Muslimkii koowaad ee ka mid noqda Hogaanka Mongolka (WQ: Mukhtaar Xasan Axmed)

Berke Khan (Muslimka Kowaad ee ka mid noqda Hogaankii Mongolka)

Berke Khan ayaa sidoo kale loo yaqaan Barakah, wuxuu ku dhashay magaalada Burkhan Khaldun, Mongolia sanadkii 1209.  Wuxuu ahaa wiilka Jochi Khan iyo Sultan Khatun.  Jochi Khan wuxuu ahaa taliyihii ciidamada Mongolia iyo ina Genghis Khan.

Sannadkii 1229 Berke Khan iyo walaalihiis ayaa caleemosaaray adeerkiis Ogedi Khan oo loo yaqaan “Great Khan”.  Sannadkii 1236 iyada oo la raacayo amarka Batu Khan, Berke oo ay wehelinayaan Shiban, Sinkur, Orda iyo qaar kale oo ay ilmaadeer yihiin ayaa soo uruuriyey ciidan ka kooban 150,000 oo dagaalyahanno ah una guuray Serbia iyo Bulgaria waana la xakameeyay.  Berke Khan ayaa loo diray inuu qabsado Kipchaks.  Sannadkii 1237-kii iyaga oo jabiyey dhammaan mabaadii’da mongolska, waxay galeen Ruushka.  Sannadkii 1239 Berke Khan wuxuu qabtay Merkit oo xidhay madaxdoodii. ka dib, wuxuu qabsaday dhul xeebeed kale oo ku yaal dhinaca galbeed dhanka Badweynta Casbiyanka.  Iasgoo fulinaya Amarkii walaalkiis wuxuu ka qayb qaatay Dagaalkii Mohi wuxuuna baabi’iyay Hungariyiinta.

Markay ahayd 1252, Berke Khan wuxuu ku guulaystay Batu Khan.  Berke Khan wuxuu ahaa taliyihii Golden Horde oo qeyb ka ahayd Boqortooyada Mongol.  Sannadihii 1257 ilaa 1266, wuxuu ku guuleystey isku-darka  guutooyinkii White iyo Blue Horde.  Wuxuu ahaa shaqsigii ugu horreeyay ee Islaamka ka dhex asaasay Boqortooyadii Mongol.  Jacaylka ​​uu u qabay Islaamka maalinba maalinta ka dambaysa way sii kordhaysay.  Markii uu ogaadey dhibta kufsiga iyo dilka dadka muslimiinta ah ee aan waxba galabsan lagu hayo iyo burburintii khilaafooyinkii islaamka ee uu fuliyay  Taliyahii Mongolska ee uu amrayey Hulagu Khan, Berke khan wuxuu bilaabay kacdoon ka dhan ah isagoo isbahaysi la saameeyay boqortooyadii Mamluks ee Masar.  Colaaddani waxay gashay waji cusub sanadkii 1262. Sanadkii 1263 ciidankii Hulagu khan ayaa la qabtay waxayna la kulmeen guuldaro ba’an.  Waxaa burburiyey ciidanka Hulagu wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Nogai oo jooga Wabiga Terek.  Berke Khan wuxuu kaloo taageero siiyey Ariq Boke dagaalkii sokeeye ee Toluid  sidoo kale waa la qanciyey mongolska dagaalkaa. Wuxuu kaloo ka xoreeyay Afghanistan iyo dalal badan oo kale oo Muslim ah xukunkii Mongol.

Sanadkii 1266 Berke Khan wuu xanuunsaday wuuna dhintay, isagoo ka gudbayey wabiga Kura isagoo tixgelin siinaya inuu weeraro Hulagu Khan wiilkiisa oo lagu magacaabi Abaqa Khan.  Waxaa lagu aasay Burhan Khuldun, Mongolia.  Sidii caadada u ahayd, wiil uu adeer u ahaa oo la odhan jiray Mengu Timur ayaa noqday ku-xigeenkiisa oo la wareegay ciidankii Berke khan. Wuxuu sidoo kale sii waday taageerada uu siiyo boqortooyadii Mamluks ee masar.  Taariikhyahanadu waxay sheegaan in muslimadii iyo ka go’itaankii mongolska ee Berke Khan ay Ka badbaadisay dalal badan oo muslimiin ah ciidamadii mongolka ee Hulagu khan sida magaalooyinkii barakaysnaa ee Makka, Madiina, iyo Qudus.