Muxuu Imaaraadku Ka Rabaa Geeska Afrika ….

Hordhac

Wax ku dhow dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay waxa aad u kordhaysay saameynta iyo galaangalka uu Imaaraadku ku yeelanayay Geeska Afrika. Si aynnu arrintan u fahanno waa in aynnu milicsi kooban dib ugu sameynaa dawladda Imaaraadka, gobollada ay dhacdo, dhacdooyinka ka taagan, xiisada ka jira iyo maslaxadaha ay ilaashanayso ee ay u taagantahay, si gaar ahna kuwa ka khuseeya gobolkan Geeska Afrika ee aadka u xiisadaha badan.

Imaaraadku waa mid ka mid ah dawladihii Khaliijka Carabta ee qaatay xorriyadda 1971kii. Ingiriisku sagaal Sheektooyo (Sheikhdoms) oo uu heshiis kula jirey ayaa uu dhammaadkii lixdannadii bilaabay in uu xorriyad siiyo, in kasta oo ay cabsi shisheeye dareemayeen sida Iiraan oo ay rabeen in uu la sii joog Ingiriisku, haddana ma ay suurogalin. Waxa ay bilaabeen in ay isbahaysi federayshan Carbeed ah sameystaan iyaga oo sagaal imaaradood ah, se waxa ay arrintaasi dhicisowday markii Qadar iyo Baxrayn goonni isu taageen. Kadibna wixii soo hadhay oo toddobo ah; Fujayra, Abu Dubay, Sharja, Um Al-Quwayn, Dubay iyo Raas Al-Khayma ayaa isu tagey oo aasaasay dawladda Isutagga Imaaraadka Carabta (United Arab Emirates).

Imaaraadku waa waddan dhaca Bariga Dhexe (Aasiya Galbeed) oo xuduud la leh Gacanka Beershiya iyo Gacanka Cummaan una dhexeysa waddanka Cummaan iyo Sucuudi Carabiya. Waxa uu dhacaa marinka aadka istiraatiijigga u ah ee saliidda adduunku marto waa Haramuus e (Strait of Hormuz). Waa waddan sida oo kale dhaca marinka taariikhiga ah Silk Road (marin-ganacsiyeedka Yurub-Aasiya โ€“ Eurasian trade route) ee soo bilaabmay qarnigii labaad ee Nebi Ciise ka hor illaa badhtamihii qarnigii shan iyo tobnaad, kaas oo isku xidha dunida Barigeeda iyo Galbeedkeeda, marinkiisa badeed (Maritime route) oo soo gaadha marinka Haramuus, jasiirad-u-ekaha Carbeed, Indiyaanka, Gacanka Beershiyaanka illaa Mombaasa iyo Geeska Afrika.

Waa waddanka labaad/saddexaad ee ugu dhaqaalaha weyn Bariga Dhexe oo leh GDP lagu qiyaaso $500 bilyan (2021-23). Waxa uu aad ugu tiirsanyahay batroolka iyo gaasta dabiiciga ah, wax ka badan 77% iyo 80% dhaqaalihiisu waxa uu ku tiirsanyahay dhoofinta saliidda qaydhiin (2008/2011). In kasta oo ay beryahan dambe bilaabeen kala duwidda dhaqaalaha (Economic diversification) sida; dalxiiska iyo ilo kale, ayna hormuud ka noqdeen dhaqdhaqaaqyada isbeddelka cimillada, iwm. Waxa ay horraantii siddeetannadii bilaabeen kacdoon dhaqaale iyo horumarinta dekedaha. Waxa ay xilligaas dhiseen dekedda Rashiid iyo aagga dhaqaalaha xorta ah ee Jabal Cali (Jebel Ali Free Economic Zone), iyo sida oo kale gegida dayuuraha caalamiga ah ee Dubay, kuwaas oo markii dambe fure caalami ah u noqday maraakiib-ku-xidhashada, gaadiidka iyo loojistikada, sida shirkadda Dubai Port World (DP World), diyaaradda Emirates iyo Dubai National Air Travel Agency (DNATA).

Imaaraadku waxa uu leeyahay wax ku dhow laba iyo toban dekedood oo aad u horumarsan, si weyn loo qodey, loo casriyeeyay, caalamkana kaga jira kaalin muhiima dhanka iskusocodkiisa dhaqaale iyo gaadiidba. Waxa ugu horreysa dekedda Jabal Cali oo Dubay ku taal oo la dhisay dhammaadkii toddobaatannadii, waana ta sagaalaad ee ugu mashquulka badan caalamka, mar kalena waa ta ugu weyn uguna mashquulka badan Bariga Dhexe oo dhan.

Waxa kale oo uu Imaaraadku bilaabay laba hal-abuur oo dhankiisa horumarka dhaqaalaha iyo la macaamilka caalamka kaalin weyn ka qaatay, midi waa xarunta maaliyadda caalamiga ah ee Dubay (Dubai International Finance Center) iyo suuqa caalamiga ah ee Abu Dubay (Abu Dhubai Global Market); iyo sida oo kale dhismaha aagagga xorta ah ee dhaqaalaha (Free economic zones) oo fara badan kuwaas oo bixiya adeegyo kala duwan oo ka madaxbannaan sharciyada gudaha dalka lagu dhaqo (Mainland jurisdiction) oo dhammaantood ka qeyb noqday soo jiidashada maalgelino caalami ah oo dibadeed oo kor u qaaday korriinkiisa dhaqaale iyo saameytiisaba. Imaaraadku waa waddanka muhiimaddaas dhuleed iyo juquraafi leh oo ay u raacday horumar iyo dhaqaale baaxad leh. Haddaba sidee nimcadan qaab kale loogu isticmaali karaa, loona ilaalin karaa waa halka ay ka dhalanayso wayddiinta kore ka warcelinteedu.

