Muxuu saaxibkay igu dilayaa (WQ: Mukhtaar Cabdi Cilmi)

 

Waxay ahayd habeen aan la ilaabi Karin, waxay ahay haben uga  duwan habeenada kale kaas oo watay dhib iyo xanuun intiisa lahaa, amintu waxay ahayd  2:00 pm habeenimo markii uu bararugay isagoo wada dhididsan aadna u neef turaaya wadnuhuna u xoog u garaacayo , waa uu qaylyay isagoo leh alla wuxu igu dhuftay ma toraybaa xanuun kulula waxaa uu qabtaa daanka bidix ee dhabankisa mise waxaad modaa kulaylka ka baxaya in dhari lagu karinayo waxaa uu u cararay dhinaca miska oo uu ku ogaa dawo taalo nasib daro waxba may oolin waxaa uu u boday daarada dabada isagoo taaha ka baxaya aad moodo in xabad tarysa ahi ku dhacday.

Isagoo aad u taahaya ayuu ku tirabay ma waxaa xanuunkan ii keenay saaxibkaygii aan 27 sano ilaalinayay saaxibtinimadisa, subax walba iyo habeen walba nadafadisa ayaan ka shaqeeya si uu qayrkii uga qurux badnado ugana caafimaad badnado, ma waxaa uu igu abaal guday inuu nabarka intaa leeg ii gaysto, hurdadina ii diido, jidinkii aan cuni lahana uu iga hor istaago balse waa addun oo wax walba ka fillo waayo horaa loo yidhi:

“Nimaad kabtisa tolayso ayaa adna kafantaada tolaaya.”

Taahisii iyo jibaadkii ka baxayay xafadii oo dhan ayaa dareenty waar maxa ku helay, waar yaa ku dilay oo xiligan saqbadhka dabada ku soo saray, ma kii aad shalay ka cabanaysay ayaa caawana kugu soo noqday, garaci wuu ku sii batay ilaa uu gadho heer ay barar wajigiisi la garan waayo, dabayshuna damaqdo, cunuhuna uu xidhmo awoodna u waayo inuu canddhuftisa uu ceshado.
Waxaa uu nidar ku galay marku uu waagu baryo inuu saxibtinimadisii 27 sano ahayd uu u badalo cadaawad taas oo kaga aar gudanayo hanti iyo hadal wuxu ahayaba kana saaro goobtii ay kuwada nolaayeen mudadaa dheer ee kabadan rubuc qarni dabadana u tuuro hu iyo hanta wuxuu lahaaba.

Waxaa baryay waagii wuxuu tagay dhakhtarkii si uu usoo qaato warqadii rifeertada ahayd ee cadaynaysay inta u legyahay dhaawicisa iyo dhibka gaadhay markii la arkay nabarka uu u gaysty intuu leegyahay waxaa go,aan lagu gaadhay in laga dhex qabto axmaqan aan lahayn naxriista bulshada uu la noolyahay isagoo khasaare kale u gaysan kara inta kale ee uu la nool yahay. Waxaa uu dhakhtarkii u waydiyey magaca cida dhibkan u gaystay waxaan u sheegay in layidha (Gaws) waana gawsihisa mid kamida

F.G: Waa sheeko ka turjumaysa dhibaatada ay gawso iyo ilka xanuunku ku hayaan bulshada.

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)

(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University

Samiir.net@gmail.com   00252-634241542