Noloshaadu waa geeridayda (WQ: Axmed Cali kaahin)

Loolanka iyo hirdanka bilawday, Wuxuu u dhexeeyaa, dawlado Miisaska Caalamka Qadiyadeenii geeyay, iyo kuwa difaacaya Somaliya.

Khayrbay leedahay, ha la Sabro. Kulayka xadkaa leeg. Waxbaa keenay. Sucuudigana dawlado qadiyadeena, neceb oo caana, culays saaray Sucuudiga.

Xaaladan cusubi, waxay u baahantahay, Sabir, bisayl siyaasadeed. Iyo loolan adag , bulshaduna waa in meel dheer ka fikiraan.

Ogow dhinaca kale mashruucan koox kaliya oo sumad gaara leh baa wadats, xaga Somaliya, oo wakhtiyari u hadhay. Is qaboojin Baaxaa dag soyaasadeed baa loo arkaa, markay fashil badan waajaheen. In indho sarcaadayo la abuuro, si gudaha garawshiyo looga raadiyo.

Balse maanta waxa jira Meqaam siyaasadeed oo aynu gaadhanay, qiime iyo saamayn baanu inoogu kici doonaa,

Xaalado tan ka adag, baa loo soo dhex jibaaxay wakhtiyo aad uga qalafsanaa, oo awooda, taagta iyo taageradu yarayd, liicid maanta inaga dheer wa la hubaa, Taageerada Rabbi swr. iyo dad iyo moodba waa la buuxaa.

Aragtideeda dooda ictiraadka, in la badalo oo qaab cilmiyaysan loo rogaa, oo adag aadna loo lafadur gundheer, oo cilmiyeed waa lama hiraan. Miiskama la saaraa.

In bulshada haldoorkeeda, la kasbadaa dadka khibrada leh, iyana waa baahi jirta. In bulshada la wacyigaliyo, maaliyad adagna la diyaariyo, xafiis gaara, oo ummada ufurana la aas aasaa.

Xarumaha daraasaaska iyo looyaro caalamiyana la hawl galiyaa. Arrintaasi oo lala habsaamay.

Arrintani muhiimadeeda ,wakhtigeeda iyo dadkeeda, waa in la siiyaa. Oo sidii hore gole ka fuul, laga dheeraada. Doodo culusna la abuuraa. Maxkamadaha Caalamka hadday noqonayso la geeyaa. Olole qadiyada la istadhaa. Wax isla jaanqaadaya oo ajenda mida ka duulaya. Dood caalamiya la unkaa oo xataa golayaasha caalmiga lagu qabsadaa sharicinimadooda maadama aynu wali madaxa iskula jiro

Maanta qadiyadani waxay hordhac u tahay arrimonbadan oo ku dul dhusmi doona haddaan warqadaa aqbalno. Taasi oo halgankii dheeraa moora duugi karta, niyad jabna ku abuuri karta dawladaha daaha dabadiisa ku jira. Guul aanay kasbana u noqon karta nolol diidka xabisan ee islawayni ka raadinaya ku jiifida dhabta ciidamada adeikaanka ah.

Culaysku wuu sii badanbkaraa markaad wegro qadiyada adhiga, balse waa in aan ka faaidaysanaa Si dhaba saldhiga barbara, oo dib loo eegaa.

Isbahaysigii wuu sii biiqbiiqayaa, imaaraat iyo Sucuudina way kala shakiyaan ka bixitaankii imaaraadka ee yemen. Taasi oo warwar cusub abuurtay, iyo urdun oo qadar safiir cusub usoo magacawday horena ula safnayd isbahaysiga

Isbadalkaa waa in aan idhaha u kala qaadnaa

Waa in shax cusub oo siyaasadeed oo gobolka taabanaysa ciyaarnaa, gaar ahaan qadiyadaha Somalia la xidhiidha. Caqligaa nacaybka iyo cuqdada huwan ee sida u firkirayaa waa naf la caari.

Hada turkigii way kala shakiyeen, UNtii wixii kala qabsaday waa la ogaa, cadadii ingiriiska kaqaaday iyana waa jirtaa, kiiniya warkeeda halkuu marayo, yugaadhi way ku jeesjeestaa, Burundi in ciidamadeeda la dhimay way diiday, hadda waxay ku jiraan xiligii ay ugu liidatay xidhiidhkooda diblamaasiyadeed, waa nooc go’doon la qulaaminaayo. Hadda waxaan haysanaa fursado aynu ku ciyaari karno kaadhadh badan, balse gobanimda ka tagimayno haddii aanay inagu kalifin.

Waa in saxal saar gudaheena la la yimaadaa oo dhaba, tanaasul badana la muujiyaa, mucaaradkana lasoo dhaweeyaa, taladana wax laga siiyaa waa masiir arrinkaniye.

Waa in sida saxaafada Somaliya arrinta dhex uga ahayn, Saxaafadeenuna qadiyada la safataan, oo lala fadhista. Saamayna lagu yeeshaa siyaada xamar. Oo maal iyo maskaxba la galiyaa sidii, maxbuuskaa kibirka dydayaaya. dhulka lo dhigi lahaa.

Gabogabadii sheekadu waa noloshaadu waa geeridayda. Ee dhinta, maya Madaxaygu waligiii, wuu taagnaa, oo kaagaa hoosayn jiray, sida taariikhda ku suntan.

Qalinkii Axmed Cali kaahin