Maslaxadaha Qaran ee Imaaraadka

Guud ahaan waddamadu waxa ay leeyihiin maslaxado qaran (National interests) oo ay u mudantahay โ€˜primary interests โ€“ maslaxadaha aasaasiga ahโ€™, kuwaas oo khuseeya ilaalinta jiritaanka dawladda, dhaqan-dhaqaalaheeda iyo ahaanshaheeda. Waana salka hoose ee maslaxadaha kalena lagu dul dhiso. Imaaraadka waxa maslaxad qaran oo aasaasiya u ah ilaalinta dawladda iyo awoodaheeda, dawladduna waa nidaamkan/rajiimka hadda dhisan ee Sheekhtooyada ah oo laga ilaaliyo in isbeddel ku dhaco, jamhuuriyad ah ama Islaami ah, waa halkan meesha ay salka ku hayso in Iiraan aad looga taxaddiro oo lala colloobay maddaama ay faafiso kacdoonno boqortooyooyinka lagu tuuro, gaar ahaan kuwa Khaliijka Carabta iyo sida oo kale la saaxiibidda Maraykanka iyo Galbeedka.

Dhan kale, Imaaraadku maaddaama uu noqday horyaalka loojistikada iyo adeegyada marinnada badeed ee dunida waxa uu maslaxaddiisa ku saleeyay in uu dammaanad qaado isku socod ka soo bilowda marinka Haramuus ee Gacanka Beershiya illaa marinka Baabul Mandab ee Gacanka Cadmeed illaa Baddacas. Goobahani sida oo kale waa marinbiyoodyo aad u yar baaxad ahaan oo ay cidhifyada dhulalku soo gaadhaan (Chokepoints) oo si fudud loo xannibi karo, ayna daruuri tahay in bedqabkooda loo sugo si buuxda. Markaa waxa ay u noqotay in uu muhiimad iyo mudnaan istiraatiijiyadeed ka dhigto sugista amniga goobahan ku yaalla Baddacas, Gacanka Cadmeed iyo Gacanka Beershiya oo uu xataa isku dayo raadinta waddamo isaga la jaal ah (like-minded governments). Waxa intaa raacday in adeegyada iyo ganacsiga uu Imaaraaadku hormuudka ka yahay ay Geeska iyo Bariga Afrikana u noqdeen albaabkii uu ka geli lahaa Afrikada weyn, uguna soo xigay dhinkiisa. Markaa waa uu ku qasbanyahay in uu mudnaan weyn siiyo marka dhinacyo badan laga eego gobolka.

Isbeddelka Siyaasadda Dibadda

Waddamadu marka ay awood ahaan yaryihiin ama ay cusub yihiin waxa ay isku dayaan in ay raadsadaan dawlado waaweyn oo ay isku ilaaliyaan (Survival) ama ay hoosjoogaan si ay danahooda uga gaadhaan, sidaa darteed Imaaraadku kolkii uu tabaryaraa waxa uu aad ugu xidhmay oo la saaxiibay dhanka Galbeedka iyo Maraykanka, isaga oo heshiisyo iskaashi millatari ah la yeeshay, hub iyo tababbar millaterina aad uga helay, isaga oo badankana qeyb ka noqday hawlgallo fara badan sida; kii UNISOM Soomaaliya 1993kii, hawlgalkii Maraykanka ee Kosovo, kii Miino-saaristii Lubnaan, faragelintii Afgaanistaan iyo Ciraaq ee 2001/2003, iqk.

Guโ€™gii Carabta

2011kii iyo xilliyadii ka dambeeyay ee uu bilowday Guโ€™gii Carabtu waxa uu Imaaraadku u arkay bilowga isbeddel ku socda mandaqadda siiba bulshooyinka Carabta ee uu ka midka yahay ayna tahay in uu wax ka beddelo adduunโ€™araggiisa dibadeed, taas oo halis badan ay uga muuqatay dawladaha badan ee la riday ee qaarkood ay dhacaan Baddacas oo isaga muhiim u ahayd ganacsigiisa. Mar kalena dawaladaha qaar sida Masar oo ay doorashadii ku guulaysteen ururka Ikhwaanul Muslimiinku oo Imaraadku u arko in uu halis ku yahay jiritaankiisa dawladnimo (Existential threat), dabcan waa nidaamka boqortooyada e, maaddama uu kacdoon Islaami ah ku keeni karo gudaha Imaaraadka. Halka dhanka Qadar oo loollan adag kala dhexeeyana ay taageerto ururkan oo xidhiidh wacanna ka dhexeeyo. Waa markan xilliga uu Imaaraadku bilaabay in uu ka fekero wax dhaafsiisan xuduudaha dhow ee ku haraareysan, iskuna dayo in uu saameyntiisa ballaadhiyo dhanka Geeska iyo Afrikada kale. Waxa ay qaateen fikrad odhanaysa nabad ma ahaan kartid haddii jaarkaagu dagaal ku jiro, ama si kale haddi loo dhigo xiisado halis kugu noqon kara ay ka taaganyihiin. Waana macruuf dhanka xidhiidh caalamiga ah in xasilloonida mandaqadda aad dhacdo iyo xiisadaheeduba ay saameyn weyn kugu leeyihiin, sida haddii ay diktaatoorro xasilloon yihiin oo ah ta uu Imaaraadku had iyo jeeraale raadiyo (Authoritarian stability) ama haddii mushkilado ka qarxaan in aad jilayaasha qaar xukunto, iwm.

