Noloshii cajiibka ahayd ee Raage Ugaas Q.1aad (WQ: Cabdi Caawiye)

Nin walbaaba waxbaa lagu xasuustaa marku uu alaysto ama hoydo ee uu dhinto.
Mid waxa lagu xasuustaa geesino, mid deeqsinimo, mid fuleynimo, ninba waxbuu ka tagaa.

Haddaba Raage Ugaas Warfaa markii dambe noqdey Ugaas Raage Ugaas Warfaa wuxuu ahaa ugaas, hogaamiye, gabayaa, halabuur, dagaalyahan Soomaaliyeed kaasi oo noolaa wakhti lagu qiyaaso badhtamihii qarnigii 19aad. Raage Ugaas wuxuu ku dhashay ceelka Sasabane, meel u dhow magaalada Dhagaxbuur, Gobolka Soomaali Galbeed ee wadanka Itoobiya.Raage waxaa dhalay Ugaas Warfaa Faaraxa Samatar oo ahaa Ugaaska Beelaha Gadabuursiga, waxaa la dhashay labo wiil oo ka weynaa kuwaasi oo kala ahaa Ugaas Xuseen iyo Xilkab.

Si kastaba ha ahaatee, Ugaas Raage wuxuu yaraantiisii ku soo caanbaxay tirinta gabayga, iyo helida ereyo aad u dhumuc weyn.
Ugaas Raage wuxuu ahaa haldoor Soomaaliyeed kaasi oo lagu xasuusto gabayo, sheekooyin iyo dhacdooyin xiiso leh oo uu ka tagay. Sidoo kale, markii uu geeriyooday walaalkii Ugaas Xuseen waxaa la caleemo saaray Ugaas Raage oo qabtay talada Ugaasnimo ee beelada Gadabuursi taasi oo uu hayay ilaa horaantii qarnigii 20aad. Dhinaca kale, Ugaas Raage wuxuu noolaa wakhtiyadii uu Garaad Faarax “Wiilwaal” ka talin jirey deegaanada Ogaadeeniya. Sheekooyinka inbadan waxaa lagu sheegay xifaaltan iyo tartan dhexmaray Ugaas Raage iyo Wiilwaal, kuwaasi oo ku dagaalamayay gabadh haybad iyo qurux badneyd. Raage Ugaas gabayo badan ayuu ka tiriyay jeceylka gabadhaasi. Waxaana la sheegay inuu markii dambe dilay Garaad Wiilwaal.

Gabayga Alleyl dumay
Raage Ugaas ayey gabadhi u doonanayd, gabadhaasoo qurux Illaahay ku manaystay. Raage gabadhu way madax qaaday, oo aad buu u jeclaa. Waxaa gabadhii loo meheriyay Faarax Wiil-waal. Warkii markuu Raage soo gaadhay ayuu jiif iyo joogba diiday, kadibna tiriyey gabaygan la magacbaxay Alleyl Dumay.

Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye
Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og
Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale
Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay
Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e
Ninka illo biyaleh soo arkoo ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye
Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye

La soco qaybaha dambe……

Uririntii Cabdi Caawiye