Muxuu Salka Ku Hayaa Dagaalka U Dhexeeeya Ruushka iyo Yukrayn? 

Qof kasta oo u dhegtaagaya xiisadda colaadeed ee u dhaxaysa Yukraynka iyo Ruushku, waxa lagama maarmaan ah in uu wax ka ogaado qotada colaadda aan uguka ahayn ee soo jireenka ah una dhaxaysa labada waddan. Si kastaba ha ahaatee, laba qodob ayaa loo tirinayaa in ay salka ku hasyo cadaawaddan soo jiitantay: waa qodobka kowaad’e Yukrayn dhul ahaan waxa ay ku taalaa meel istaraateji ah oo uu Ruushku aad u danaynayo, maaddaama ay u dhaxayso Midowga Yurub iyo dhulkiisa; qodobka labaadna waa in uu jiro khilaaf la xidhiidha xuduudaha dhuleed ee labada waddan.

Sida aad ka warqabto, Kareemiya (Crimea) oo dhacda koonfurta dalka Yurayn, waxa si buuxda gacanta ugu haya Ruushka. Sidoo kale, waxa jira laba gobol oo iyaguna ku yaalla Bariga Yukrayn, magacyadooduna yihiin Lunahanis iyo Doonaski, balse magaca guud ee gobolka ay ku midaysan yihiin waxa la yidhaahdaa Danbaas.

Intaas waxa dheer, haddii aan dib kuu xusuusiyo Yukrayn waxa ay hore uga tirsanayd Midowgii Soofiyatka, laakiin 24kii bishii 8aad ee 1991kii ayay madaxbannaanideeda ugu dhawaaqday si iskeed ah, waxaanay noqotay waddan gaar ah. Waxa xusid mudan in bariga dalka Yukrayn lagaga hadlo Af Ruush, qaybo badan oo dhaqanka ka mid ahna ay wadaagaan labada waddan. Way adag tahay in qofka asal ahaan Ruushka ku abtirsada iyo ka Yukrayn ku abtirsada lagu kala sooco muuqaalka ama dhaqanka.

Haddaba, si aynu u fahamno khilaafka dhabta ah waa in aynu dib u jaleecno taariikhda waddanka Yukrayn, isla markaasna miliilicno isbeddelada siyaasadeed ee waddankaas ka socday 10kii sanno ilaa 15kii sanno ee ugu dambeeyay. Aan ku bilaabo’e, madaxweynaha xilka haya ee dalka Yukrayn, Faladamiir Salaniski waxa uu kursiga fuulay 28kii bishii May, 2019kii.

Balse, waxa uu xilka kala wareegay Betro Boroshenko oo isna xilka hayey intii u dhaxaysay 2014kii ilaa 2019kii. Betro waxa ka horreeyay madaxweyne Fiktar Yanikoofij oo isna kuriga ku fadhiyey intii u dhaxeysay 2010kii illaa 2014kii. Si la mid ah sidaas, gebi ahaanba Yukrayn waxa soo maray toddoba madaxweyne, laga soo bilaabo xilligii ay madaxbannaanideeda qaadatay.

Si kastaba ha ahaatee, innagu uma dan lihin in ay barano madaxweyneyaashii waddankan ka soo taliyey, balse waxa aynu u soconaa in ay fahamno dhacdooyinkii iyo khilaafyadii siyaadeed ee dhacay muddo-xilleedkii saddexdadan madaxweyne ee kor ku xusan. Marka hore waxa aan guudmar kooban ku samayn doonaa xisbiyada siyaaseed ee ka jira dalka Yukrayn, ka dibna waxaan isku deyi doonaa in aan u daba-bixiyo madaxweynayaashani siyaasad ahaan xisbiyada ay ka soo kala jeedeen iyo dhanka ay siyaasaddoodu u janjeedhay.

Xibiyada ka jira dalka Yukrayn waxa loo kala saaraa 3 unug oo waaweyn innaga oo ku salaynayna afkaarahooda siyaaseed. Unugta koowaad waxa waa kuwo si aad ah ugu janjeedha dhanka Reer Galbeedka, waxaana ka tiransan illaa dhawr iyo toban xisbi o ay ka mid yihiin: Servant of the People, European Solidarity iyo Radical Party.

