waxa ka horeeya hirgelinta iyo ku dhaqanka qawaaniin dowli ah (dastuurka iyo xeerarka dowliga ah), diyaarinta siyaasado qaran oo qeexan (aragti dowli ah oo ka turjumeysa mowduuca ay khuseyso – national policies-) iyo fulinta nidaam maamul oo hufan si joogto ah (application of efficient public administration system), asxaab siyaasadeed oo si dhab ah u hirgasha ayaa suurtogelisa fulinta dowladnimo ay dadku ku qancaan adeegeeda mar walba. Maaha macmalka iyo khayaalka aynu saaxadeena siyaasadda ku talaalnay mid meel-mar noqon doona, balse waa hadimo hor leh oo aynu mustaqbalkeena ku milnay.

Kuweenu waa xeryo reero ama qabiil, waanay ka fog yihiin sidii laga filaayey nidaamka asxaabta badan iyo midho-dhalka laga helo. Runtii asxaab hirgashay ayaa sababa oo keena dowlad tayo leh, hufan, dhisan, xul ah, isla markaana wax-qabadkeedu dhab yahey.

Maxaynu guul iyo guul-darro kala kulanay saddex iyo toban sanno oo nidaamka asxaabta badan ku soo jirney (2002-2015)? Waa su’aal u baahan jawaab waafi ah oo in si cilmiyeysan looga baaraan dego mudan. Waxa xaqiiq ah in aqoon, karti iyo imkaaniyaadkii kale in badan aynu leenahay sidii loo sameyn lahaa nidaamka dhabta ee asxaabta badan, balse uma aynu hagar bixin, isla markaana waa la qalday geedi-socodkii korriinkoodu uu mari lahaa muddada dheer ee aynu soo dhex jibaaxnay habka asxaabta badan.

Alle weger waxaa belo dhigteen, waa ka waasacane!
Niksan wayla sahal ceeb haddaad, ka werweraysaane,
Qirta wootar-gaytyadu ka badan, taydin weriseene!
(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye-Waatergate 1977).

Fulinta maamulka dowliga ah oo hufan waxa uu suugtogeliyaa in lagu naaloodo dowladnimo fiican oo dadkeedu u bogaan (an application of public administrative law througly). Waxa kale oo lama huraan ah ilaalinta ku dhaqanka dastuurka, xeerarka dowliga ah, adeecidda qawaaniinta, la xisaabtanka iyo hufnaanta guud ahaan adeega dowladnimo heer kasta, derajo walba iyo meel marinteeda si loo siman yahay. Runtii guushu waxay imaneysaa marka dhammaan wadajir loogu hagar-baxo iyada oo hoggaanka dowladnimadu yahay kan masuuliyadda kowaad leh ee ummadda hagaya.

Nidaamka dowladnimadu ee dastuurku jideeyay ayaa ah midkan la rabo in la ilaaliyo, la meel-mariyo iyo in laga xaqsooro dhammaan arrimaha hab-maamulka dowliga ah (Abiding of the administrative law principles accordingly). Waxa loo jeedaa kala ilaalinta in milan ka dhex yimaado awoodaha kala qeexan ee dastuurka ku xusan; Waaxda Fulinta, Garsoorka iyo Xeer-dejinta. Ma yihiin hay’adaha kale ee madaxabannaani qaar leh oo si kalsooni leh u gudanaaya waajibaadka dastruuku ama xeerarka dowladnimo siiyeen?

Bal aynu fiirino farshaxanka maansadan:
…Waxa maanta ii daran,
Qaran haga dadweynaha;
Qaran damal sidiisii,
Noo dallaalimeeyoo,
Soo taabta darafyada;
Qaran aan dir-sooc jirin,
Qaran aan ahayn dulin,
Nabad-doonka beeshiyo,
Raacatada dulsaar ku ah;
Qaran aan dirsada oo,
Anigaysku kay dirin;
Qaran iigu soo dara,
Aan iiga sii darin;
Qaran gudaha daafaca,
Dibeddana aqoonsi leh.
Isku soo dabaal oo
Waxaan doonayaa qaran,
Qaran dhaama kii dumay…….
(Gabyaa M. X. Dhamac-Gaariye-Maansadii Dabataxan 1997).

Gebogabadii, waxa waajib ah hirgelinta nidaamka dowliga ah ee aynu yag-leelnay si toosan, hufan, isla markaana waafaqsan nidaamka talo-wadaaga ah (dimuqraadiga ah) ee aynu cuganey. Habkani waxa uu inta badan suurtogelinaaya is-aaminaad iyo wax-wadalahaansho dadka dhexmara, balse u baahan in si mug weyn loo waafajiyo dhaqankeena iyo caqiidada aynu aaminsanahay, waana arrin u baahan naf-hur dhab ah oo xeel-dheerayaasheena aqoontu ku sameeyaan meel-marintiisa (integrating the democracy system into our Somali culture and its beliefs).

Gunaanad, bal aynu isweydiino in asxaabteena siyaasadu yihiin kuwo tusmaynaya meel-marinta himiladaasi? Ma inoo horseedayaan waddadii guushaa lagu gaadhi lahaa? Isku-soo-duuboo ma ku foogan yihiin hirgelinta qaranimo dhameystiran oo ku saleysan cadaalad loo siman yahey sida sharcigu jideeyey?

Waxaan jawaabaha u dhaafayaa akhristayaasha sharafta leh ee maqaalkan kooban.
Waxaan kaga baxayaa halqabsigayga maanta oo ah: : “Somaliland Maxaa Howl Inoo Qabyo ah”
Qalinkii:

Mustafe Suleyman Cilmi (Cajuul),
Hargeysa, Somaliland.
Telefoon: 00 252 (0) 63 4137470
Email: mustafe72@gmail.com