Nidaamka iyo dawladnimadu waa astaanta Somaliland (W.Q. Saynab Guure)

Dawladnimo haddii aanay helin kala-dambayn iyo maamul-daadejin wax badan ayaa dib loogu noqon karaa, laakiin Jamhuuriyada Somaliland si aanay adduunyadu ka filayn ayey kaabeyaasha dawladnimo u dhistay.

Awoodda milatari

Ciidamada kala duwan ee Somaliland laga aas-aasay 24 sanno ee dhidibada u taagay xaqiijinta hamigeeda dawladnimo sida ciidamada qaranka iyo kuwo booliska marba marka ka dambaysa ayay awood dheeraad ah sii yeelanayeen.

Waayoaragnimada iyo aqoonta dheeraadka ah ee ay heleen ciidamadu waxay ka muuqaata oo maanta marag ma-doon ah dhisnaantooda iyo darajooyinka ay kala haystaan, iyagoo maanta astaamo kala duwan leh muuqaalkoodana ay indhuhu ku doogsanayaan.

Booliska iyo milatarigu waxay noqdeen dayrka ay shacabka Somaliland kaga gam’aan cadaw kasta oo u hanqal taagaya wiiqida nabadda iyo horumarka dalkeena, iyagoo hadh iyo habeen heegan buuxa ugu jiri ilaalinta amniga dalka iyo dadkaba.

Sidaas awgeed waxaan dadweynaha Somaliland, gaar ahaan inta ku dhaqan gudaha dalka, u soo jeedin lahaa inay garab iyo gaashaan u noqdaan ciidamadeena daacadda inoo ah, laguna garab istaago wax kasta oo ay inag mudan yihiin.

Maamul-daadejinta

Dalkeena markaad eegto dhanka maamul-daadejinta waxaynu ku jirnaa waddamada ugu horeeye ee ku talaabsaday arrintaas, taas oo u tusaale nool u noqon karta fahamka ay Somaliland u leedahay nidaamka dawladnimo.

Gobol kasta iyo degmo kasta waxaa ka jiro maamul gaar ah, kuwaas oo dhammaantood hoos yimaadda guddoomiyaasha gobollada iyo maamullada dawladaha hoose ee gobolka ama degmada.

Waxaa silsilad u ah oo ay ku soo xidhmaan nidaamka dawladnimo ee dalka, gobol kastaa wuxuu awood u leeyahay maamulidda dhaqaalihiisa iyo wax-soo-saarka, kaas oo dalka kaga jir kaalin laf dhabar u ah.

Saynab Guure

Sweden- Stockholm

saynabguure@gmail.com