Saddexdan xisbiba waa kuwo  Dimuqraaddi dhexdhexaada ah, isla markaana si ba’an uga soo horjeeda dhaqanka Ruushka, waxaana ku dheehan Ruush nacaybnimo xad ka bax ah. Unugta labaadna waa kuwo waddani ah oo iyagu daneeya arrimaha gudaha iyo goballaynta waddanka, waxaana ka mid ah: Our Land, Opposition Platform for Life iyo Party Of  Shatity. Unugta saddexaadna waa kuwo aan dhexdhexaad ahayn balse u janjeedha dhanka Ruushka oo ka shakisan Reer Galbeedka, islma markaana si aad ah uga soo horjeeda Reer Yurub: kuwan waxa ka mid ah: All-Ukrainian Union, Successful Kharkiv iyo Bila Tserkva Together.

Haddaba, bal aan kala tilmaamo saddexdan madaxweyne xisbiyada ay ka soo kala jeedaan iyo cidda ay u janjeedheen: Madaxweynaha xilka haya ee Faladamiir waxa uu ka tirsan yahay xisbiga “ Servant of the People” oo ah xisbi ka tirsan unugta koowaad, una janjeedha dhanka reer Galbeedka. Sidoo kale, Betro oo aha madaxwenihii hore, waxa uu ka tirsanaa xisbiga “ European Solidarity Party” oo ah xisbi ka tirsan unugta koowad, una janjeedha dhanka reer Galbeedka.

Laakiin, Fiktar oo ahaa madaxweynihii ka horreeyay labdan kor ku xusan ba, waxa uu ka tirsanaa xisibiga “Opposition Platform for Life”, oo ah xisbi u janjeedha dhanka Ruushka, islmarkaana ka soo horjeeda qorsheyaasha iyo danaha reer Yurub iyo Maraykanka ba.

Aan dhacdooyinka iyo khilaafyada ku salaysan danaha siyaasadeed sida ay u kala horreeyaan u kala horreysiiyo’ e:

Muddo-xileedkii Fiktar Yanikoofij

Waxa u doorashada ku guuleystay 25kii bishii  2aad ee 2010kii, waxaana la aamminsan yahay in uu ku soo baxay doorasho xor iyo xalaal ah, maxaa yeelay waxa uu ahaa qof saamayn xooggan leh, xilligaas. Waxyaabaha guushiisa qaybta ka ahaana waxa loo aanaynayaa in ay ka mid ahaayeen awood-darradii dawladdii xilligaas talada haysay ee Yukrayn, oo bulshadu karaahiyeysteen. Balse, bilo yar oo kooban ka dib markii u kursiga hantay waxa uu sameeyay khaladaad siyaaseed oo tiro badan, dadka reer Yukraynna waxa ay u arkayeen in uu ku kacay falal doqonnimo ah.

Hal bil uun ka dib markii uu xilka qabtay Yanikoofij, dawladdiisu waxa ay adeegsiga Badda Madow  Ruuska ugu oggolaatay heshiis ay galeen oo ku salaysan muddo 25 sanno ah. Waxa xilligan Ruushka madaxweyne kaa haa Dimitri Madfedif, Raysal-wasaaruhuna wuxuu ahaa Faladamiir Butin. Balse, Yukrayn heshiiskaas waxa ay ku heshay in uu Ruushku qiime-dhimis 30% ah ugu sameeyo Gaasta Dabiiciga ah ee uu ka iibiyo Yukrayn. Si kastaba ha ahaatee, aad ayay dadka reer Yukrayn u dhalliileen heshiiskan. Si la mdi ah sidaasna, siyaasadahan Yanikoofij, reer Galbeedku may jeclayn, waxaanay u arkayeen cadow.

Aan dib kuu xusuusiyo’e, Dagaalkii Qaboobaa ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Ruushku, waxa uu soo afgo’ay 1991kii markii uu dumay midowgii Soofiyatku. Waxaana guusha dagaalkan la siiyaa Maraykanka, iyada lagu siinayo hannaanka dimuqraaddiga ah ee uu adeegsanayey, halka sababta fashilka ku keentay Midowga Soofiyatka loo aaneeyo hannankooda qallafsan ee keli-talisnimada ku dhisan.

Maraykanku weligiiba aad ayuu u danaynayey waddanka Yukrayn, 1991kii markii ay madaxbannaanideeda qaadatayna, Maraykanku waxa uu ahaa u ahaa dawladdii ugu horraysay ee talaabadan geesinimada leh soo dhaweysay. Intaas ka dib, sannakdii 1994kii Maraykanku waxa uu Yukrayn u fududeeyay in ay Ruushka la gasho  heshiis lagu tirtirayey Nukliyeerkii Midowga Soofiyadka ee ku hadhay waddanka Yukrayn.  Sannadkii 1994kii Yukrayn waxa ay qayb ka nqotay heshiiskii Nukliyeeerka, waxyeeladdiisa lagu yaraynayey ee NPT, waxaana ka qayb geliyey Maraykanka.