Siyaasad Faragelineed

Isaga oo Imaaraadku hore qeyb uga ahaa faragelino ay xulafooyin hore lahaayeen, haddana xilligan isbeddelka, Imaaraadku isaga ayaa ka dhigtay faregelinta mid ka mid ah qalabyada siyaasaddiisa dibadeed (Foreign policy tools). Imaaraadku waxa uu qaatay siyaasad faragelin dibadeed ku saleysan (Interventionist foreign policy) oo ay u horreysay isaga oo qeyb ka ahaa faragelintii Maraykanka ee Liibiya 2011kii, faragelintii Maraykanka ee Suuriya ee 2014kii, faragelintii Ruushka ee Suuriya ee 2015kii iyo tan hadda socota ee xulafada Sucuudigu faragelisay Yaman ee 2015kii.

Mar kale Imaaraadku waxa uu aad u farageliyay oo taageero muuqata oo ballaadhan siiyay Jeneraal Xaftar xilligii dagaalkii labaad ee sokeeye ee Liibiya uu qarxay 2014kii. Sida oo kale waxa uu taageere dhaqaale, wadashaqeyn iyo tababbarba siinayay jabhadihii kala duwan oo Suuriya ka dagaallamayay sida jabhaddii koonfurta (Southern Front โ€“ Jabhatul Junuubiya), xooggaga dimuqraadiga Suuriya oo Kurdi ah (Syrian Democractic Forces) iyo sida oo kale dhaqdhaqaaqa berri ee Suuriya (Syriaโ€™s Tomorrow Movement). Sida oo kale, xukuumaddii ka dhalatay Guโ€™gii Carabta ee loo doortay Maxamed Mursi 2012kii, waxa ay Imaaraadku ka jareen taageeradii maaddiga ahayd ee ay Masar siin jireen ka hor kacdoonka, laakiin waxa ay durbadiiba soo celiyeen markii uu Cabdel-Fatax Al-Siisi inqilaabay xukuumaddii la doortay ee Masar 2013kii.

Galaangalka Gacanka Cadmeed iyo Indiyaanka

Hilaadihii 2008, 2009, 2010kii iyo wixii ka dambeeyay marinka Suwayska ee Baddacas iyo marinnada kale ee Indiyaanka iyo Gacanka Cadmeedba, Imaaraadku aad baa uu xoogga u saaray amnigooda, isaga oo qeyb ka noqday hawlgalladii budhcad-la-dirirka ee iyo kuwii argagixiso-la-dirirka ee Soomaaliya. Waxa uu taageero iyo tababbarba siiyaa ciidanka maamulka Puntland ee Soomaaliya โ€˜Puntland Marine Police Forces – PMPFโ€™ oo la dhisay 2010kii, loona yagleelay la dagaallanka budhcad-baddeeda, iwm. Sida oo kale 2014kii ayaa ay Imaaraadku bilaabeen barnaamij lagu tababbarayo ciidamada Soomaaliya, iyaga oo muddo kadibana ka furay xarun tababbar ah oo ay ciidamada Imaaraadku ku tababbaraan komaandoosta Soomaaliya. Imaaraadku ciidamo fara badan ayaa uu u tababbari jirey Soomaaliya, waxa kale oo uu dhisay xarumo tababbar iyo cisbitaallaba, sida oo kalena waxa uu bixin jirey mushaharka ciidan lagu qiyaasay 2,407. Waxa kale oo uu gawaadhi siin jirey ciidanka maamulka Jubaland iyo wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka Soomaaliya. Laakiin waxaas oo dhan waa uu joojiyay markii Abril 2018kii diyaaraddii sidday lacagta dhan $9 milyan ah lagu qabtay Xamar iyo xiisaddii ka dhalatay, taas oo keentay in xukuumaddii Farmaajo ay erido saraakiishii iyo ciidankii Imaaraadka, xarumihiina ay xidho. In kasta oo badanka xidhiidhadii Imaaraadka iyo Soomaaliya ay xukuumaddan cusub ee Xasan Shiikh ay dib u soo celisay dhinacyo badan.

