Noocyada Shaqaalaha Gurracan iyo Xalkooda (WQ: Khalid Mahad Osman “Curaagte“)

Marka la joogo goobaha shaqada waxaa iska caadi ah in ay jiraan dad yaw gurac u samaysan oo ay addagtahay in marka la joogo goob hawleedyada ay gutaan waajibaadkooda shaqo. Kaliya dhibkoodu kuma koobna waajibaad gudasho la’aan laakiin waxay saamayn xun ku leeyihiin Shirkadda, Ururka, Xafiiska , Wakaaladda ,Wasaradda ama Ganacsiga ay ka hawl galayaan iyo shaqsiyaadka ama saaxiibada sida dhaw ula shaqeeyaba ee isla goob hawleedda kala hawl gala ama xidhiidh wadashaqayneed la leh .

 

Sidoo kale, waxay yihiin kuwo dhaqan koodu uu aad u kar kan yahay isla markaasna aan wax naxariis ah u hayn goob hawleedda iyo la shaqeeyayaasha kale. Intaa waxa dheer, dadkani waxay goob hawleedda waxyeello ugu geysan karaan si badheedh ah ama iyaga oo aan dhaadanayn, waxa kale oo dhaawac halis gaadhsiiyaan shaqaalaha kale ee hal abuurka leh.

 

Dhanka kale haddii aynu ka eegno way kala noocyo duwan yihiin waxayna leeyiin qaybo hoosaadyo ay u sii kala baxaan, waxaana lagu aqoonsan karaa shaqooyinka loo igmay ee maalin laha ah sida ay u maareeyaan, hadallada ay ula kaca u tuuraan inta lagu jiro shaqada iyo sida ay ula dhaqmaan la hawlgaleyaashooda kale. Haddaba ogow in guusha Ganacsiga,Wakaaladda ,Wasaaradda, Meradda ama Xafiisku  ay si xoog leh ugu xidhan tahay nooca shuruuceed ee ka  jira ,hab dhaqnka shaqaalaha iyo deegaanka oo ah mar walba kan saamaynta ugu badan ku leh.Noocyada ugu caansan waxay kala yihiin sidan :-

 

Cudurdaar Sameeye

Cudurdaar sameeyeyaashu waa kuwo ka mid ah shaqaalaha dabeecadda kar-kan marka la joogo goob shaqeedyada. Kani waa mid had iyo jeer jecel in uu ka meeraysto shaqada  ssomlaiduna waxay tidhaadaa  ama ku qeexdaa maah-maahdii la odhan jirey “ hal diideysaa , geed ay ku xoqato ma weydo “ .Tusaale ahaan wuxuu ohanayaa “ tani waa hawl aad u addag, ka bixi kari mayo ” , “ma aha shaqadayda tanni “ , “ Uma tabo barni shaqadan “ , iyo hadallo kale oo wada  sidaas oo kale ah.

 

Sidoo kale, wuxuu had iyo jeer isku dayaa in uu su’aal geliyo hawsha ama uu tilmaamo qof kale oo shaqaalaha ka mid ah oo doonaya in uu shaqadaas qabto. Waxaa dhici karta shaqo qof ku haysa dhibaato in aanay dhibaato ku haynaynin qof kale oo ka tirsan shaqaalaha. Balse, xitaa haddii ay jirto arrin ama xaalad goob hawleedda oo dhan dhibaato ku haysa oo u muuqata hawl laga siman yahay in aanu waxba ka qaban, xataa u diyaarsanaynna in uu wax ka qabto.

 

Mid Baxa Marka Uu Maareeyuhu  Baxo

Kani waa mid aan dan ka lahayn shaqadiisa iyo hawshii loo direy. Had iyo jeer wuxuu sugayaa jaanis uu ku baxo marka uu maareeyuhu baxo, wuxuuna  jecel yahay   in uu halwl kale soo qabsado .Waa mid had iyo jeer muhiimad xoogan siiya wax aan ahayn shaqadiisa . Wuxuu isku dayaa in uu shaqaalaha la shaqeeya been ku heegan geliyo si hadi uu maareeyuhu soo noqdo ay ugu sheegaan, wuxuu had iyo jeer addeegsadaa kalmaddahan “waxaan leeyahay balan deg-deg ah ee fadlan la sii wada hawsha haddii uu maareeyihii yimaado” ama “waxaan doonaya in aan goor horre tago waxaana jira waxaas iyo waxaas “iyo waxyaabo kale oo wax kajiraaba aanay jirin.

