Muxuu u batay bilaa-camalku? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Oday xafiiskayaga ka ah ilaaliye ayaan arkay isaga oo lacag (fee) waydinaya mid, markaas ayaan waydiiyay sababta, wuxuu igu yidhi inankayga ayaa jaamacadda dhigta, waxaan waydiiyay maaddada uu dhigto, wuxuu iigu jawaabay wallaahi ma garanaayo.

Nin jaamacad magaalada ka dhiga oo ay dhallintu yidhaahdaan “Professor hebel” ayaanu sheekaysanay wuxuu igu yidhi maadada uu dhigo barigii aan qaadanaayay hadii aan cid ila talisa heli lahaa maan qaateen, horta marka aanu waalidku aqoon lahayn mushkiladaas ayaa qabsanaysa dhallinta.

Midda kale ummaddeenu gebi  ahaan waaba bilaa-camal, madax illaa mijo. Waxaana u calaamad ah kuwa ummadda talada u haya oo aad arkayso xaflad yar oo meel lagu qabanaayo  iyaga oo taagan. Waxaan is idhi malaha way is waydiiyaan oo waxay yidhaahdaan maanta xaflad aynu ku maararownaa ma jirtaa, dee xaflad tagis waxani ka badan eh. Waxase ka sii ayaan daran kuwa ka sugaaya in ay shaqo u abuuraan, waayo Soomaalidu waxay tidhaa:

“Ninka aad kabaha ka tolonaysid kabihiisa ayaa la eegaa”

Waxa is way diin leh  haddaba maxaa inoogu wacan camal la’aanta sii kordhaysa uun, ee aan xalna loo hayn. Ma la is waydiiyay qaabkan waxbarashadu  u  socoto iyo  cidda dajisa. Buug ayaan sagaashanaadkii ka akhriyay qaabkan cidda dajisay in uu  dajaal  yahay. Miyaad u malayn in uu dajaal hadh kuu jiidi? Muxuuse ka yidhi qaabkan waxbarashda ee uu dajiyay (qaabkan waxbarasho waa sidaan ugu talo galnay sidaas ayaanu ku qaataa ilmuhu lix iyo toban sanno dariiqadaas oo ka madhan ardaygu in uu fikiro, waxaan ku abuurnaa ku dayasho, markaas ayaa waalidkiina wixii uu hayay ku bixiyaa, markuu ardaygu  ku  dhawaaqo wixii aanu maskaxdiisa yar ka buuxinayna ayuu waalidkii ku faanaa oo uu moodayaa in uu wax soo bartay iwm).

Maxaad u malayn ilmo dhawr iyo toban sanno ka xidhnaa suuqa marka lagu soo daayo dee waa in uu gidaarka uun istagaa uu daawadaa uun.  Nabi  soo baxay oon ka digin ma jiro dajaal.

Sheeko aan meel ka akhriyay- nin  Masri ah iyo nin Indooniisiyaan ah ayaa waxbarasho u tagay Maraykan markii ay gaadheen, ayaa ninkii Indoonisiyaanka ahaa shaqo la xayaysiinaayo oo roodhida ah arkay, xirfadaana wuu yaqaanay, ninkii Masriga ahaa ayuu ku yidhi waar anigu shaqadaa ayaan doonanayaa.  Ninkii Masrigii ahaa jaamacaddii ayuu galay ka soo qalin jabiyay warqadiina soo qaaday, shaqona raadsaday, wuxuu arkay shirkad wayn oo roodhida ah shirkadii ayuu shaqo u raadsaday ma taqaan shirkad cida leh waa ninkii Indoonisiyaanka ahaa.

Haddaba waxaan kuu sheegayaa isaga oo Illaahay intaas oo wasladood oo dahaba dunida dhigay ayay mid kali ah inagu  mashquuliyeen.

Waxaan kuu sheegayaa Ilmuhu waa waxa ugu qaalisan adduunyada, Madaxwayne illaa jaadhiwale wuxuu u shaqeeyaa ilmaha  yar, haddaba ma is waydiisay waalid waxa ugu qaalisan ee aad ilmaha siin lahayd, waa Illaahay oo aad ku xidho.

Hadaba sababta ay u sii kordhayso bilaacamalku  waxa weeye qaabka waxbarashada ayaa qaldan illaa aynu wax ka badalnana waxba inoo hagaagi maayaan. Waxbarashadu  waa warshad, warshadu  haddii  ay  soo saarto wax-soo-saar aan loo baahnayn dee cidna iibsan mayso.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

nur.hersi21@gmail.com