Xilliyadii 2014-2015 ee ururka Xuutiyiintu xukunka ka tuureen madaxweynihii Yaman ee ay caasimaddana gacanta ku dhigeen, horena ay u jireen ururka Alqaacidada Jasiiradda Carbeed (Al-Qaeda in Arabian Peninsula โ€“ AQAP) oo illaa 2009 firfircoonaa illaa hadda oo xilliyadii 2011kii kacdoonnadii guโ€™ga Carabtu bilaabmeenna imaaraad goonni ah ku dhawaaqay, sida oo kalena soo ifbaxay ururkii Daacish ee Yaman, waxa ay Imaaraadka iyo dawladihii Khaliijka u ahayd halis kale oo jaarka dhow iyo mandaqadda ka soo cusboonaataay. Maaddaama oo la dareeemay saameynta ballaadhan ee koraysa ee Iiraan oo Xuutiyaanta dhabar u ahayd iyo ururrada jihaadiyiinta oo saameyn xooggan ku yeelanaya Bariga Dhexe ee u dhow, taas oo keentay in xulafo uu Sucuudigu hormuud ka ahaa oo Imaaraadkuna ku jiro ay Yaman farageliso Maarij 2015kii, sida oo kalena la raadiyo xulafooyin dhaca Baddacas oo Suudaan iyo Eritrea u horreeyeen, taas oo ay September 2015kii saldhig Eritrea (Casab) loo oggolaaday in ay xulafadu ka duulaan oo ka duqeeyaan Yaman. Taas oo xogo soo baxay Feebarweri 2021kii ay tilmaameen in Imaaraadku dib u furfurtay saldhiggii Casab oo dib u gurasho bilaabay. Saldhiggaas oo ciidanka Suudaanna laga daabbuli jirey una ahayd sal ay diyaaradaha xulafada ee Imaaraadku ka duulaan.

Xuutiyuunta oo qabsaday meelo u dhow Baabul Mandabka waxa uu haddana Imaaraadku bilaabay in uu keligii xoogga saaro qeybaha xeebaha ee Galbeedka iyo Koonfurta Yaman, kana bilaabo hawlgallo duqeyneed si aysan Xuutiyiintu u xidhin marinka Baabul Mandab iyo meelo u dhow oo ay se maanta awood u yeesheen in ay halis geliyaan iskusocodkii maraakiibta iyo badeecadaha. Imaaraadku waxa uu aad u raadinayay xulafo kasta oo uu la yeesho waddamada dhaca badanka Gacanka Cadmeed oo uu illaa haddana uu wadaa, ha ahaato Jabbuuti, Somaliland, Somalia-Puntland, iwm.

Jabbuuti oo dhacda marinka Baabul Mandabka si uu ugu isticmaalo duulimaadka diyaaradihiisa dagaalka oo ay hore u joogtay shirkaddiisa DP World oo timid 2006dii, laakiin diidmadii codsigaas ee Jabbuuti waxa uu bilaabay in uu raadiyo saaxiibbo kale oo ay u dhaweyd Berbera iyo Somaliland oo uu heshiis la galey 2016kii iyo sida oo kale maamullada Soomaaliya oo dekedda Boosaaso u horreyso ee Buntilaan. Imaaraadku waxa uu aad ugu dhaqmayay arrin ahayd waa in aad buuxisaa gaab kasta oo Geeska Afrika ama Gacanka Cadmeed ah si aysan cid kale u buuxin oo halis hadhow ku noqon karta maslaxadihiisa.

Imaaraadka waxa uu sida oo kale siyaasaddiisa isfidinta ka mid ah in uu gacanta ku qabto jasiiradaha Gacanka Cadmeed iyo Indiyaanka dhaca ee ka ag dhow. Abril 2018kii Jasiiradda Soqodra (Socotra Island) oo Yaman leedahay oo qiyaas ahaan 300km u jirta, Soomaaliyana 100km u jirta ayaa uu ciidan ku daabbulay. Waa urur jasiirada ah oo muhiimad istiraatiiji ah oo weyn leh, dawlado badanna ay raadinayaan, gaar ahaan xilligan xiisada Yaman ay aad u kordheen ee Xuutiyiintu. Imaaraadka illaa 2000 ayaa uu daneynayay goobahan, hawlgallo bini aadantinnimana uu ka fidin jirey. Iiraan baa iyaduna galaangal ku lahayd xilligii dawladda Yaman jirtey ee xasillooneyd. Ururkan jasiiradaha ah oo mararka qaar duufaanno badeed ku kacaan oo aad u dhibaateeyaan, sida 2015kii iyo 2016kiiba, Imaaraadku kaalin aad u firfircooon baa uu ka qaatay u gurmashadooda, sida oo kalena adeegyo kala duwan baa ay ka dhiseen oo xarumo iyo cisbitaal ku jiraan, iwm.

Xilligaa iyo 2017kiiba ciidamada xulafada Sucuudi-Imaaraadku waa ay joogeen Soqodra. Xilligan dambe ciidamo buuxa oo qalabkoodu u dhanyahay oo Imaaraad ah baa jasiiradda la wareegay maamulkiina kala direy. In kasta oo xogaha qaar tilmaamayaan in heshiis kiro ah ay la galeen xukuumaddii Mansuur ee Yaman, haddana la inkirey. Imaaraadka waa lagu kacay markii uu ciidanka soo geliyay jasiiradda Meey 2018kii, haddana waxa uu ka hor keenay dad isaga taageersan oo Soqodriyiin ah. Maraykanka ayaa isaguna xaaladda ugu baaqay xilligaa in wadahadal iyo dejin lagu dhammeeyo, halka Turkiga oo la loollama Imaaraadka uu tilmaamay in ay tahay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida Yaman. Wixii intaa ka dambeeyay xooggii Imaaraadka culayskiisa wadahadal baa lagu saaray uu Sucuudigu qeyb ka ahaa, in kasta oo dib loo keenay ciidamo ka socda xulafada Sucuudiga.

