Haddaad u fiirsato Soomaalilaan, xisbi ama ururkasta oo loo yagleelo ujeedo siyaaseed waxa magacooda ku jirra ama kamid ah erayada ; cadaadalad , nabad , horumar , daryeel, midnimo , dawlad wanaag IWM. Sidoo kale, astaamahooda waxaa u baddan miisaan , dad garbaha is haysta , qaar qacmaha is haysta, kuwa isa salamaaya iyo wax kaloo u taagan dhamaan erayadda kor ku xusan . Qolofta sare iyo muuqaalka guud, erayadaa qiimaha leh ee aan cidna gaarka u lahayn ayaa ku xardhan, laakiin markaad gunta u gasho dhamaantood waxay ku dhisan yihiin wax lidi ku ah astaanta iyo magacyada ay wataan . Sidaasay dan moodeen !
โIllayn meelan dani kaa wadayn kama dal xiisootiโ
Bare Sare Axmed Ismaaciil, oo ah aftahan iyo aqoon yahan aad wax u bartray ayaad moodaa in lagu qalday astaamahaa iyo magacyada qurxoon ee xisbiyada . Sidii ka muuqatay Barafoseer Samatar haddaladiisii xiliyadii doorashada, wuxuu caashaqay magaca xisbiga oo looga dhigay Kulmiye inuu yahayโmideeyeโ sida Muuse Biixi laftiisu ugu sharxay macalinka maalintii uu Xisbiga kusoo biiraayay. Waxa kaloo Axmed Samatar u qaatay astaan midnimo, labbada qacmood ee isa salaamaya ee astaanta u ah Kulmiye.
Fahankaa qaldan awgeed, waxa dhacday in macalinka si fiican loo rarto, laguna dhaansado shar iyo kharyba . Siday doonta ha noqotee , Axmed muduu u qafaalnaa Xisbiga kulmiye oo uu mee-lwaba ka hadlay si uu u iibgeeyo siyaasada iyo barnaamujka Kulmiye . Waqtii uu suuqgaynta Kulmiye ku jiray , dadkii ka soo horjeeday qaar baa kula kaftamay in uu Axmed yahay nin Jiilaal iyo waqti qabooba ah baraf iibinaaya , iyagoo ula jeeday Muuse Biixi kaama gadmaayo Axmadow . Yeelkeede, xaraash iyo tafaariiq wax uu ku gadayba, gad oo xisbigii Kulmiye guulaysay.
Guushii Kulmiye ka dib, Axmed wuxuu isku dayay sidii uu loolan ugu gali lahaa hanashada jaggada gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye . Wuxuuna isku qanciyay in uu yahay, shaqsiga ugu haboon ee jagadaa buuxin kara aqoon ahaan iyo waayo aragnimaba ahaanba. Se arintu waxay is baddashay, markuu Muuse biixi toos ugu yidhi Axmed Samatar โ Maantana far bay maydhlaโ ee ha ii fadhiyo geeluโ oo ula jeeday Muuse wax baddan baa hadda qabyo iga ah diyaarna uma ihi xil innaan wareejo hadda . Carrarkii u qaaday Macalin Axmed wuxuu ku nastay London, wuxuuna garawsaday in magacii, astaantii, iyo buugii ololaha doorashaduba ay ahaayeen magac murraad , buug murraad iyo astaan murraad oo dan gaara laga lahaa.
Axmed Samatatar Isagoo taa ka jawaabay wiigan wuxuu soo qoray warqad nuxurkeedu yahay :
Haddaan ururkiyo
Afaggaal ridey
Mugga eeddaa
Illaah baa iska leh
Anna orodkay
Waa Intii hore
Shacabkuna wuxuu leeyahay :
Afar inuu qaday
Oo afku engagay
Kii horjeegayiyo
habaaskuba wari
WQ: Cabdillaahi Xaaji Siciid
Eamail: Cubeesh.com@gmail.com