Noloshu Waa Halgan: W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)

fasalka 3’aad ee dugsiga sare lacagtiina ay u gaartay boqol doolar ($100). In uu kufurto kabadh yar oo horyaalay dugsi H/Dhexe kaas oo u dhowaa xaafaddii uu kunoola Maxamed.

Maxamed wuxuu aadi jiray iskuulkiisa subixi, galinka dambena wuxuu ka iibin jiray ardayda iskuulka dhigta Jalaatada, qalinmaanta, bayaadka, buugta, macmacaanada iyo waxyaabaha kale ee ay ardayda iskuulku ubaahanyihiin. Habeenkiina wuxuu diyaarsan jiray casharadiisa uu soodhigtay galinka hore.

Maxamed wuxuu ahaa shaqsi aad udaggan, furfuran oo ay jeclaayeen dhammaan macmiishiisu.

Taasina waxay keentay in sanad kadib uu khabadkii u badalo dukaan xaafadeed laga helo intii uu kabadhka laga helinjiray iyo dhaammaanba adeegyada dukaamada xaafaduhu bixiyaan.

Markii uu u gudbayey fasalka ugu dameeya dugsiga sare, Maxamed wuxuu aaday reerkoodii wuxuuna horay usiiqaaday adeeg dhammaystiran iyo xoogaa lacag ah oo uu kashaqeeyey dukaanka si uu uga soo ducaysto waalidkiis.

Runtiina waxay waalidka Maxamed ku ahayd lama filaan!, waxaa intaas u dheeraa qorshe kale oo ah inuu soo kaxeeyo walaashiis Canab si uu u geeyo dugsi lagu barto farsamada gacanta iyo qurxinta haweenka oo ku yiilay degmada uu ku noolyahay Maxamed.

Maadaama qoysku u arkayeey Maxamed nin howlkar ah oo leh hansare way usuuragashay Maxamed qorshihiisii ahaa inuu walaashiis kasoo kaxeeyo miyiga waxna baro. Canab iyo Maxamed waxay yimaadeen degmadii. Canab waxa la geeyey iskuulkii farsamada gacanta iyo qurxinta haweenka, subixiina waxay iibisaa dugaanka inta Maxamed jiro iskuulka galabtiina waxay aaddaa waxbarashadeeda.

Maxamed wuxuu yeeshay saaxiibo badan oo iskugu jira saaxiibada waxbarashada iyo kuwo kaleba. In badan oo kamid ah saaxiibada Maxamed ayaa usoo jeediyey inuu ku tahriibo lacagta yar ee uu haysto maadaama uu yahay wiil dadaal badan si uu noloshan mid ka wacan uga abuurto Yurub iyo meelo kale oo kabaxsan dalka. Hase yeeshee u maysan muuqan waxaasi Maxamed oo wuxuu u arkayey talooyinkaas kuwo uun iska dhalanteed ah, wuxuu laba jibaaray waxbarshadii si uu fasalka Afraad kaalin fiican uga galo.

Nasiib wanaag Maxamed oo ahaa shaqsi Alle kuxiran haddana baarri u ah waalidkiis, waxa urumowday riyadiisi iyo ducadii waalidkii oo waxa uu galay kaalinta koowaad ee iskuulkiisa iyo deegaankiisa guud ahaan.

Taasi waxay keentay in Maxamed uu deeq waxbarasho ka helo mid kamida Jaamacadaha deegaankiisa halkaas oo uu kabilaaban waxbarashada sare ee Jaamacadda oo uu kudhiganayo si bilaash ah. Dhanka kale Maxamed wuxuu aad ugu fiicnaa dhanka hal abuurka iyo dhaqaalaha wuxuuna codsi shaqo u gaystay shirkad ganacsi oo caan ah taas oo ka howlkasha deegaankiisa, isaga oo ka noqday madaxa wax soosaarka shirkada.

Maxamed waxa lagu shaqaaleeyey lacag dhan kun iyo shan boqol oo doolar ($1,500) bilowgiiba, taasi waxay u sahashay muddo yar kudaheed in uu qoyskiisii u samyeeyo beer weyn oo uu u badalo qoyskiisii xoola dhaqato beeralay ah.

Maxamed qoyskiisu hadda waa ganacsadada ugu caansan dhanka wax soosaarka beeraha ee deegaankooda, walaashiis Canab iyada ayaa lawareegtay dukaankii oo iibisa, waxayna ku haminaysaa inay furato wakhti dhow meel lagu iibiyo dharka haweenka sidoo kalena leh qayb qurxinta haweenka ah oo ay iyadu khaas uleedahay.

Maxamed oo iminka jaamacadda kasiibaxaya, waxa uu kudhigtaa jamacada lacagla’aan, wuxuu qaataa mushahar fiican. Dhanka kale waxa loo wadaa in laga dhigo Maamulaha Guud ee shirkada waayo aad ayaa looga helay aqoontiisa, hal abuurkiisa, dulqaadka iyo shaqa wanaagiisa.

Hadda Maxamed wuxuu kuhamminayaa dhowr waxyaabood oo kala ah:

In uu samaysto ganacsi weyn oo isaga gaar u ah
In uu guursado
In uu waalidkiis geeyo xajka
In uu asaaso iskuul ay waxku bartaan dadka danyarta ahi.

Halku dhiga Sheekada “Nolushu waa halgan, Nin hanyarina mahano qaado”

W/Q: Ahmed Hussein Suleiman (Xaruur)

Bandhige@gmail.com