Si la mid ah sidaas, 1997kii Yukrayn waxa ay aad ugu janjeedhsantay dhanka gaashaanbuurta NATO, waxaana la dareemayey in xidhiidhloodu uu soo fiicnaanayey marba markii ka dambaysay. Uma jeedo in ay Yukrayn qayb noqotay NATO, balse waxa aan uga jeedaa uun in ay taageero xooggan u haysay. Taas waxa kuu caddaynaysa, sannadkii 2003dii Yukrayn, 1000 askari ayay u dirtay Ciraaq si ay u taageeraan duullaankii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq. Haddaba, waxa xusid mudan in marwalba uu Ruushku aad uga xumaa in faragelinta ay Marykanka iyo reer Yurub soo farogelinayeen waddanka Yukrayn.

Sannadki 2010kii, madaxweyne Yanikoofij, sidii aan sheegay waxa uu heshiis la galay Ruushka, weliba wuu kordhiyey muddada heshiiskana. Balse, dadka reer Yukrayn iyo Maraykanku aad ayay uga murugaysnaayeen arrintan. Intaas waxa dheer, dhawr bilood ka dib markii heshiiskani dhacay ama bishii 10aad ee 2010kii, Yaanikoofij waxa uu kaabis iyo wax ka beddel ku sameeyay Dastuurkii Waddanka, isaga oo ka saaray qodobbo uu u arkayey in ay khatar ku yihiin naf ahaantiisa iyo xilkiisaba. Qodobbadan uu dastuurka ka saaray waxa ka mid ahaa qodobka 111aad ee Dastuurka Yukrayn, oo sheegayay sida madaxweynaha xilka laga qaadi karo iyo awoodihiisa.

Sidaas awgeed, arrintan waxa ka gadooday gebi ahaanba shacabka dalka Yukrayn, waxaanay xisbiyada mucaaradku bulshada isugu soo sareen bannaanbaxyo ay ku sheegayeen in Yanikoofij uu waddanka ku darayo dalka Ruushka. Arrintan ku saabsan in dastuurka wax ka beddel lagu sameeyo waxa isna ku kacay madaxweynayaasha Ruushka, gaar ahaan Falaadamiir Butin, ayaa dastuurka ka beddelay qodobbo sheegayey muddo-xileedka madaxweynaha, si uu kursiga u sii haysto. Hase ahaatee, markan uu Yanikoofij beddelay qodobbada dastuurka, isla sannadihii ku soo xigey waxa ay warbaahintu soo tebinayeen in uu ku kacay musuqmaasuq baahsan, weliba qoyskiisa iyo qaraabadiisuna ay qayb ka ahaayeen musuqmaasuqaas.

Natiijadii ka dhalatay ficilladaas uu ku kacay waxa ay noqotay in sannadkii 2012kii ay sumcaddiisu hoos marto sidii ay hore u ahaan jirtey, sidoo dadkii soo doortayna ay si buuxda u naceen. Sidaas awgeed, si uu sumcaddiisii u soo ceshado ama ceebahan uga maydho, waxa uu bilihii ugu horreeyay sannadkii 2013kii ku baaqay kuna ololeeyay in dawladdiisu ay heshiis la saxeexayso  Midowga Yurub, sidaas awgeed Yukrayn ay ka mid noqonayso Midowga Yurub. Arrintani waxa ay keentay in uu taageero badan ka helo dhanka shacabka oo markooda horeba u muraaqonayey una hilowsanaa walaalahood reer Yurub, tiiyoo ula muuqatay in dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay faa’iido ugu jirto ka mid noqoshada Midowga Yurub. Kumannaan dadweyne ah oo hagoogan ama kor u luxaya calamada dalkooda iyo kan Midowga Yurubba ayaa dariiqyada waaweyn u dhoobnaa sida ciidda saxaraha.

Hase ahaatee, 21kii bishii 11aad ee 2013kii, Yanikoofij iyo dawladdiisu waxa ay ka laabteen heshiiskii ay ku baaqeen in ay la saxeexan doonaan Midowga Yurub ee ka mid noqoshada Midowga. Balse, arrintaasi waxa ay keentay kacdoon shacab iyo in taageeradii ay muddaharaad isu beddesho oo ay nabaddu faraha ka baxdo. Kacdoonadan waddanka ka bilaabmay ayaa magacoodu afka qalaad ku yahay “Euromaidan Movement”.