Illaa September 2020kii ayaa xogo kale soo baxeen in Imaaraadku saldhig millateri ka dhisanayo jasiiradda, sida oo kale Golaha Kumeelgaadhka Koonfurta Yaman (South Transitional Council โ€“ STC) oo ah garabka ugu xooggan dhanka Koonfurta, goonni-isu-taagna ah, Imaaraadkuna dhabar u yahay ay gacanta ku qabteen jasiiradda, iyaga oo horena qeybo badan oo Koonfurta Yaman ah gacanta ugu qabtay, halka ay dekedda Cadanna xukumaan Imaaraadku. Intaa wixii ka dambeeyayna jasiiradda aad baa loo millatareeyay. Sida oo kale isla xilliyadaas waxa soo baxay xogo tilmaamaya in Israaiil iyo Imaaraadku ay shuraako ku yihiin arrinkan jasiiradda Soqodra oo Xuutiyiinta looga cabsi qabo, horraantii horena la keenay qalabyo wardoon oo lagu la socodo hawlahan, iwm.

Illaa laba sannadood ka hor waxa soo baxay xogo tilmaamaya in Imaaraadku uu saldhig-ciidan cireed ah ka dhistay Jasiiradda Mayun (Perim Island) oo ah jasiirad folkaano ka dhalatay oo marinka Baabul Madanbka kaabiga ku haysa. Imaaraadku waxa uu rabaa in uu marin kasta iyo wadiiqo kasta oo biyaha Indiyaanka, Gacanka iyo Baddacasba uu xukumo oo uu saameynna ku yeesho. Imaaraadka waxa uu ku fekerayaa in koonfurta Yaman iyo Soqodra ay yihiin bud-dhigga ganacsiga adduunka, cid wal oo arrimahaas dan ka soo gashana ay iyaga u daba fadhiisato, sida mashruuca weyn ee Belt and Road Initiative ee Shiinaha.

Xiisaddii Khaliijka iyo Xulafadii Geeska

Fiditaanka Imaaraadku waxa uu xoogeystay markii uu soo ifbaxay loollankii khaliijka ee 2017kii (Gulf Crisis 2017) oo Imaaraadka, Sucuudiga, Baxrayn iyo Masar ay xidhiidhka u jareen Qadar oo cunqabateynna ay ku soo rogeen, iyaga oo ku eedeeyay in ay aysan daacad ka ahayn dagaalkii xulafadu ka waddey Yaman. Mar kalena Masar baa ku eedaysay in Qadar ay ururrada argagixisada ah taageerto, sababahaas dartoodna loo goโ€™doomiyo. Qadar iyo Imaaraadka oo loollan istiraatiiji ah ka dhexeeyo, kuna loollama gobollada kala duwan ee Bariga Dhexe, Geeska Afrika iyo Waqooyiga Afrikaba ka mid yihiin, Masar xukuumaddeeda cusub ee inqilaabtay hoggaankii la doortay ee ururka Ikhwaanul Musliiminka ahaa ayay ka dabasocotay, maaddaama ay Qadar taageere siiso ururka, ayna ku soo dhaweyso dalkeeda, badanaana ay kaalin debecsan (Soft role) ay ka qaadatay shidaalinta kacdoonnadii guโ€™gii Carabta. Dhanka kalena ay mar walba Qadar u taagantahay kaalin caksi ah oo xoojinta isbeddellada iyo kacdoonnada aan dawliga ahayn (revolutionary empowerment role) oo aanay is waafaqayn ta ay ciyaaraan Imaaraadku ee xasilloonida rajiimyada xididaystay iyo taageeradooda.

Loollankaas darani waxa uu keenay in dhinac walba uu xulafo u raadsado caalamka, gaar ahaan kuwa ugu soo xiga oo Geeska Afrika ay ugu horreyso. Imaaraadku xilligan waxa uu ku soo beegamay iyada oo xukuumad Qadar u janjeedha ay timid xukunka Filla Soomaaliya, sidaa darteed waxa ay qaadatay kaalin kale oo ah in ay sii xoojiso maamullada federaalka ee Soomaaliya iyo dhinaca Somaliland si aysan u dayacmin kaalinteedu (Peripheral strengthening). Sida in ay hesho saldhigyo, ayna bilowdo dhismaha dekedaha iyo gacan-ku-qabashadooda iyada oo ay masโ€™uul uga tahay shirkadda DP World oo ah mid ka mid ah qalabyadeeda istiraatiijigga ah (UAE strategic tools).

Mar kale waxa ay Imaaraadka iyo Sucuudigu fursad ku heleen isbeddelkii cusbaa ee Ethiopia oo uu xukunka ku yimid Abiy Axmed 2018kii, isaga oo uu Abiy bilaabay isbeddelo dhaqaale oo Imaaraadka ula muuqday fursado gobolka ah iyo ballaadhinta saameynteeda. Maaddaama oo Ethiopia ay aad ugu tiirsaneyd dhanka Jabbuuti, Imaaraadku waxa uu ku qanciyay in Ethiopia ay dekedda Berbera ee DP World gacanta ku qabatay ay 19% saami ah ku yeelato oo ay dhankan u soo jeediso adeegsigeeda. Sucuudiga iyo Imaaraadku waxa ay gogolxaadheen in 2018kii ay dhexdhexaadiyaan heshiis lagu soo afjarayay khilaafkii dheeraa ee Ethiopia iyo Eritrea, iyaga oo mid walba ballanqaad u sameeyay sida in Ethiopia lacag la siin doono, halka Eritrea laga kaalmeyn doono sidii looga qaadi lahaa cunqabateynta.

