Halqabsi:
Il bay doqoni leedahey nin xiga ay ku aragtaaye….
Tix ka mid ah Gabayadii Gabyaa Dacar Ibraahim (AHUN).
Arrimaha yaabka ah ee waddankeena waxa ka mid ah Milan Culus oo ka jira akhlaaqda guud oo aynu hidde wanaagsan u laheyn dhinac kasta waa hadalka, howraarta, hab-qoraalka, mutuxanaan marka la sameynayo tacbiir fikri ah si guud iyo si gaar ahba, iyo xaglin qaawan oo ay inta badan dadkeenu ku kacaan sababo kala duwan oo ay ugu weyn tahay qabyaalad iyo qof jecleysi ama necbeysi midba.
Haddiiba aad xiiseyso in aad wax qorto, waa waajib in si dhex-dhexaad ah isla markaana daraasad iyo hubin aad ku sameysey gun-dhig u ahaato gudbintaada. Waxaa kale oo muhiim ah dheeli-tirka dhinaca arragtida qoraalkaagu ku waajahan yahey.
Waxaan maanta maqaalkan kooban si guud mar ah wax uga qoraaya Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye oo fikirkegya shaqsiga ah aan ku cabirayo haldoornimadiisa inta aan ka ogahey ama ka bowsadey noloshiisa shaqsiga ah. Waa wax furan in si dhex-dhexaad ah loo hadlo ama wax looga qoro qof ama xaalad jirta iyada oo aan laga gufeyn akhlaaqda hab-qoraalka.
Muuse Biixi Cabdi waxaa uu ku dhashey Hargeysa isla markaa ka bilaabey waxbarashada aasaasiga ah ee dugsiga Qur’aan, kan hoose iyo dhexe, dugsiga sare waxaa uu ku qaatey dugsiga Camuud ee magaaladda Boorama. Muuse waxaa uu uga gudbey oo ku biirey ciidanka militariga xilligii Soomaaliya ka dib markii uu dhameystey waxbarashada aasaasiga ah isaga oo layli sarkaal ku tagey dhowr jeer dalkii midowga Soofiyeeti la odhan jirey.
Muuse waxa uu ka mid ahaa ciidanka Cirka waxaanu ka gaadhey derajada Gaanshaale Dhexe. Muuse Biixi Cabdi ka dib markii uu dhameystey tababar sare oo kuliyada abaanduulka ah oo ku qaatey dalka Mareykanka, waxa uu ku biirey urrurkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM sannadkii 1985kii.
“Hogaamiyonimada Muuse Biixi waxay soo shaac baxdey aniga oo 16 jiro ah markii dugsiga sare aanu galney” sidaa waxaa tiraabey Cali Colhaye oo ka tirsan hay’ada IFAD oo ay isku ardey ahaayeen xilligii dugsiga Sare.
Markii Muuse Biixi ku biirey SNM waxaa uu la yimid fir-fircooni hor leh, hogaamin xoogan oo hufan, dhiirani aan gabasho laheyn, iyo labsami uu si deg deg ah kula qabsadey degelkii jabhadnimo oo uu yimid muddo kooban. ‘waxaanu u saarney Buurane (AHUN) si aanu u baraq-jabino Taliyenimada. Muuse balse ma uu gaban dababeedna waanu u sacabiney’ sidaa waxaa tiraabey Daa’uud Aakhiro oo Guutadii Afraad ee Max’ed-cali ka mid ahaa goobtuna waa xeradii Dabeyl-weyne, bilowgii hogaamineed ee Muuse Biixi iyo goobihii halganka SNM ee guddaha Itoobiya.
Karaarka hor muudnimo ee Muuse ma uu hakan marnaba waanu sii xoogeysanayey marba marka ka dambeysa waxaanu muddo kooban caan ka noqdey saaxad-halgmeedkii hubeysnaa ee Urrurkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed ee SNM dhinac walba, xag hogaamiye ciidan, siyaasiyan, iyo mid odeyninmo intaba. Muuse waxaa uu noqdey haldoor muuqda oo xawaare xoogan ku socda mar walba.