 

Qof Shaqaalaha Kale Neceb

Goobaha shaqada waxaa jira dad aan la jecllayn tiiyoo ay sabab uyihiin dabeecaddooda iyo hab-dhaqankkooda. kuwani waa kuwo cabasho badan oo dhib badan haddii ayna jirin xaaladdo kale oo keenaya in la necbaado sida hinaase hawleed ku salaysan dedaalkooda, hal abuurkooda iyo wax qabadkooda. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la gaar yeelo shaqsiga noocaas ah. Haddaba si loo ogaado qofkani inuu yahay kaa dhibta badan iyo in quudhiwaa kale jiro oo shaqqalaha kale dhibka wadaan waa in la derso dabeecadda shaqsiga oo lagu ogaanayo sida uu u dhaqmo.

 

Mid Niyad Jabsan

Goob kasta oo shaqeed oo hawli   ka socoto waa laga heli karaa dadyow dareemaya diiqad iyo culays fara badan oo aan niyad badan u haynin dadywga kale ee ay wada hawl galaan. Arrimahan diiqada ku keenayaa waa kuwo shaqsiyeed oo ah arrimo si gaar ah isaga u khuseeya   ama ka haysta shuruucda goobta shaqo, deegaanka, bulshada, qaranka iyo siyaasadda gobolkiisa ayaa ah kuwo ku kelifaya in uu noqdo mid aan jawiga uu ku jiraa ahayn mid degan.

 

Dadyawga noocan ahi  waxay had iyo jeer yihiin kuwo jecel muran madhalayska ama in ay ka dooddaan hadallo wakhti lumis ah si ay wakhtiga uga dilaan una mooraal jebiyaan la  shaqeeyeyaashooda kale (Waxay ku farxaan dhibaatada kuwa kale ) .Waxay jecel yihiin in ay had iyo jeer dood ka keennaan deegaanka iyo wax yaabo aan la maarayn karin oo kale . Sidoo kale, kuwani waa kuwo aan ku faraxsanayn noloshooda shaqsiga ah oo aan is aamin sanayn.  Caadiyan hadallada lagu garto ee ay addeegsadaan waa kuwo aan rejo ka muuqannin ama bilaa rejo ah.

 Cadhaysane

Way jiraan dad mar kasta cadhasyan marka la joogo goobaha shaqada oo dagaalan ka muuqdo, laakiin goobta shaqada waxay ku leeyihiin saamayn aad u daran kaliya deegaan ahaan maaha, xitaa waxa ay waxyeelo toos ah gaadhsiaanayaan nafaha eek a ag dhaw sida loo addeegayaasha (macaamiisah) iyo shaqaalah kaleba. Waxay aad u canaantaan shaqaalaha ka hooseeya, kuwa ay wada shaqeeyaan, iyo macaamiishaba.

 

Hab dhaqanka noocan ahi wuxuu goobta shaqo ku biirinayaa sawir xun waxaana yaraanaya dhammaan macaamiishii rugta ku xidhnaa iyagoo ka cabsi qaba qofka sida tan u dhaqmaya iyo shaqaalaha wanaagsan oo lagu waayi karo hab dhaqankan qudhiisa. Kuwan waxaa lagu aqoonsan karaa sida ay u dhaqmayaan.

 

Kuwo Xan Badan

In lays xanto mar haddii goob hawleed la isugu yimaadaa waxay qayb ka tahay shaqada maalin laha ah ee goob hawleedda, laakiin waxay saamayn taban ku leedahay oo ay yaraysaa wax-soosarka kooxada, haddii aanay xantaasi ahayn mid caafimaad qabta. Xanti waxay ka dhici kartaa meelo badan sida inta jidka shaqada(dariiqa ) , xilliga qadada , xafiiska lagu wada shaqeeyo iyo shaahaynta. Waxa ugu badan ee ay is weydiiyaan waa wax aan lahayn midho dhal oo wada gurrac ah. Kuwani waxay had iyo jeer yihiin kuwo si joogto isu weydiiya arrimaha siyaasadda, warkii u dambeeyay iyo arrimo kale oo la xidhiidha.

 

Waxay had iyo jeer ku hawlan yihiin waxa ku kordhay am aka dhacay hab nololleedka qof kale oo ay isla yaqaannaan amaba shaqaaleha ah. Waa kuwo ka dheregsan sheekooyin badan, waxaana xanta u dheer in ay goobta shaqada iyo shaqaalaha isku dayaan in ay ka dhex bilaabaan faji oo ay riwaayad u daaraan shaqaalah kale. Hadallada ay addeegsadaan waxaa ku jira “miyaad habeen horre ciyaartii soo dhacdey daawaneysay “miyaad maqashay in “Miyaad maqashay qofka la dalacsiinayo “iyo haddalo kale oo aan saafi ahayn.

