Natiijadii ka soo baxday Yusuf Garaad iyo BBC dacwadii Ingiriiska laga oogay (WQ: Cabdiqaadir Saleebaan Xaashi)

Maqaal afka English ka ku qoran oo uu qoray Bare-Sare Abdi Ismail Samatar kuna qoray Journal ka uu aas aasay Bare-Sare Ahmed Ismail Samatar ee lagu magacaabo “Bildhaan” ayaa waxa uu ka sheekaynaa kiis maxkamadeed oo ay koox wariyaal ahaa oo BBC da laanteeda Somaliga ka shaqayn jiray ku soo ogeen BBC da iyo Yusuf Gaarad.

Sanndakii 2000 ayay BBCda qaybteeda Africa iyo Bariga Dhexe madaxdeedu go’aansatay in heshiiska (contracts) shaqo ee shaqaalaha BBC da laanteeda Somaliga loo bedelo shaqaale rasmi ah maxaa yeelay markii hore waxa jiray laba nooc oo contracts ah mid ah shaqaale wakhti dheer iyo mid yawmiye ah (casual). waxa markaa la isla qaatay in la baabiiyo contracts ka yawmiyaha ah loona guuro contracts waqti dheer ah, waxa markaasi dhacday in boosaskii lagu soo koobay saddex boos oo kali ah isla markaana ay tahay in tartan loo galo. waxa kale oo barbar socotay iyadana tartan loo galay madaxa laanta oo uu ku soo baxay Yusuf Garaad Cumar. wakhtigan habkan loo guuray ka hor ayuu Yusuf helay booska.

waxa la xaysiiyay boosaskii waxaana soo codsaday 200 oo qof oo Meelo kala duwan joogay. waxa kala xulista Cv yada lagu soo reebay 160 qof. waxa la mariyay qorshihii imitixaanka u dagsanaa oo ah saddex qaybood: CV iyo codsi (shortlisting), tijaabo xaga codka ah iyo waraysi (interviews). waxa imitixaanka qaadayay Yusuf Garaad Cumar iyo Cabdilaahi xaaji, waxayna ka qaadeen imitixaan waraysi (interview) iyo tijaabo xaga codka ah tiradii 160 ahayd ee isugu soo hadhay wareegii labaad.waxa haddana isu soo hadhay 35 qof oo laga qaaday waraysi (interview) kama danbaysa. 35 kan lix kamid ahi waxay ahaayeen shaqalihii yoomiyaha (casual employees) ku shaqayn jiray ee BBC da.

Yusuf Garaad iyo Kari Blackburn oo madax ka ahayd BBC da qaybteeda Africa (Gabadhaasi way is dishay markii danbe dhowr cisho kadib markii contract geeda dhamaanshihiisa ay ka hadhay) ayaa qaaday interview gii ugu danbeeyay waxana ku soo baxay Afar qof. Kari Blackburn iyo Garaad waxay isku raaceen in Afartaa qof ee ugu saraysay saddexda ugu sareeya loo qaato Boosaskii saddexda ahaa midna kayd laga dhigo. waxa yaab ahayd in shaqaalihii hore hal mid oo ka mid ahi aanu ku jirin dadkan. Yusuf Garaad waxa uu u sheegay kari Blackburn in ay isku reeryihiin dadka imitixaanka ku guulastay isla markaana qoladii imitixaanka wayday ee hore shaqaalaha u ahayd ay ku eedayn doonaan eex. Kari Blackburn hadlka yuusuf wax dareena kuma uu dhalin waxayna ku dhawaaqeen natiijadii. shaqaalihii hore waxay arintii kaga jawaabeen in habkii imitxaanka ee BBC du aanu ahayn cadaalad isla markaana la musuqay. waxay dacwad u gudbiyeen BBC da si loo baadho arinta. Arrintii waxa baadhitaan ku sameeyay Madaxa BBC iyo Madaxa BBC da qaybta Africa. waxaana ay ku soo gabagabeeyeen baadhitaankoodii in imitixaanka si cadaalada loo qaaday.

