Prof. Samatar: Cawayskii Talo-Wadaag ….WQ: (Cabdullaahi Xaaji Siciid)

Prof. Samatar: Cawayskii Talo-Wadaag

Kulankii dhexmaray Prof. Samatar iyo bulshada reer Awdal ayaa ahaa mid xamaasad iyo dareen wayn xambaarsan. Dadka kulanka ka soo qaybgalay waxay u kala qaybsanaayeen laba qaybood – koox quus ka taagan Somaliland, iyo koox aaminsan in ay jirto fursad wax lagu sixi karo. Si kastaba ha ahaatee, labada kooxoodba waxay ka midaysnasyeen hal arrin oo ah: in Somaliland halis wayn waajahayso haddaan degdeg wax looga qaban qaladaadka jira. Isku soo wada duuboo, cawayskani wuxuu ahaa madal lagu muujinayo dareenka dhabta ah ee bulshada Galbeedka SL.

Dareenkii iyo xamaasadii ay dhalinyaradu ku soo bandhigeen kulanka ayaa mararka qaar ahaa mid ay adag tahay in la xakameeyo, balse waxa uu Prof.Samatar soo bandhigay sida ugu wanaagsan ee shucuurta iyo caadifada jirta looga faa’idaysan karo. Wuxuuna taabtay, in midnimo dhexdooda ahi ay sal u tahay in guul laga gaadho tabashooyinka ku dhex milmay bulshada dhexdeeda.

Reer Awdal waxay muujiyeen in Somaliland dhegaysato dareenkooda dhabta ah. Waxay diideen fikradda ah in ay talada Somaliland ka noqdaan daawadayaal, iyagoo caddeeyay inay rabaan in la maqlo codkooda, waxna laga qabto tabashooyinka ay qabaan oo ay ka mid tahay in Ururka Hillaac ka qaybgalo doorashada loogu tartamaayo madaxtinimada SL.

Maxaa xal ah?

Waxa muhiim ah in Somaliland garwaaqsato culayska ay xaaladdu leedahay, kana faa’iidaysayto khibradda iyo niyad-wanaagga muwaadiniinteeda, isla markaana ay qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu xallinayo arrimaha taagan. Waxaan aaminsanahay haddii si firfircoon looga hawl galo lana fahmo dooda reer Awdal, in xaaladda la hagaajin karo. Hal shay oo muhiim ah oo ilaa hadda maqani waa wada hadal dhab ah. In la iska indho tiro ama la yaraysto walaaca ka imanaaya qayb kamid ah bulshada, waxa ay ka sii dari doontaa xaalada.

Gabagabadii, kulanka Prof. Samatar iyo bulshada reer Awdal ayaa iftiimiyay dareenka dhabta ah ee ay ka qabaan xaalada hada ay ku jirto SL. Waxa lama huraan ah in xukuumada Somaliland si feejigan oo xushmad leh u dhegaysato codadkaas, maadaama ay xambaarsan yihiin awood wax-ka-beddelka xaaladda hadda taagan. Wada-hadal iyo wada-shaqeyn, waxaa lagu gaari karaa waddo loo maro Somaliland loo dhan yahay oo horumarsan, taasoo wax ka qabata cabashada muwaadiniinta oo dhan.

 

WQ: Cabdullaahi Xaaji Siciid

Bandhige@gmail.com