Beryahan, dad aaya waxay ku doodaan in aan la qummanayn in ereyga afur sidatan loo qoro, maxaayeelay qaabkan wuxuu ka soo jeedi karaa af-ur (af-shiir), sidaa darteed dadkaasi waxay la tahay in ereygaas qaabkiisa laga dhigo affur, maxaayeelay, labada โfโ waxayย ku yimaadeen isku xirka labadan erey: af+fur.
Haddaba, fasiraaddani ma aha mid sax ah, waxaana u sabab ah:
1) Ereyga afur, sida waafaqsan habka kala dhigdhigidda alannada (syllables) ereyga, wuxuu noqonayaa a-fur, ee ma aha af-ur, oo noqonaya erey micna kale leh, markaasna waa shardi in loo dhexaysiiyo xariijin. Qaabkan waxaa la wadaaga ereyo kale, sida ereyga: abaar, alannayntiisu waa a-baar, haddiise aynu u qaybinno si aan qumanayn: ab-aar, xitaa micnihii ayaa isbeddelaya sida midkii hore: af-ur. Marka, qaabka qaybinta alannada ereygaas ee aan saxda ahayn laguma salayn karo erey asalkiisa.
2) Ereyga afur, shaki kuma jiro in uu ka soo jeedo af+fur, haseyeeshee looma baahna in la laballaabo shibbanaha โfโ, ha ku sugnaado erey gudihiisa (sida: affar) ama ha ku yimaaddo isku lifaaqidda laba erey (af+fur). Sidoo kale waxaa la mid ah ereyada soo socda:
madaxanuun (madax+xanuun> madaxxanuun)
gabadha (gabadh+ta>gabadhdha)
magaca (magac+ka>magacca)
madaxa (madax+ka>madaxxa)
diiqa (diiq+ka>diiqqa)
Sida looga maarmay laballaabidda shibbanayaasha magacyadan kor ku xusan (dh, c, x, q iwm) ayaa looga maarmayย in la laballaabo shibbanaha โfโ, maadaama micnayaal kala duwan aanu u yeelaynin ku dhawaaqidda labada qaab: afur iyo affur. Sidaas ayaana ku dhawri karnaa mid ka mid ah 17kii qodob ee lagu saleeyay samaynta alifbaโda af Soomaaliga, qodobkaasoo ahaa in laga daayo alifbaโda wixii laga maarmi karo, si loo beekhaamiyo dhigaalka.
Sideedaba, dhammann shibbanayaashu, cod ahaan, way laballaabmaan, haseyeesha 7 uun baa khasab ah in la laballaabo qoraal ahaan, maxaayeelay, isbeddel micneed ayay keenayaan, sida: xabad & xabbad, xooga & xoogga waa kala micne, laakiin shibbanyaasha kale oo dhan ma keenaan wax la mid ah isbeddelkaa micneed, sida: afur iyo affur, rati & ratti, Xasan & Xassan iwm.
Diyaarinta: Prof. Cabdalla Cumar Mansuur
Bandhige@gmail.com