Naqdinta labo-dhinac ah (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Naqdinta qoraalada iyo gorfaynta dhacdooyinka, waa inay si wadajir ah u taabtaan labada dhinac oo kala ah: tabnaan-ta iyo tognaan-ta e arrinka iyo shayga aad lafo gurrayso leeyahay, kolba kii doonaa haba badnaado e. Waa inaad barbadhig dhamaays ah ku sameeyso, mucda labada dhinac.

Marka hal-dhinac oo kali ah ay tahay qoraal-kaagu (postive or negative), waxay u muuqan-doon-taa inaad qortay gorfayn caadifi ah (pistimistic) ama daba-dhaan/guul-wadayn ( loyalty).

Xiisaha qoraalkaagu na, uma muuqanayo inaad wadaag cilmiyaysan ku samaaysay xoggahan, laakiin waxa soo ifbaxaya inaad qortay wixii uur-kaagu jeclaa!

Tusale ahaan, waxaad soo bandhigaysa qof masuul ah dhaliisha u leeyahay ama waxqabadkii u gaadhay, ” hebel waxba ma qabto,” qofkasta wuu darreemaya in qof nooli waxqaban-karo, dhanka kale na waa lamid.

Waa billaahi tawfiiq.
Xasan Cabdi Shire