Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah (WQ: Guleed Axmed Jaamac “Dafac”)

Nidaamkeena cashuuruhu waa mid caddaalad darro ah oo danyarta culays ku ah.

Adeegyada daruuriga ah sida laydhka iyo is-gaadhsiinta waxa cashuur 5% ah lagu soo rogay shacabkii halka ay ka ahayd in shirkadaha la cashuuro (income tax). Markaa hooyada tamaandhada ku iibisa wadada dhinaceeda ee Dawladda Hoose cashuurto, markay guriga ku noqoto waxa laga rabaa cashuur kale oo matalan saaran laydka ay dirqiga ku bixiso si caruurteedu wax ugu akhristaan, telefoonka yarna wuu dulsaaran yahay. Culayska intaas leegi ma saarna taajirka.

Si taas la mid ah arimo daruuri ah oo ay ahayd inay dawladdu kaabto, sida quutal daruuriga, ayay cashuuri saaran tahay.

Qaabka cashuurtu u dejisan yahay waa mid u kala culus sida loo kala taag daran yahay, halka ay ka ahaan lahayd in ay u kala cuslaato sida loo kala dakhli badan yahay.

Bal ila eeg qareenada iyo xawaaladaha:

Cashuurta ruqsadda xawaaladuhu waa 2 milyan oo SL Shillings ah. Ta qareenka laga qaadaa na waa 1 Milyan oo SL Shillings ah. Hadii uu leeyahay xafiis sharci waxa dheer 315 USD. Markaa xawaaladda lacagta badan soo saarta iyo qof keligii ah isku eeg qaabka loo cashuur.

Tujaarta ma laga qaadaa cashuur dakhligooda (income tax) mise waxa la sahlanaatay dawlada qofka shacabka ah?

Tudhaale. Ha loo tudho shacabka. Nolosha oo awalba adag, sanad walba cashuur hor leh ma qaadi karaa shacabku?