Oromada iyo Soomaalida dhibanayaal isla dhiban

Labada ummadood ee Soomaalida iyo Oromada ayaa ahaa mudo dheer jaar isla degan oo wada nool, isla markaana wadaag waxyaabo fara badan sida in ay is guursadaan, wada ganacsadaan, beeraha wada fashaan iyo dano kale oo badan wadaagaan.

Sida taariikh ahaan muuqatana ama ay dad badani aaminsan yihiin waa laba ummadood oo walaalo ah oo ka soo jeeda Xameytig Kushitig ah, waxaa kale oo taariikh ahaan jirta in dad wada degan is khilaafaan oo arimo iskaga hor yimaadaan waaney dhacdey in labada qowmayadood beelo ka mid ah isku dhaci jireen, waaxaase markaaba go’aan ka gaadhi jirey hogaamada kala duwan ee jira badanaa waxaa arimaha xalin jirey culimada iyo hogaanka dhaqanka ee labada qolo.

Waxaa kale oo dagaaladaa hore ceeb ahaa in dadka Biri ma gaydada ah la laayo, had iyo jeerna kuwaasi waxa ay ahaayeen dad la iska ilaaliyo, waase dhici jirtey caruur in dagaalada lagu kala qaato oo cida qaadatey ay iska korsato sidii ay doontaba ha ku dhacdee.

Hadase waxaa aad u muuqata in dagaalka labada qowmiyadood dad ka mid ah ku dhax maraya meelo Itoobiya ka mid ah waa la siyaasadeeyey, waxaana  aad u soo shaac baxdey in TPLF ay isla laheyd ku cimri dheerayso isla markaana ay ka heleen siyaasiiyiinta labada qolo dad arimahaas u fuliya oo fitnadaas ku dhax tuura labada Ummadood, taasina ma ah mid hada guuleysanaysa mar hadii xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu qabtey Dr. Abyi Axmed oo Oromo ka soo jeeda astaan uu ka dhigtey “is cafin, is jecnaasho iyo wada noolaasho”.

Waxaa xusid mudan in labada qowmiyadood waa Soomaali iyo Oromee ay waligood dulmanayaal ahaayeen dhibaato xoogana kala kulmeen xukumadihii Itoobiya soo marey, inta badana waxaa dulmigaas ku sameeyey labadooda, labada qawmiyadood ee kale waa Axmaarada iyo Tigreyga, labadani way ka waayo aragsan yihiin kana siyaasisan yihiin kana hanti badan yihiin Soomaalida iyo Oromada, waxaana suurowda wax kasta oo ay awoodooda ku ilaalinayaan in ay sameeyaan.

Taasina waxaa marag u ah dagaalka laga dhax shidayo Oromada iyo Soomaalida kaasi oo hadii uu sii socdo ay xaqiiqo noqon doonto in ay TPLF ku soo laabto xukunka ama ay Axmaaro qabsato.

Iska kaashiga iyo isku duubnaanta Oromada iyo Soomaalidu waxa uu suura galin karaa in isbadalka dhacey laga midho dhaliyo oo ay noqdaan labadani kuwa Itoobiya xukuma iska hor imaadkooduna waxa uu sababi karaa in isabadalkii dhicisoobo oo awoodo kale abuurmaan.

Aduunka dhacdooyinkiisa waxaa ka mid ah marka meel isbadal ka dhaco in cida aan doonayn in hawshaas lagu guuleysto (deep government) ay sameeyaan kacdoonka wixii lagu fashilin lahaa iyaga oo adeegsanaya wax kasta oo suura gal u ah, kuwaas oo ay ka mid tahay in ay faafiyaan wararka beenta ah, buun buunin waxyaabo aan dhicin ama dhacey laakiin ay sida ay doonayaan u dhigaan.

Awoodaha noocaas ah waxaan ku tilmaami karnaa awoodaha mugdiga ( dark Forces) kuwaas oo marka ay waayaan danihii guracnaa ee ay  lahaayeen sameyn doona xumaan oo dhan, hada waxaa suurowda in dad Oromo ah meel lagu laayo ama dad Soomaali ah meel lagu laayo dabadeena la yidhaahdo kuwaas baa diley iyada oo aaney waxba ka ogeyn labada qolo midkoodna oo ay gacan sadexaad fulisay hawshaas, dantuna waa isku dir iska horkeen kaliya si dhibkaas masaakiinta gaadhey ay qas wadayaashaasi uga faa’iideystaan.

Waxaa la gudboon hogaanka Oromada iyo Soomaalida in ay isa soo hor fadhiistaan oo ay xaliyaan khilaafkooda hab waafaqasan dhaqankooda iyo xeerarkooda, ka dibna u guntataan kawada shaqeynta iyo horumarinta ddlkooda iyo dadkooda.

Xasan Ciise- Free lance journalist