Magaalada caasimadda u ah dalka Yukrayn ee Kiif, ayaa ahayd meelaha muddaharaadyadaasi ay sida ba’an uga socdeen, waxaanay muujinaysay in badi dadka reer Kiif ay doonayeen in heshiiskaas ay dawladdu saxiixdo. Golaha Sharci-dejinta ee Yukrayn ayaa ka dib markii ay muddaharaadyadu joogsan waayeen qalinka ku duuqay Xeerka Muddaharaadka, isla bishii 1aad ee sannadkii 2014kii. Balse, markii ay nabaddu faraha ka baxday bishii 2aad ee sannadkii 2014ka Yanikoofij iyo hoggamiyeyaashii mucaardku waxa ay saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo qalalaasaha siyaasadeed, laguna xallinayo dhibaatadii waddanka ka taagnayd.

Si kastab ha ahaatee, 22kii bishii 2aad ayay Yanikoofij iyo xubno ka tirsanaa sariikiishii dadlwaddiisu ka firxadeen waddanka waxaanay u firdhadeen dalka Ruushka, ka dib Wakiillada Waddankaasi ayaa xilka ka qaaday. Waxaana 23kii Feb, 2014kii si ku meelgaadh ah loo magacaabay Aleksandar oo xilka hayey illaa 7dii June, 2014kii.

Muddo-xileedkii Betro Borshenko

Betro  Borshenko oo ahaa maalqaabeen Ruush ah, waxa madaxweyne ahaan  loo soo doortay, 7dii bishii 6aad ee 2014kii. Waraysiyo badan oo laga qaaday waxa uu Betro qirtay in uu qayb ka ahaa abaabulka muddahaaradyadii  ka dhacay dalka sannadkii 2013kii. Sidaas awgeed, waa sababta uu ku kasbaday dareenka shacabka ee uu ugu guuleystay in uu noqdo madaaxweynaha dadlka Yukrayn.

Haddii aan dib ugu laabto, ka dib markii uu xilka ka degay Yanikoofij, waxa Kareemiya ka socday kacdoonno la mid ah kuwii Kiif ka socday, maaddaama dadka Kareemiya ay ka soo horjeedeen kacdoonka loogu magacdaray “Euromaidan Movement,” sababta oo ah Kareemiya waxa ay ku hadlaan Af Ruush, waxaanay u janjeedheen dhanka Ruushka, arrintaasina waa midda keentay in Kareemiya ay, isla bishii 3aad ee 2014kii la midoobeen Ruushka, kana mid noqdaan Fadareejinka Ruushka ka dib markii afti laga qaaday dadka reer Kareemiya.

Balse, dadka reer Yukrayn aad ayay falkaas u dhalliilaan waxaanay aamminsan yihiin in lagu tuntay laguna xadgudbay xeerarka caalamiga ah. Maraykankuna aragtigan ayuu la qabaa reer Yukrayn, blasé dawladdu Ruushku way iska fogeysaa eedaymahan waxaanay dalliishadaan in ay jirtay afti dadweyne, waxaanay tilmaamaan in la tixgeliyo dookha dadka reer Kareemiya, balse aan la jujuubin.

Waxa in aad ogaato muhiim ah, ka dib hadal uu jeediyey madaxweynaha Ruushku, Faladamiir Butin, waxa bariga iyo koonfurta Yukrayn ka bilaabmay arrin u sansaan eg qabyaalad. Maaddaama uu Butin sheegay in ay masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta xuquuqaha dadka ku hadla afka Ruushka ee ku dhaqan gobolka Danbaas  ee Yukrayn. Arrintaasi waxa ay keentay qaybsan siyaasadeed iyo khilaaf hor leh. Waxa la aamminsan yahay in uu Ruushku hubeeyay dadka ku dhaqan gobolkan, sababta oo ah in aanay dadkaasi lahayn awood ay ku samaystaan hannaan ciidan iyo difaac.

Si kastaba ha ahaatee, dadka ku dhaqan Danbaas waxa ay haystaan hubka noocyadiisa kala duwan, illaa hubka tiirada dheer ee lagu gano dayuuradaha haadaya hawada sare. Sannadkii 2014kii waxa gobolkan Danbaas lagu soo riday dayuurad rakaab ama nooca alaabta qaada ah oo laga leeyahay Yukrayn, balse waxa warbaahinta lala dhex socday in Ruushku uu dayuuraddan soo riday, mana uu soo ridin e waxa soo riday dadka reer Danbaas ee hubaysan.