intaas ka dib dadkii shaqada waayay waxay abaabuleen mudaharaad waxayna mudaharaad ka hordhigeen daarta Bush House ka ee BBC da xarunta u ah. Dadkaas mudaharaadayay waxay ku dhawaaqayeen eray Yusuf Garaad lidi ku ah oo ay ka mid ahaayeen “Ha la rido hogaamiye kooxeedka”. BBC dii goaankeedii way ku adkaysatay lakiin waxay arintani aad u gilgishay Yuusuf Garaad. Maxkamad arimaha shqaalaha iyo loo shaqeeyaha ka gar naqda oo Ingiriiska ku taal ayay dacwadoodii u gudbiyeen iyagoo dacwada ku sheegay in laga eexday oo shaqada ay ku waayeen cida ay yihiin isla markaana la takooray.

Maxkamadii waxay qolowalba ka codsatay inay Marag-fur khabiir (Expert witness) qof u noqda keenaan, si loo hubiyo in takoor xaga reer nimada ahi hoos iman karo sharciga British Race Relations Act of 1976. Khabiirada waxa la waydiiyay inay ka jawaabaan su’aal odhanaysa  “Do Somali clans constitute different ethnic groups or races?”.  Somalidu ma waxay ka kala tirsanyihiin qowmiyado iyo cunsur kala duwan?. Qolodii Dacwada furatay waxay qabsadeen Professor I. M. Lewis, oo ahaa khabiir anthropologist ah oo arimaha Somalida ku xeel dheer isla markaana Bare-Sare ka ahaan jiray Jaamacadda London School of Economics. BBC da iyo Yuusuf Garaadna waxay khabiir ahaan u qabsadeen Bare-Sare Abdi Ismail Samatar oo ah Barre-Sare oo Cilmiga Geography ga ka dhiga Jaamacadda Minnesota isla markaana  khibrad u leh arimaha Soomalida.

I.M.Lewis iyo Abdi.I. Samatar si fool ka foola umay xidhiidhay lakin mid kastaaba aragtidiisa (oponion) waxa uu ku gudbinayay qoraal kaas oo uu u gudbinayay Gar-yaqaanka qolada uu u yahay Witness expert ka.

Waxa arinta fasirkeeda ku horeeyay I.M.Lewis waxaanu  arinta ka abaaray dhinaca ah in Soomaalida qabiilku u yahay baadisoocda kaliya ee ay leeyihiin sida Abdi Ismail qoraalkiisa ku sheegay, “Lewis fired the first shot by stressing that clan affiliation has singularly defined Somali identity”.   taasi oo u ku sheegay in Somalidu ay reero kala duwan ka soo jeedaan isla markaana reer walba reerka kale laga garan karo abtirsiin ahaan iyo muuqaal ahaanba isla markaana dhaqan hoosaad kala duwan leeyihiin. Waxa aanu ku soo darin in Somalidu isku aftahay iskuna diin tahay isla markaana dhaqan ahaan isku mid tahay.

Waxa fasirkii ka soo jawaabay Abdi Ismail Samatar. Waxa ku bilaabay inuu ka jawaabo su’aashaas sare waxaana uu sheegay inaanay Somalidu qoomiyado iyo cunsur (race) kala duwan ka koobnayn lakiin ay yihiin dad isku af ah isku diina isku dhaqan ah lakin ay abtirsiin kala duwan leh. Waxa uu ku dooday in dhaqan hoosaadka kala duwan ahayn mid reernimadu go’aamiso lakin ay go’aamiso gobolka uu ka yimid. waxa uu ku dooday in ay qalad tahay in Somalida baadi-soocdeeda (Somali identity) lagu koobo abtirsiin (genealogy) ee ay ka mugwayntahay………Lasoco