Mustafe Sarqa: Cusboonaysiyihii Fiqiga Casrigaa! (W/X: Sheekh Rakuub)

Dr. Mustafe Axmed Sarqa (1904-1999) wuxu u dhashay dalka Suuriya, wuxu ka soo jeedaa qoys diineed oo baacdheer ku leh fiqiga, aabbihii sheekh Axmed Sarqa waa fiqiyaqaankii qoray kitaabka weyn ee (Sharxu Qawaacidul-fiqi), awoowgii wuxu ahaa mid ka mid ah raggii looga dambeeyey fiqiga Xanafiga wakhtigiisii.

Sarqa waxyaallo badan baa lagu xusuusta sida gumaysi ladirirkii dalkiisa, culimada sooyaal ahaan ugu magaca weyn Ikhwaanka, hase ahaatee, doorkiisa ugu weyn lagu xusuusnaan doonaa waa in uu ahaa buuni diineed oo noociisa hore loo arag, wuxu ka mid ahaa culimadii ugu waaweynaa qarnigii tegey iyo mid ka mid ah fuqahada ugu raadweyn dunida muslimka taariikh ahaan.

Dr. Mustafa Sarqa qof kasta oo daraaseeyey fiqiga casrigaa wuxu ku leeyahay saamayn togan iyo in uu ku carriyey muhiimadda ay leedahay aragti cusub in lagu eego fahanka diineed oo aan la duljoogin fiqigii iyo fahankii hore, waana midda uu ula baxay: Casriyeynta Fiqiga Islaamka–(Shaadhka cusub ee Fiqiga Islaamka) oo ah silsilad kutubeed afar dhigane ka kooban, kuwaas oo indho cusub ku eegaya fiqiga iyo doorkiisa cusboonaysiineed.

Kutubtaas oo ka kooban afar mug, ayuu qaybta kowaad iyo labaad kaga hadlay gogoldhig guud oo faahfaahin ka bixinaya mawduuciisa, ujeedkiisa iyo gondadeggiisa fiqi, sidoo kale wuxu ku qaadadhigayaa ereybixinnaha uu adeegsanayo, iyo mabaadi’da guud ee fiqiga.

Silsiladdiisan, qaybta saddexaad wuxu kaga hadlayaa; aragtiyaha jira ee habraacyada iyo hagayaasha guud ee fiqiga Islaamka, isagoo sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey mawduucyada kala duwan ee fiqiga iyo muhiimaddooda.

Qaybta afaraadna wuxu kaga warramay noocyada heshiis ee lagu sheegay fiqiga sida heshiiska iibka oo uu ku eegayo indho cusub, fahan cusub, qaabayn cusub iyo aragti aan ahayn kuwii hore.

Kutubtiisa kale dhammaantood waa wada miid, aqoontiisa sarraysa midda ku baraysa weeyi sheekh Sarqa kolkaad kitaab aragtaba adigoo leh qofku cufanaa ayaad mid kale arkaysaa oo mawduucanna ma wax ayuu ka qoray ayaad is odhanaysaa, kolkaas ayaad mid kale u sii gudbaysaa haba soo qaban lahaydaa, waana midda ku tusaysa in uu yahay faqiih aan noociisa hore loo arag.

Sheekh Sarqa wuxu hormood u ahaa raggii bangiyada Islaamigaa qaabeeyey, xeerarkeda iyo hannaanka ay u shaqaynayaan dejiyey, waxana marjac u ahaa kitaabkiisa (Caqdul-istisnaac)-heshiiska ganacsi.

Sarqa wuxu dareemay baahida taalla maxkamadaha Suuriya, oo aanu kitaab la dhigaa maaraynayn, waa sababtu u dhiteeyey silsiladdiisa kutub ee qaanuunka. Kitaabkiisa (Sharx qanuunul madani Suuriya)-faahfaahinta xeerka madanigaa ee Suuriya. Waa door kale oo baaciisa aqooneed iyo fogaan-aragiisa muujinaysay Alle ha janeeyee.

Imaamku mar hadduu ahaa fiqi-cusboonaysiiye waxa lagama-maarmaan noqonaysa in uu furo albaabbo aan hortii la garraacin, oo dadku la wada yaabaan halka mawjaddiisu ka garaacayso, se marar badan tiisa noqoto halka mar kalena uu baalmarayo, taasna ijtihaadku wato. Sarqa aragtidisii rajminta oo fulinteeda ikhtiyaar u siinayo garsooraha halkii awal ay ka ahayd xukun aan laga gorgortami karin ayaa murannadii ugu adkaa aragtiyihiisa ka mid ah.

Asaaggii way la ashqaraareen aqoonruugnimada, jeer ay gaadhsiiyeen in aan hore loo arag noociisa oo kale, ragga layaabay waxa ka mid ah caalimkii weynaa Dr. Cabdiqaadir Cawda, “Sheekh Sarqa, halmar ayuu fiqiga wareejiyey, isagoo ka keenay wakhtigii Cabbaasiyiinta una soo wareejiyey wakhtigan aynu joogno. Fiqi ku duduubnaa dhar duugoobay ayuu u xidhay dhar cusub.”

Sheekh Qaradaawi oo sifaynaya shakhsiyaddii iyo aqoontii imaamku wuxu yidhi, “Sheekh Sarqa, wuxu ka mid ahaa culimadii ummadda, wuxu ka tegey dhaxal aan duugoobayn weligii, wuxu gacantiisa ku soosaaray jiilal badan, oo meelo kala duwan jooga, shan iyo toddobaatan sannadood ayuu jamaacadaha iyo duruusta kale bixinayey.”

Sannadkii 1999kii ayuu ku geeriyooday Sucuudiga. Geeridiisa ka hor ayaa lagu maamuusay shahaadada la guddoonsiiyo qofka qaadhaan diineed gashada dadkiisa. Hubaal dedaal nafhurnimo ah ayuu inooga tegey maalinku garaadsaday ilaa uu ka geeriyooday. Jannooyinkiisa waaweyn Alle SWT haku casuumo imaamka.

 

Xigasho:Abdirisak Hassan Rakuub

Bandhige@gmail.com