Guda-galkii 1988kii, Muuse waxa uu ahaa Taliyihii aaga Maka ee SNM ee galbeedka xuduud halgameedka. Waxa uu aaga Maka ku teedsanaa Laan-mulaaxo oo ku beegan Hawdka Oodweyne illaa dacalka xeebta galbeed ee Lawya-cado. Waxaa xudduud halgameedkan ka tirsanaa qeybaha 3aad, 4aad, 88aad, 5aad, 99aad, iyo 11aad kuwaasi oo dhamaantood lahaa jaran-jarada hogaamin ciidan.
Isla wakhtigaa halganka waxaa Muuse si weyn loogu xasuustaa sidii hufneyd ee uu u hagayey guddoonka shirweynihii 6aad ee Urrurkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed ee SNM oo ku qabsoomey xaruntii halganka ee ALMIS-Balli-gubadle- bilowgii sannadii 1990kii isaga oo ka mid ahaa mid ka mid ah dhinacyadii sida weyn saaxada siyaasadda iskugu hayey cahdiga SNM, balse marnaba ma ay qoonsan dhinacii kale ee ay is hayeen (Qunyar Socod iyo Calac Cas).
“Si cajiib ah ayuu u majiirtey muddadii uu shirguddoonka ahaa Muus Biixi mana dhicin mar kaliya oo aanu ka aragney u xaglin dhinaca kooxdiisa ah.”
Sidaa waxaa tiraabey Rashiid Quule oo ka tirsanaa garabkii Qunyar Socodka oo kana mid ahaa goob joogayaashii shirweynaha 6aad ee SNM oo Jiida MADIINA ka yimid waa xuduud halgameedkii Bari ee SNM oo uu Axmed Mire Maxamed taliye ka ahaa isla wakhtigaa guda-galkii 1988kii si la siman hogaaminta Muuse ee dhinaca Galbeed.
Wakhti kale oo mudan in aynu xusno xilliyada uu Muuse Biixi soo bandhigey hogaamiyenimadiisa waa markii dalka la xoreeyey iyo sida weyn oo uu si miisan leh u muujiyey miisaankiisa hormoodnimo. “Berbera uma baahna ciidan” sidaa waxaa uu Muuse Biixi yidhi mar uu ka soo guryo noqday magaalada Berbera oo uu saxaafada kula hadleyey Hargeysa isaga oo ka digayey isu dhac ciidan oo ka dhasha fikiro siyaasiyan lagu kala duwanaa.
Waa markan mararka dadka neceybka shaqsiga u qaba Muuse Biixi kuna fog yahey ay si weyn ugu talax-tagaan iyaga oo dhex-dhexaanimada ku gefaaya. Waxaa ay ku halqabsadaan marka ay durayaan kelmad jawaab celin u aheyd su’aal hore loo yidhi xilli saaxada siyaasaddu cakirneyd oo uu Muuse Biixi ahaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.
Waa markii uu yidhi:
“Aniga oo wax dili kara duco qaadan maayee”
Balse iyaga oo xaglinaya ama aan xogogaal aheyn waxay ay ku gafaan in ay tiraabaan hadalka keeney jawaab-celinta oo la wakhti ahaa waa markii ay siyaasiyan is hayeen laba garab oo isu muruxsadey laga soo bilaabo qalalaasihii Berbera oo garabkii ay ishayeen garabka Muuse uu afweynta u jarey siyaasiyan, misna ay aad u macaasheen garabka Calan Casta oo Muuse ka mid ahaa.
Dadka Muuse durayaa waxay ka tagaan hal-ku-dhigii ahaa
“Ninkii qeyrkii loo xiirayow soo Qoyso adiguna”
Waa kelmadan mida Muuse ku kaliftey hal-celinta oo kooxda qunyar socodku intii qalallaasaha Berbera ay iclaamiyeen si qab leh ugu luuqeeyeen. Maalintan kelmada jawaab-celinta Muuse yidhi oo anigu aan ka mid ahaa dadkii dhegeysanayey Kulanka Wacyi-gelinta ee Khayrida Hargeysa.
Gebi ahaanba dadka ku cel-celiyaa way khaldaan ujeedadii iyo xikmadii Muuse ka lahaa. Waxaa cajiib ah oo kale in aanu marna Muuse qoonsan eexdan lagula kaco oo aanu gocan qardoofada lagu hayo.