 

Khiyaamoole

Kani waa mid had iyo jeer isku daya in uu musuqo dhaqaalaha goob hawleedda isagoo uga faa’iideysanay si shaqsiile ah hantida uu gacanta ku hayo, wuxuuna musuqi karaa kharashaadka kale ee cadaanka ah. Kani oo kale saamayn toos ah kaligii kuma yeelan karo goob hawleedda laakiin wuxuu isku dayaa in uu duufsaddo shaqaalaha kale si uu u musuqi karo wixii uu doonayo. Kan noocan ahi wuxuu noqonayaa mid ah kuwa ugu daran ee saamaynta ugu xun ku reebi kara goobaha shaqada, waxaa meesha ka baxaysa aaminnaaddii iyo kalsoonidii goob-hawleedda ka jirtey gudo iyo dibedba.

 

Mid Kaligii Shaqayste ah

Kani wuxuu noqon karaa mid wax qabad badan ooh awl kar ah laakiin aan aqoonsanayn qiimaha ay leeyihiin la shaqeeyayaasha kale ee laf dhabarta u ah hawlsha socota iyo isga guushiisaba. Had iyo jeer wuxuu jecelyahay in uu keligii shaqeeyp isagoo xaqiraya awooda iyo kartida ay leeyihiin xubnaha kale ee kooxdu. Kani ma qaban karo shaqo looga baahan yahay wada shaqayn, waxa uu had iyo jeer aaminsan yahay in uu yahay ka keli ah ee hawlaha u qaban kara sidii la doonayay.

 

Bilaa Go’aan

Way jiraan dadyow badan oo hab fikir koodu aad u hooseeyo, sidoo kale ilowshiiyona uu u raaco. Waxa kale oo jira kuwo si dhib yar uu ilaawi kara go’aan kii horre ee ay qaateen.Kuwani waa kuwo ku lid ah goob-hawleedda iyo deegaankeedaba. Sidoo kale, ma aha kuwo isku hawla in ay sameeyaan qo’aan addag iyagoo eegaya ama sii saadaalinaya caqabadaha soo foolka leh, kuwani waa kuwo la degaya goob-hawleeda waayo kama war qabaan xaaladaha taagan iyo sida ay noqon doonto.

 

Mid Doonaya Tusid,Tilamaan , iyo La  Hagaajin Joogto-ah

Kani mar walba wuxuu u baahanyahay cid ka caawisa shaqadiisa sidii uu u qaban lahaa, wuxuuna dadkka kale ee la shaqeeya wakhtiga kaga lumiyaa in la tuso, lala qabto ama loo qabto hawl gaar ahaanneed oo isaga u taalay. Mararka qaar goobaha shaqada waxaa lagu tartamaa shaqo gaar ah oo leh wakhtigii lagu qabanayay, isna tartanka wuu ku jiraa se ma qaban karo hawl ilaa laga caawiyo mooyaane. Sababta ugu weyn ee keentay tan waa in aanu qofkani danaynayn shaqadan uu qabanayo. Waana mid had iyo jeer caajis ah, goob hawleedduna waxay noqonaysaa mid aan la jeclaysan.

 

Cawaandi

Marka la joogo goobaha shaqada waa laga heli karaa dadyaw kuwo is buun buuniya oo iska dhiga balaayo-balaayo, waxay iska dhigaan kuwo dabeecad xun oo kibir badan, waxay isku dayaan in ay canaantaan shaqaalaha kale si loo gaadho natiijadii loo baahnaa.

 

Kuwani waa madax-xafiissedyada ka masuulka ah wax gaar ah ama xafiis gaar ah, waxaana la soo weriyaa inta u dhaxaysa boqlkiiba labaatan iyo shan ilaa konton (25-50 %) shaqaale ah in madaxoodu uu ku cawaandiyoodo inta lagu jiro shaqada.Sidoo kale , tani waa mid ka mid ah mushkiladaha shaqaaluha wanaasgani  uga tagaan shaqada iyagoo raadsanay shaqo kale. In taa waxa dheer, hab dhaqan kan qalafsani wuxuu dhalin karaa in waxsoosaar ay yeelan weydo goob hawleeddu, sharaftii iyo magaceediina uu hoos u dhaco iyo mararka qaarna in ay soo duwi karto kharash dacwaddeed oo ka baxa goobta shaqo.

 

Aqoonsashada   Shaqaalaha Gurracan?

Waxaa aad u mihiima ah in la kala ogaado farqiga u dhexeya shaqaalaha ad-adagygu ka muuqdo iyo shaqaalaha gurracan.

Shaqaalaha ad-adaygu ka muqdaa waxaa dhici karta in yahay qof halw kar ah, shaqadiisa ka adag, cidna aan dhibaato u gaysanain, goobta shaqadana aan saamayn taban ku lahayn. Laakiin shaqaalaha guracai waa kuwa khasaare iyo dhaawac ku keeni kara goob-hawleedda iyo dadka sida dhaw ula shaqeeya. Dhanka kale, hadaynu kala soociddani waxay inoo sahlaysaa in aynu helno xal waara oo ku haboon.