Si la mid ah sidaas, dayuurado badan oo Yukrayn laga leeyahay oo hore ayaa lagu toogtay ama lagu soo riday Danbaas. Si kastaba ha ahaatee, xilligan ka dib Yukrayn waxa ay noqotay goob ay ku diriraan dawalado shisheeye. 15kii bishii 9aad ee 2014kii, Yukrayn, Ruushka, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa saxiixay heshiiskii “MINSK” (Caasimadda Baylaruur) oo ahaa xabad joojin. Ujeeddada ugu weyn ee laga lahaana ay ahayd in gobolka Danbaas la nabadeeyo laguna soo dabbaalo xasilloonida, balse wuu fashilmay heshiiskani oo muu shaqaynin. Mar labaad ayay wada saxeexeen heshiis kale oo loogu magac daray “ Minsk 2”, 12kii bishii 2aad, 2015kii, kan kalena wuu fashilmay oo muu shaqaynin.

Haddaba maxay heshiisyadani u shaqayn waayeen?

Yukrayn waxa ay danaynaysay saddex qodob:  in ay hesho xabbad-joojin, in Ruushku uu faraha kala baxo siyaasaddeeda asiyaasaddeeda arrimaha gudaha iyo in ay iyadu si toos ah u maamusho gobollada khilaafku ka taagan yahay ee Danbaas. Halka, uu Ruuskuna doonayey: in gobolka Danbaas madaxbannaani la siiyo oo uu iskii isu maamulo, isaga oo dano siyaasadeed ka leh. Sidaas ageed, sababta keentay in heshiiskani uu laba jeer fashilmaa waxa ay ahayd qodobbadan aan sheegay. Heshiiskan “Minsk” wax badan muu tamarinin, haddii laga tegi waayo keliya xilliyo maxaabiis la isweydaarsnayey iyo xabbad-joojin aan waarin ayaa ka dhashay muddo aad u kooban.

Muddo-xileedkii Faladmiir Salaniski

Salaniski oo ah madaxweynaha hadda talada Yukrayn hayaa, waxa uu madaxwene noqday  21kii bishii 4aad ee 2019kii. Hase yeeshee, waxa uu 1dii bishii 10aad ee sannadkaas saxiixay heshiis nabadeed “Steinmeier Formula” oo qodobadda heshiiska ay ka mid tahay “ Yukrayn waa in ay madaxbannani siiso gobolka Danbaas, ka dib marka ay doorashada deegaankooda qabtaan.” Haddii ay doorashadanni gobolka ka dhacdo waxa aqoonsanaya Ururka Ammaanka iyo Iskaashiga Reer Yurub ee “OSCE”.

Laakiin, hal dhibaato ayaa jirta, Yukrayn waxa ay shuruud ka dhigtay in ugu horrayn la helo xabbad-jooijn buuxda, sidoo kale Ruushkuna uu ciidammadiisa iyo hubkiisa kala baxo Danbaas. Markaas ayuunbaa doorasho laga qaban karaa Danbaas, waa sida ay Yukrayn ku waddo e. Maxaa yeelay dawladda Yukayn waxa ay doonaysa in ay doorasahada ka hor gacanta ku dhigto gobolka Danbaas, maaddaama doorshooyinka loo qabanayo si waafaqsan sharciga doorashooyinka ee Yukrayn.

Balse, Ruushkuna shuruud kale ayuu wataa, shuruuddaas oo ah in doorashada la qabto, gobolkuna madaxbannaanidiisa helo, ka dibna uu fulinayo wax kasta oo looga baahdo dhankiisa. Si kastaba ha ahaatee, Yukrayn khatar amni iyo mid dhaqaale ayaa soo foodsaaraysa haddii ay fuliso shuruudahan uu Ruusku ku xidhayo amaba heshiisku dhigayo, maxaa yeelay marka koowaad culeys dhaqaale ayay ku keenaysa in ay gobolkan dhisto dhaqaale ahaan oo ay ka dhigto mid madaxbannaan oo iskii isu maamula, haddii kale oo ay dhaqaale ahaan dhisi waydana waxa hubaal ah in uu si toos ah gacanta ugu galayo Ruushka.

Sidaas awgeed, heshiiskani muu shaqaynin. Haddaba, gobolkan Danbaas haddii uu madaxbannani siiyo madaxweynaha Yukrayn, waxa uu ka cabsi qabaa in ay dhacaan kacdoonno la mid ah kuwii hore u dhacay sannadihii la soo dhaafay.

In ay xabbad-joojini dhacdana Ruushku waxa uu shuruud ka dhigay in gobolkaasi madaxbannaanidiisa helo.  Ugu damabayn, qodobbada ugu doorka roon leh ee dagaalka kan Ruushka iyo Yukrayn uu  daaran yahay waa kuwan kor faahfaahsan.

Qalinkii: Khaalid Mahad

khalidtttc@gmail.com