Waa si la mid ah geesinimadii uu sameeyey markii qalallaasaha Berbera laga aloosey isaga oo gebi ahaanba ka gaabsadey ku lug lahaansho hubeysan oo uu sameyn karayey kuna gar lahaa balse waxaa uu doorbidey in uu is xakameeyo. Waana mid tolkii iyo inta dhex-dhexaad ahba ku bogaadiyeen wakhtigaasi misna aanu ku mano sheegan si kasta oo uu u garamayo xilliyo lagu foogan yahey oo lagu urruro siyaasiyan.
Runtii labada kelmadood waxay ahaayeen haddalo ay isweydaarsadeen dhinacyo is haya siyaasiyan balse si qabyaaladeysan loo turjujmey xilligaasi. Waayo, waxaaba weedha hore ku saqiirey halqabsigeeda (Ninkii qeyrkii loo xiirayow soo Qoyso adiguna). Garabka inta badan dadku raacsanaayeen aniguna aan aadka ula hayey oo taageere u ahaa intii koobneyd ee aan halganka hubeysan ka soo gaadhey oo cimrigu ii saamaxey.
Waana garabkii inta badan saaxada ku xooganaa oo aad uga miisaan badnaa garabka uu Muuse ka mid ahaa. Garabkaasi oo guuldaro weyn kala kulmey qalallaasihii Berbera ee 1992kii iyo midkii 1994kii oo Hargeysa ka dhacey.
Qul-qulatooyinkaas oo ay Qunyar Socodku labada goorba si weyn ugu jabeen kuna lumiyeen misaankoodii siyaasiga ahaa. Waana mida guusha siisey garabkii Muuse ka mid ahaa taas oo u saamaxdey in ay ku naaloodaan saaxada siyaasiga ah illaa xilligan aynu joogno wallow xullufooyin cusub oo hor leh ay soo shaac baxeen kuwaasi oo ay si culus isu waajaheen una hirdameen marar dhowr ah garabka Muuse ka dib guushii doorashada xisbiga Kulmiye ee 26kii Juun 2010kii.
Muuse waxa kale oo lagu xasuusan karaa, arrimo dhowr ah oo uu qabtey intii uu wasiirka Arrimaha Guddaha ahaa. Waa diyaarintii xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka Somaliland iyo midka lagu aasaasey ciidanka booliska iyo sidii adkeyd ee lagu unkey Ciidanka Booliska. Arrimahaas ma aheyn qaar si fudud u qabsoomey balse dhib badan ayaa lagala kulmey. Mararkaa Muuse waxa uu adeegsadey dadkii aqoonta u lahaa howlahan kuwaasi oo maanta dhaxal aan duugoobin uga tagey ummadooda iyo dalkooda hooyo ee Somaliland.
Muuse mar walba oo xaaladdu cakirmo waxa uu ahaa mid tanaasula soona bandhiga si geesinimo leh oo ay dood furan ku lamaan tahey.
“maya isma casilin Hargeysa oo qeybsana wasiir u ahaan mayo”
Ayuu Muuse yidhi mar la sheegey in ay shuruudo ka mid aheyd xilligii xaaladaha sokeeye dalka hadheeyeen. Markan Muuse waxa uu si xilkasnimo leh u iclaamiyey sida ay uga go’an tahay bad-baadinta iyo ka qeyb qaadashada wanaaga ummadda iyo bad-baadada dalka haddiiba siyaasiyan uu is-gowraciisu xal noqdo.
Gebo-gabada qoraalkeygan shakhsiga ah, mushkiladaha saaxada siyaasadda Somaliland la kowsatey xilligan cahdiga cusub waa KALAMAAN ama aan idhaahdo MAAN BERRI IYO MAAN BILLAAL oo ka dhigan kala fogaansho dhinacyo badan marka laga eego faraqa u dhexeeya dadka ku hirdamaya saxaada siyaasadda oo weli aad curdin u ah isla markaana koriin xowli ah ku socota balse inooga baahan aqoon lagu hago, tacab joogto, iyo in qunyar socodnimo lagu daadihiyo.
Aan ku soo gunaanado, halku-dhigii qoraalkeyga “Ninna dhaqashuu kuugu dhabar jabey Ninna dheefbuu kuu dhex joogaa”.
Illaahow xaqa na garansii mar walba adiga ayaa awood leh.
Allaa mahad leh,
Mustafe Suleymaan Cilmi,