Heshiisyadii saddexgeesoodka ahaa ee Abiy, Afwerki iyo Farmaajo, waxa ay Imaaraadku rejayanayeen in uu keeni karo heshisiinta iyaga iyo xukuumaddii Farmaajo. Imaaraadku waxa uu ku dhaqmayay siyaasad ah in aad xidhiidho kala duwan sameysato oo aanad cid qudh ah ku tiirsanaan marka ay gobolka joogto (Relations Diversification), taas oo ay dabcan aad ugu faaiideen marka loo eego xilligii ay Jabbuuti iyo xukuumaddii Farmaajaba ay isku dhaceen Imaaraadka. Mar kalena sannadkaas Imaraadku waxa uu maalgashaday dhinacyada korontada nadiifta ah, beeraha, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta cadcadeedda ee Ethiopia. Sida oo kale wadashaqeyn iyo heshiisyo dhanka amniga khuseeyana waa ay jireen heer ay so baxeen warbixino tilmaamaya in Imaaraadku dawladda Ethiopia ka kaaaliyay dagaalkii waqooyiga ee 2020-2022, isaga oo qalab iyo tababbarba siiyay ciidanka dawladda oo ay ku jiraan diyaaradaha iswada, iwm.

Dagaalka Suudaan

Suudaan markii laga gooyay koonfurteeda (South Sudan) sannadkii 2011kii oo ahayd isha ugu weyn ee dhaqaalaha waddanka ee shidaalka wax ku dhow 75%. Halka maanta shidaalku ka yahay waxsoosaarkeeda dhaqaale wax lagu qiyaaso 1%. Wixii intaa ka dambeeyay dhaqaalaheedu waxa uu ku tiirsamay qeyb ka mida dhanka xoolaha oo ay Sucuudiga u dhoofin jirtey wax ku dhow 25%, 70% wax ku dhow oo dhanka dahabka ah iyo wax guud ahaan 5% ah oo beeraha dalagga ka soo goโ€™a oo cudbigu u weynyahay, iwm. 2012kii ayaa aagga Jamal Caamir ee waqooyiga Daafuur laga helay dahab, kadib Suudaan waxa ay u noqotay fursad weyn oo kale oo lagu hagaajin karo dhaqaalaheeda halista galey.

Xilligaas oo hoggaankii maleeshiyaadkii Janjawiidka ee hore Hilaal Muusa (intaan Rapid Support Forces – RSF laga wada dhigin) uu deegaanka gacanta ku dhigay, hawlaha dahab qodistana uu si buuxda ula wareegay. Dahabka qaarkiis waxa iibsan jirtey dawladda Khartuum fadhida oo ku iibin jirtey sicir ka badan ka suuqa, si ay iyaduna Dubay (Imaaraadka) uga ga iibsato lacag xooggan. Waa halkan halka uu ka bilaabmay xidhiidhka labada dhinac ee dhaqaalaha ku saleysan ee Suudaan iyo Imaaraadka.

Sannadkii 2017kii dhoofinta dahabku waxa uu waxsoosaarka Suudaan ka noqday wax ku dhow 40%. Dahabka Suudaan waxa si buuxda u maamula xooggaa RSF, waxaana dahabkaa loo dhoofiyaa oo ugu weyn waddanka Imaaraadka. Lixda waddan ee Suudaan ugu horreeya ee ay wax u dhoofiso (2018) waxa kaalinta koowaad ah waddanka Imaaraadka. Dhanka Imaaraadka waxa ka jira shirkado kala duwan oo loojistikada iyo wixii RSF u baahantahay ka soo abaabula halkaas, kalana macaamilaan labada dhinac iibinta dahabka iyo wixii la xidhiiidha. Laba ka mid ah shirkadaha ay ku leedahay dibadda ee RSF aasaaska u ah waa โ€˜Sudan Technology Companyโ€™ iyo โ€˜Tradive General Trading LLCโ€™ oo labadooduba saldhiggoodu yahay Imaaraadka.

Haddaba khilaafkan hubaysan ee Suudaan ka socda ee u dhexeeya ciidamada qaranka iyo xoogga gaarka ah ee Rapid Support Forces (RSF), Imaaraadku waxa uu taageere buuxda la barbarjoogaa garabka RSF ee dahabka qoda. Xilliyadii uu bilaabmay dagaalka Yaman ee Sucuudiga iyo Imaaraadku xulafada sameysteen ayaa xukuumaddii hore ee Suudaan ay oggolaatay in ay u dirto guuto ka barbar dagaallanta xulafada oo uu madax ka ahaa Gen. Cabdifatax Al-Burhan, haddana dhawr bilood ka dib ayay hoggaanka RSF ee Maxamed Xamayti goonidiisa si madaxbannaan dawladda Imaaraadku uga dalbatay ciidamado aad uga badan kuwaas.

