Nidaamka difaaca gantaallada Israa’iil ee ‘Iron Dome’ oo fashilmay (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Nidaamka difaaca gantaallada ee ay Israa’iil adeegsato ee afka qalaad loo yaqaanno’ Iron Dome’ ayaa ah kan ugu awoodda badan ee ay Israa’iil ku sheegtay inuu yahay mid 90% qabanaya isla markaana hawada ku burburinaaya gantaallada ay kooxda Hamaas ee Falastiin ka soo ridaan magaalada Qaza. Hasayeeshee nidaamka difaaca gantaallada ee Iron Dome ayaa ku fashilmay inuu qabto in badan oo ka mid ah gantaallada ay kooxda Hamaas ka ganto dhinaca Gaza ee ku dhaca koonfurta Israa’iil oo ay caasimadu ku jirto.

Waa Maxay Iron Dome?

Iron Dome waa nidaam difaac oo qabanaya hawadana ku burburinaya gantaallaha ridada dhaw, kuwa ridada dhexe iyo kuwa ridada dheerba ee ka imanaya magaalada Qaza.Dhammaan gantaallaha lagu soo weeraro Israa’iil ee ay qaadi karaan diyaaraddo iyo kuwa badda laga soo gano ayaa loogu talogalay inuu sidoo kale qabto mustaqbalka. Iron Dome waxa la sameeyey sannadkii 2011, waxaana dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaaba qayb libaax ka qaatay Maraykanka. Waxa bilowday shirkad laga leeyahay Israa’iil oo la yidhaa Rafael. Wuxuu isugu jiraa laba nooc oo wada shaqeeya oo la yidhaa David’s Sling and Arrow. Waxa ku rakiban Raadaar sheegaya inuu gantaal ku soo socdo hawada Israa’iil markuu gantaalku soo galo hawada Israa’iil. Mihiimadiisu waxa ay ahayd inuu qabto gantaallada ururka Xamaas ka soo rido magaalada Qaza ee ku dhacay goobaha ay ku badan yihiin Yuhuudu, si ammaanka Yuhuuda loo ilaaliyo iyo dhismayaasha quruxda badan ee magaalooyinka koonfurta Israa’iil ku yaalla. Gantaal kasta oo uu hawada ku qarxiyo Iron Dome waxa ay ku kacaysaa adduun dhan $80,000. Taasina waxa ay culays ku keenaysaa dhaqaalaha Israa’iil oo uu naafeeyey cudurka Korona.

Maxaa Fashiliyey Iron Dome?

Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa sheegay inay 210 gantaal hadhka kaga dhigeen magaalooyinka koonfurta Israa’iil oo ay ugu horrayso magaalada Ashkelon iyo caasimada Talaabiib oo dhinaca xeebta kulaalaya. Kala badh gantaalaha Xamaas ayaa ku dhacay caasimada Talaabiib iyo magaalada Ashkelon, mid ka mid ah Yuhuuda degan magaalada  oo la yidhaa Guy Mann ayaa u sheegay Idaacadda ciidamada Israa’iil in gurigiisii uu gantaal qabsaday, oo ay adag tahay inuu tago goobaha gabbaadka ah ee jaarka la ah. Wuxuu sheegay in aan la isku haleyn Karin Iron Dome oo loogu sheegay inuu ammaankooda ilaalinaayo. Ka dib markii uu Iron Dome qaban waayey kala badh gantaalihii ururka Xamaas ayey khuburada dhinaca difaaca Israa’iil ku calaalaceen in Iron Dome aan la beddelin mashiinadiisa ooga sare ku yaalla (Hardware out of date),  oo ay yihiin kuwa duugoobay. Hasayeeshee ay casrigareeyeen oo keliya gudaha Iron Dome (Software updates), taasina ay keentay inuu la jaanqaadi waayo gantaalaha farsamada casriga ah ee ay samaysteen ururka Xamaas. Sidaasi waxa ku waramay warbaahinta Hayom ee Israa’iil laga leeyahay.

Casriyeynta Gantaalaha Xamaas

Khuburro dhinaca milatariga Israa’iil iyo Maraykanka ah ayaa sheegay in gantaalihii ugu dambeeyey ee Xamaas iyo Islamig Jihaad adeegsadeen ay yihiin kuwa casri ah oo ay sameeyeen saynisyahanno ka socda Iiraan iyo waqooyiga Kuuriya oo qaab qarsoodi ah magaalada Qaza uga soo galay dhinaca dalka Masar. Waxa kale oo ay khibrad ku kordhiyeen khuburrada ururka Xamaas oo sidoo kale aan la dhayalsan Karin kartidooda ay ku samaystaan farsamada gantaalaha. Gantaalka ay ururka Xamaas u bixiyeen ‘QASSAM 1’ wuxuu sannadkii 2001 gaadhayey laba ama saddex mayl. Sidoo kale ‘QASSAM 2’ ayaa isna gaadhayey 10 Mayl. Hasayeeshee ‘QASAAM 3’ oo ah gantaalaha ugu dambeeyey ee saddexdii cisho ee la soo dhaafay lagu garaacay caasimada Israa’iil ee Talaabiib ayaa gaadhaya 75 Mayl. Waxaanu mid ah gantaalahaasi dhulka la simay guri ku yaallay caasimada Talaabiib. Mar kasta oo uu gantaalaha ururka Xamaas soo galo hawada Israa’iil ee dhinaca koonfureed waxa qaylo iyo dhawaaq dheer isku dara raadaarada Israa’iil taasina waxa ay cabsi iyo argagax ku ridaa shicibka Israa’iil oo ku jira nolol maalin-moodkoodii. Qof kasta wuxuu faraha ka qaadaan wixii uu hayey, waxaanu ku ordaa goobaha gabbaadka ee lagaga gabbado gantaalaha Xamaas.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraacyo:

https://www.washingtonpost.com/world/2021/05/11/iron-dome-missile-rockets-gaza/

https://www.jns.org/a-decade-on-iron-dome-continues-to-be-game-changer/

https://www.reuters.com/world/middle-east/35-killed-gaza-3-israel-violence-escalates-2021-05-12/

https://www.jewishvirtuallibrary.org/israel-missile-defense-systems