 

Toosinta iyo Sixista  Shaqaalaha Gurracan

Marka shaqaalaha gurracan la aqoonsado waxaa loo bahanyahay in loola macamulo hab xirfadaysan, waxaana ugu caan caansan hababka lagula maacamili karo kuwan soo socda: –

  1. Waa in la ogaado waxa keenaya in uu qofkani noqdo mid sidan u dhaqamaya , iyadoo lala yeelanayo wada sheekaysi dheer(Delve Deeper) oo taabana dhinacyo badan , dhanka noloshiisa iyo dhanka shaqada iyo dadk ay wada shaqeeyaan. Ka dib marka la ogaado waxa keenaya dhibka in la saxo haddii uu yahay mid ka baxsan shaqadana loo sameeyo la taliye ka caawiya arrimihiisa gaarka ah.

 

  1. Ku Celi Warbixin

Sida badanka dhacda, shaqaalaha gurracani kama warqabaan saamaynta ay ku leeyihiin kuwa kale, dadka kale ee ku xeeranina waxay aad uu eegaan habdhaqankooda laakiin kama war-qabaan dhamaan saamaynta ay kuwani leeeyihiin. Sidaa awgeed aad ayay muhiim ugu tahay in ay helaan warcelin toos ah oo aan ahanyn eex. Marka ay ogaadaan warcelin ka turjumaysa dhibkooda waxay noqonaysaa in ay helaan xal. Warcelinta waxaa loo siin karaa hab wada sheekaysi is daba jog ah oo iska caadi ah, iyadoo loo sheegayo dhaawaca ay u geysanayaan goobta-shaqo ama hawleed iyo saamynta ay ku leeyihiin shaqaalah kale. Arrinka waxaa loogu sheegi karaa si qodobaysan iyadoo loo sheegayo ama la siinayo tusaaleyaal cayiman oo ah kuwo wax laga qaban karo. Sidoo kale, kalla hadal nooca iyo qorshaha. In taa wax dheer, marka aad siiso warcelin dheeraad ah si ay u kordhiyaan wax ka beddelka togan ee dabeecaddooda, si joogto ah u korjeegee, si aad u ogaatid in ay qabanayaan tallaabooyin togan iyo in kale.

 

  1. U sheeg Caqabaddaha Jira

Shaqalaha gurracan qaar kood waxay yihiin kuwo si dhib yar u qaadan kara qaladdaadkooka marka loo sheego hab dhaqankooda khaldanna si dhib yar u aqoonsada. Dhanka kale, natiijooyinka loo sheegayo waa in ay ku jiri karaan sida in ay ka dhaxli-karaan mustaqbal xumo iyo caqabado kale oo dahsoon.

 

  1. Qoraal Kaydin

Haddii uu shaqaale qurracani sameeyo khasaare la dareemi karo oo aad go’aansato in aad wax ka qabato waa in aad heli karto cadaymo haddii loo baahdo mustqabalka. Marka ay jiraan duruufahan oo kale waxaad si sahlan u heli kartaa dembiyadii uu galay oo dhan.Sidoo kale , waa in aad qoraal ahaan ku heli karto digniinihii la siiyay shaqaalaha gurracan . Midani kaliyamaaha in aad iyaga maarayso laakiin xitaa wax ay xakame u noqonaysaa shaqalihii kale e raaci lahaa raadkaas khaldan.

  1. Ka Sooc Shaqaalaha Gurracan Shaqaalaha kale

 

Sida aynu kor ku soo sheegnay shaqaalaha gurracani wuxuu halis ku yahay goob shaqeed kasta iyo cida ka shaqaysa ama xidhiidhka dhaw la leh .Sidaa daraadeed , faa’iido weyn ayaa ku jirta in shaqaalaha kale dhinac looga saaro .Haddii aan sidan la samaynin shaqaalaha gurracan kuwa wada sahqaynta dhaw la lihina waxay noqonayaan shaqaale gurracan waayo saamyn bay isku yeelanayaan.Waxa sidoo kale ay tahay in shaqaalaha kale lagu waaniyo in ay ka fogaadaan kuwaas oo kale .

 

Ugu dambayn, shaqaalaha gurracani waa kuwo ay addagtahay in lala shaqeeyo, waxayna saamayn taban ku leeyihiin deeganka shaqada iyo dadka kale ee xidhiidka la leh ba, sidoo kale waxa kor ku xusan noocyada ugu caansan ee shaqaalaha gurracan. In taa waxa dheer, waxaad kor ku soo aragtay shan xal oo ah siyaabaha loo si karo habdhaqankooda loona yarayn karo saamynta ay ku leeyihiin kuwaas aynu sheegnay. “Shaqaalaha gurracani waa cadaw kula yaala”.

 

By:  Khalid Mahad Osman “Curaagte “