Ciidamada RSF oo warbixinaha qaar sheegeen in 2016-17kii ay ciidanka Suudaan ee ka dagaallamayay Yaman lagu qiyaasay 40 kun. Imaaraadku waxa uu dalbaday xilligaas dagaalku qarxay in ciidanka RSF ay la xoojiyaan dhanka koonfurta Yaman iyo aagga dekedda Xudayda ee Galbeed oo markaa ay Xuutiyiintu ku soo durkayeen. Xilliyadaas ciidan RSF ah oo lagu qiyaasay 16 kun waxa la geeyay xuduudda Yaman iyo Sucuudiga u dhexeysa, si ay u ilaaliyaan Riyaad. Xukuumaddii cusbayd ee rayidka Suudaan ee 2019kii waxa ay soo dib u soo celisay keliya 10 kun oo ciidan ah guud ahaantood. Mar kale xilligii Imaaraadku farageliyay dagaalkii sokeeye ee labaad ee Liibiya 2014kii, waxa uu hoggaanka RSF u direy Gaas ciidan ah oo ka barbar dagaallamayay Jeneraal Xaftar, kuwaas oo mushaharkoodana uu Imaaraadku bixinayay.

Waxa muuqata oo soo ifbaxday in wax dhaafsiisan ganacsiga dahabka laga wadashaqeysto oo siyaasadda iyo dano istiraatiijiyadeed ay ka mid yihiin, maaddaama Suudaan isbeddel ka dhacay in Imaaraadku ilaaliyo maslaxdihiisa iyo cidda uu taageersanyahay oo waddanka gacanta ku qabata, in muddaana xidhiidhkaa dheer la soo dhisayay oo la naaxinayay. Taageere baaxad weyn oo illaa heer wax walba laga caawiyo ciidamada RSF sida; hub, tababbar, qalab, gaadiid iyo daryeelba iyada oo dhammaadkii 2023kii ay dawladda Suudaan ku eedeysay in hub Imaaraadku uga soo gudbiyay dalka Jaad ciidanka RSF oo ay ka eryeen waddanka illaa 15 diblomaasi oo Imaaraati ah.

Dhanka kale xukuumaddii hore ee Suudaan oo bilowday dedaallo ay kor ugu qaadayso xoojinta dhinaceeda beeraha (Agricultural sector), waxa ay ku kelliftay in ay dawlado shisheeye heshiisyo kiro ah la gasho sida Turkiga, Shiinaha, Sucuudiga, Imaaraadka, Masar, iqk. 2018kii ayay Qadar iyo Turkiguba la galeen Suudaan heshiisyo lagu dhisayo adeeg dekadeed ee magaalada Suwaykiin oo koonfur ka xigta dekedda Suudaan, taas oo ka dhigneyd suuragalnimada in Turkigu uu biyaha Baddacas saldhig millateri ku yeelan karo, in kasta oo ayna arrintaasi ka suuragelin labada dhinacba, heshiiskiina ay joojiyeen golihii millateriga ee cusbaa.

Xukunkii Cumar Al-Bashiir ee muddada dheer oo ay Imaaraadku dhabarka u ahaayeen, iyaga oo ilaalinaya xasilloonida rajiimka (Regime security/authoritarian stability) iyaga oo liddi ku ahaa kacdoonnada jamhuuriga ah ee dhiggeeda Qadar ay u faradhuudhuubantahay, haddana millaterigii cusbaa ee waddanka inqilaabay ayay taageere baaxad weyn u fidisay. Xilliyadaas oo Imaaraadka iyo Sucuudiguba ay halis u arkayeen heshiiskii hore ee Turki-Qadar iyo Suudaan maaddama oo uu loollan kala dhexeeyo Turkiga iyo Qadar, ayna taagnayd xiisaddii Gulf Crisis ayaa ay deeq lagu qiyaasay $3 bilyan ku taageereen golihii millateriga ee inqilaabka sameeyay si uu u joojiyo heshiisyadii hore loo galey.

Dhaqdhaqaaqyada Cusub

Somaliland iyo Ethiopia isafgaradka ay kala saxeexdeen Jeenaweri 2024 waxa uu ka mid ahaa gogolxaadhyada ay Imaaraadku galaangalka ku lahaayeen, maaddaama ay Abiy uu yahay mid ka mid saaxiibbadeeda istiraatiijigga ah ee gobolka, horena uu u jirey heshiiskii 2018kii ee DP World. In biyaha Gacanka Cadmeed la keeno Ethiopia waa mid ka mid ah dedaallada Imaaraadku aad u naawilayo, iyada oo saldhigna u raacayo, si fududna ciidamo farabadan looga heli karo Ethiopia. Dhan kale, sannadkii tagey dhammaadkiisii Abiy Axmed waxa uu la kulmay hoggaanka ciidanka RSF, Maxamed Xamdaan Dooglo โ€œXamaytiโ€, dabcan labadooduba waa shuraakooyinka ugu waaweyn ee istiraatiijiyadda gobolka ee Imaaraadka (Strategic partners).

