Muusow adeer jiib noom taani, hurdo kala keen (WQ: Maxamed Yaasiin Maxamed)

 

Caqliga iyo garaadka ku kora ee caafimaadka qabaa marka horeba been abuurkan wuu garanayay, maskaxda aqoon dhalasheedka lihina way u cadayd in ay ahayd waxani wax lasoo malmaluuqay, ninkii guul iyo cimri dherer ka dhiganaayeybeentan cad iyo sawiradaba footoshobka ah isaga iyo intii taageersanaydba muran cad ayay indhaha isku soo qabanayeen, waxay rumaynayeen been inta laga daba yimaado cidlo ku soo af go’aysa, waxay dhiiranaan dood uga dhiganayeen, denbi kii agabkiisa lagu sameeyey uu mar uun ka xaal bixin doono,waxay lahaayeen maxkamad cid halagu saaro qudhun ay qarqoosheen iyo munaafaqad cad oo ay iyagu sameeyeen, kaasoo mulkiilihii jariidada ee eeda laga galay ay khasab tahay in uu mar uun beenin doono, sidaa maantaba aad aragtaan.

Wax la yidhi askari waa askari, mayaqaan siyaasad aan ka ahayn tii qaaxo, waxaa lay sheegay in xaajigu guul u yaqaan in intaan laysba gaadhin laysasii naco, waa libinta calancasta in la badiyo been abuurka, munaafaqada, baqdin gelinta, budhaynta iyo in inamo yaryar oo ciyaal ey loo bixiyey loo samaysto hawlaha tartan kii uu yahayba, waxay xogagaalku ii sheegeen in xaajigu wakhtiyadii Cabdiraxmaan Tuur iyo Cigaal Alle labadoodaba haw naxariistee, uu lahaa kudlad la odhan jiray Ciyaal ey kuwaasoo Muuse Biixi uu u haystay in ay u yihiin awood uu muquunintooda uu ku cabsi geliyo, waana ta madaxwayne Siilaanyona xiligiisan taariikhdii mugdiga ahayd dhalisay ee la baxday qaraxyadii shaanida, Masuuliyiintii Waddanina lagu weeraray barkhad iyo guddoonka dhallinyarada.

Doraadna Kalsan wuxuu soo dhigay muuqaal war saxaafadeed ah oo uu ku cadaynayo beentii ay isku soo kabkabeen labadii weriye ee Mo Yousof Bakayle iyo Abdirisaaq Yusuf Cali “Terra” waan ka xumahay wixii dhacay iyo ficilkoodii, samaanta lagu abaal mariyey, maantana waxaa xiisaanku u go’ay isku daygii labaad ee been abuurka ahaa kaasoo maanta soo afjarmay iyadoo warbaahinta STAR ay cadaysa in muuqaaladaas ay ahaayeen sida sawirkan ku cad beenabuur raalina ay siiyeen madaxdii iyo xisbiqarameedkii ay intaasoo dhibaato ah ay u gaysteen iyagoo uu soo adeegsaday xisbiga muxaafidka ah ee cabsida kalsooni daro ay hayso.

Waan ka xumahay siyaasiyiinta muxaafidka ah halka ay la marayso cabsida ka soo wajahday xisbiga mucaaridka ah, waxaanse talo kusiinayaa, ha hilmaamina in wax kasta ay ka wayn tahay qaranimada aad aadka u liidaysaan, hana moogaanina in xisbiga Waddani iyo UCID in ay yihiin asxaab qaran iyo tiirarka dimuqraadiyada marnabana aan laga maarmi karin, ta kale xusuusnaada in aan qarankan aanay jirin cid mar danbe meel kale gayn kartaa, bulshadu iyagaa midnimada iyo kala tagaba go’aansatay, markaa haddii aad qabtaan in aad idinku Koonfur dadka gayn kartaan been ayaad isu sheegteen ADEER JIIB NOOM TAANI.

 

Waxa qoray: Maxamed Yaasiin Maxamed