Nuxurka Buuga “The Compound Effect” Q.6aad (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Waxaa inoo socday Cututbka ku saabsan raadaynta waxa uu qoraagu sheegay bar naftaada ku celcelinta, imika cadayga waxaan samaynaa inagoon is ogayn oo naftaa la qabstay aroort kasta, sidaasi oo kale shaqooyin joogtee taasina waa furaha lagu gaadho laguna hagaajiyo awoodaha, markaa dhis maalintaada oo qoondee, qeex saddex meelood oo aanad joogtayn.

Waxaynu hore usoo sheegnayn in aad masuul ka noqoto naftaada sidaa daraadeed, waa in saddexda shay oo saameeya naftaada dhug u yeelato, waana kuwan hoos ku qoran.

A.   Waxa kusoo galaya ee maskaxdaadu quudato, maxsuulkaaguna waa intaas kugu ururtay, iyada uunbaana natiijada aad soo saari hadhaw.

B.   Rafiiqyadaada dadka aad wakhti la qaadato, saamayn culus bay leeyihiin

C.   Iyo waxyaabaha kugu xeeran jawigaaga guud, qofku jawigiisa uun buu u eeg yahay ma maktabad kudubaa kugu xeeran mise TV iyo games

Waxaad dhitayso uun baad natiijadeeda helaysaa, haddaad qashin meel ku rido qashin uun baa soo noqonaya, sida cunto caafimaad qabta, sidoo kale markaad ceelka biyo ka doonayso waa in bumka aad riixdaa si aad biyo  u hesho sidoo kale naftaada riix si aad natiijo fiican u hesho intaad riixdo uun baad helaysaa markasta faraquna waa kala badnaata riixmada, waana waxa xawaaraha qiime u yeela  joogtayntu.

Shaqo gali saamaynta dhitaynta.

  • Aroor iyo galab kasta diwaangasho wareeg hawleed wacan.
  • Taxo waxqabadyo aanad joogtayn oo wanaagsan.
  • Diwaan gasho waxkasta oo hadafkaaga kaa caawin kara in aad gaadho.

Kasaar noloshaada daawadasha Tv’yada waayo waxa la sheegaa in maraykan dadkoodu ku qaataan 4.7 saacadood maalintii, sidaa daraadeed cidaad la joogtaana 95% waxay jaan gooyaan guushaada iyo guuldaradaada.

Sidaa daraadeed ‘hadaad doonayso in aad duusho dadka duula raac waad duuliye”,  maalgalina ku same naftaada Harvey Mackay waxa uu ii sheegay buu yidhi qoraagu waxaan leeyahay 25 tababarayaal sare oo dhan walba xataa qoraalka mid baa I bara, xadiiskiina waxa uu ahaa Rasuulkeenii Salaahu Calayhi Wasalam in uu yidhi “qofku ha iska eego cida aad la saaxiibayso”.

Cutubka 6aad kordhi socodka.

Markan waxa uu qoraagu soo qaatay kumaa badbaadaya xaalada adag oo adkaysanaya wax kasta oo dhaca, marka lagu jiro tartanka orodka qofba qofkuu ka adkaysi badan yahay baa guusha gaadha, waxaanu cutubkan ku qaadaa dhigay sideed ku gaadhi kartaa guulo adoo jabinaaya silsiladaha kaa hortaagan guusha.

Waxa uu xusay wax uu u bixiyay “Aminta runta” oo ah marka aad gaadho guushaada aad ku soo tabacday una dhabar adaygtay wuxuu kusoo koobay “sirtu waa kolba intaad dhabar adaygto”.

Marka labaad wuxuu xusay in aad labba jibaarto natiijooyinkaaga taasi oo waxad leewarka usii qabataba horaad u gaadhaa sida uu sheegay Arnold “Markasta oo aan gaadho halkaan doonaayo inyar oo kale uun baan kusii daraa” waana qaacidada uu ula baxay “mabda’a xadida”

Ta saddexaad waxa uu xusay xeer ay isticmaasho Oprah winfery oo la yidhaahdo “ka badi filashada” taasi oo ay dad ugu balan qaaday inay siinayso gaadhi furihii lagana dooran doono 12 qof oo ay hal bushqad ku jirto hal fure qof kaliya guulaysan doono 12 qof, markii loo qaybiyay bushqadihii waxa soo baxay in qofkastaa fure helay oo aanay sheekadu ahayn qof kaliya 2004 tii taasi oo filashadii ahayd in qof kaliyaa helayo ay isku badashay in dhamaan ay wadda heleen 12 qof 12 gaadhi. Markaa filashada ka badi oo wax dheeraada markasta samee sida la sugaayo.

Waxa uu ku afareeyay in aad mararka qaar samayso waxaan la filayn sida in aad hadyado u dirto dad xiiseeya taasi oo ay dareemayaan inaad sharaftay adna aad helasyo dareenkooda la joogid,

Shaqo galin dhitaynta.

  • Qeex saamaynta kusoo gasha ee warbaahinta ee noloshaada.
  • Qiimee hawlaha aad ku jirto iyo waxqabadyadaada.
  • Dooro meel sare oo hawl gudasho ah iya rafiiqeeda.
  • Qeex saddex kaalmood oo aad aalaa xooga saarto si aad u horuariso.

Gunaanad

Waxa uu qoraagu sheegay in akhriste hadda aad diyaar u tahay in aad samayso dagaalo la xusi karo, dhib maleh halkaad joogto waxaad qabato bal dib u eeg noloshaad shantii sano ee la soo dhaafay, caado xun ma laagtay si ay kuugu suurto galaan waxyaabo badan oo aad u baahan tahy oo nolosha muhim u ah. “Xaqiiqduna waxa weeyi in awoodada aad galiso naftaada oo aanad cid kale u hibayn wakhtigaga iyo wax qabadkaaga”.

Gunaanadkuna waxa weeyi xadiiskii Rasuulkeenu Salaahu Calayhi wasalam wuxuu “yidhi ku dadaal wixii ku anfacaya ilaahayna kaasho hana caajisin, taasi oo intan buuga soo koobtay.

فقد صح عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: “المؤمن القوي خير وأحب إلى الله من المؤمن الضعيف وفي كلٍ خير، احرص على ما ينفعك واستعن بالله ولا تعجز وإن أصابك شيء فلا تقل: لو أني فعلت كان كذا وكذا، ولكن قل: قدر الله وما شاء فعل، فإن لو تفتح عمل الشيطان” رواه مسلم.

Wabilaahi Tawfiiq. Sidaa suu inoogu dhamaaday soo koobidii buugu.

 

Soo Ururintii : Axmed Cali Kaahin                                  Email:         aakaahin@yahoo.com