Dhinaca Buntilaan ee Soomaaliya oo uu Imaaraadku in muddo xidhiidho kala duwan la leeyahay oo dhinacyada amnigu u badanyihiin, waxa soo baxday dhawr maalmood ka hor in deegaanka Xaafuun (Raas Xaafuun, Raas Casayr) oo ku yaal Gardafuu oo cidhifka ugu Bariyeeya Afrika ah oo ah meel ay ku kulmaan badaha Indiyaanka iyo Gacanka Cadmeed, aadna u ah dhul istiraatiiji taariikhiyan, jasiirad u ekene ah in uu Imaaraadku saldhig millateri ka dhisanayo. Warbixinuhu waxa ay tilmaamayaan in sannadkii la siinayo lacag dhan $57 milyan, oo wejiga heshiiskana illaa $7 milyan lagu kala qaadanayo. Middaas oo ka dhigan in bishii lagu kireynayo lacag u dhexeysa $4-5 kun.

Hadda oo keli ah arrimahani ma soo ifbixin, balse illaa dhawr jeer oo kala duwan baa ay wararkani soo noqnoqdeen, warbaahinta Buntilaanna aad u faalleysay. Feebarweri 2020kii ayaa taliyaha ciidamada Maraykanka ee AFRICOM uu soo gaadhay Buntilaan, markaas oo ay soo ifbaxeen wararka sheegaya in saldhig laga dhisayo Xaafuun oo Imaaraadku leeyahay, iyada oo Maraykankuna waddooyin Boosaaso iyo Garoowe ku xidhaya Xaafuun uu dhisi doono. Maraykanku illaa bilowgii hirka argagixiso la dirirka saameyn iyo joogitaan muuqda baa uu ku leeyahay aaggaas, ciidamada Puntland Security Forces (PSF) aasaaskeedii qeyb buu ka ahaa illaa haddana waa uu taageeraa oo xidhiidh buu la leeyahay.

Mar kale oo ku beegnayd Feebarweri 2023 ayaa haddana uu madaxweynaha Buntilaan uu safar ku tagey dhulkaas Xaafuun, iyada oo warbaahinta qaarkeed tilmaamaysay in uu dhagaxdhigayo saldhig millateri oo Imaaraadku leeyahay. Haddana Oktoobar 2023 waxa soo baxay warar kale oo tilmaamaya in wefti Imaaraad ah uu tagey Xaafuun, waxaana ujeeddada weftiga ka mid ahayd in ay saldhig millateri raadinayaan iyo in ay deked maraakiibtu ku kala wareejistaan konteennarrada ay dhisayaan. Labadan qodob oo ay ka muuqato istiraatiijiyadda Imaaraadka ee ballaadinta ganacsiga iyo arrimaha amniguba. Hawshan oo kolka la isku soo ururiyo u muuqata mid illaa 2020kii soo socotay, Imaaraadkuuna aad u daneynayo marka loo eego maslaxadihiisa iyo wadashaqeynta uu maamulkaas la leeyahay oo ay ku lammaantahay xiisadaha ka taagan Gacanka Cadmeed.

Sida oo kale intii dib loo doortay Xasan Shiikh oo uu caadiyoobay xidhiidhkii Imaaraadku waxa kale oo sannadkii hore Maarij 2023kii ay Jubalaan baahisay boqol gaadiid dagaal ah oo Imaaraadku ugu deeqay hawlaha amniga iyo wadashaqeynta labadooda ka dhexeysay. Waxa kale oo soo baxay xogo tilmaamaya in Imaaraadku saldhig millateri uu ka raadinayo Kismaayo, dhanka dekedda Kismaayo iyo gegida dayuuradahana uu la wareegi doono. Waxa kale oo jirta xogo ah in Imaaraadku rabo in uu isu soo dhaweeyo madaxweynaha Jubalaan, Axmed Madoobe iyo raiisalwasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed oo kaalin dhexdhexaadineed uu qaato, maaddaama Axmed Madoobe aad ugu xidhnaa xukuumaddii dhacday ee TPLF ee Ethiopia.

Gunaanad

Imaaraadku waxa uu isku deyayaa in uu ilaaliyo oo difaacdo maslaxadihiisa dhaqaale, siyaasadeed iyo saameyneed, iskuna ballaadhiyo gobolka oo saameyn weyn ku yeesho, isaga oo sida oo kale isku deyaya in uu ka hortago khataraha kala duwan ee kaga iman kara jaarka dhow iyo jaarka fogba. Waxa uu rabaa in uu xoogga saaro oo joogteeyo saameyn ku yeelashada dekedaha, jasiiradaha, maamullada, dawladaha iyo mandaqadda oo dhan, isaga oo u maraya habab kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya. Mid ka mid ah saraakiishii maamulkii Donald Trump oo mar sifaynayay Imaaraadka waxa uu yidhi; โ€œDhagaxaad rogtaba ee Geeska Afrika yaal, Imaaraadka ayaad ka dhex helaysaa.โ€. Imaaraadka waxa ku dhiirrinaya dhammaan dhaqdhaqaaqyadan in uu xasilloonidiisa gudeed ee boqortooyada ka ilaashado kacdoon kasta oo saameyn ku yeelan kara, kana hortago cid kasta oo halis dibadeed ku noqon karta marinnada ganacsiyadiisa ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Casba. Maanta waa mid ka mid ah awoodaha gobol (Regional power) ee saameyntiisu ay aadka u soo ifbaxday, mandaqado kala duwan oo Bariga Dhexe, Badaha u dhow, Geeska Afrika, Bariga Afrika iyo Waqooyiga Afrikaba laga dareemay.

 

W/Q: Cabdifataax Xasan-Barawaani

Email: barawaani@yahoo.com

Bandhige@gmail.com