Puntland ma horumar mis xin iyo cadaawad (WQ: Rashiid odowaa)

 

Tan iyo markii la asaasay Maamul goboleed ka Soomaliyeed ee puntland 1998 waxay u muuqattay mid ujeedada keliya ee loo sama ystay ay tahay sidii ay Somaliland ula Xin tami lahayd,waxayna markiiba doodad ay adeegsatay ahayd inay u dhisantay maamul qabiil oo aanay tix gelinayn Xuduud Caalami ah iyo wax kaloo caddaymo ah midna.

Maamulkan oo qaab dhismeedka uu sheeg taa uu yahay Parlimentarian Saystem ayaan wax Horumar ah oo la taaban karo ka samayan Deegaanada uu maamulo amaba Sheegto marnaba,wax nidaam siyaasadeed ama Dhisme oo la taaban karona haba sheegin,Nidaam doorasho oo hirgalay ayaan jirin,ma jiraan xisbiyo hano qaaday,keliya waxay isticmaalan caawimooyinka ay qayb ahaan uga helaan wixii lagu caawiyo Dowladda Federalka Somalia oo iyada nafteedu aan wax badan dhaamin puntland marka laga reebo Buun buuninta ay Beesha caalamku la daba socoto.

Duruufaha ku xeeran puntland oo aad u badan waxa ugu waaweyn iyadoo aan lahayn Qaab dhismeed Ciidan iyo kala danbayn waxana hubaal ah in aan Ciidanka Puntland wax mushaharo ah waligiiba qaadan aan ahayn woxoogaa yar oo dekedda Bossaso laga keeno oo kolba inta ugu xoog badan loo saydh saydhiyo.

Waxa kaloo ka mid ah duruufaha haysta in Alshabaab ku hayso (Threat)haddidaad joogto ah wax awood ah oo sy iskaga caabidona ay wayday,Alshababtan oo ku jirta Buuraha Gal-gala loo yaqaan,kuwaas oo sanadkii la soo dhaafay 2017 xasuuqay saldhig ciidan oo ay leeyihiin Puntland,waxa kaloo jirta Niman daacish sheegta oo iyaguna jooga dhinaca Magaala xeebeedka loo yaqaan Qandala,

Intaas oo dhan waxa dheer inanay maamul dhisan oo tamar leh aanay ku hayn magaaloyinkooda keliya waxa lagu kala waabtaa ama la isku qadariyaa ay tahay Qabiil.Sidaas oo ay tahay haddana waxay ahayd meesha ugu dhow dhow xagga nabadda Somalia,sidoo kale duruufaha ku xeeran waxa ka mid ah isku dhacyada Gaalkacayo ay isku dhacaan maamulka Gal mudug oo dagaallo soo noq noqda ay dhex maraan maaulkaas.

Waxaas oo dhiba waxa kala waynaatay Somaliland oo ah halka ugu dhow ee ay garab iyo gaashaan ka heli lahayd ee xidhiidh ganacsi oo qurux badan ay la wadaagi lahayd oo aanay xattaa imikadan ka maarmi Karin waxay lug iyo faras ugu taagan tahay inay dagaal la gasho iyagoo masuuliyiinta puntland adeegsanaya Dhawaaqa qabiilka iyo Isirka iyagoo raba inay cadaawad ka dhex beeraan Beelaha Somaliland wada dega oo ay xususiyaan dhibtii laga soo gudbay iyo Xukuumaddii Siyaad barre.

Waxad laga garan karaa arrimahaas oo dhan inay dhowaan wiigan tagay ku soo qaadeen Ciidamada qaranka Somaliland ee Difaaca xidhan aagga Tukeraq weerar kaas oo ay soo abaabuleen dad shicib u badan oo meelo kala duwan ay ka keeneen oo aan dhaafsiisnayn Qiirada lagu soo kexeeyay Tollaay yaa reer Hebelaay dagaalkan oo fool xumada iyo jabka ka gaadhay aad ka fahmayso inaan lagu soo dagaal gelin hadaf cad ama Himilo sax ah,xattaa gaadiidka ay wattaan uu yahay mid reero iyo ardaayo kala duwani leeyihiin halkaasna dad la soo majara haabiyay inay yihiin la iska arkayo.

Dadyowga reer Somaliland ee goboladas bariga wax faaido ah oo ay u hayaan ama u keenen haba yaraattee ma jirto Hal Dugsina dheh ama Hal Cusbitaal ama wax adeeg bulsho ah waxayse kala dagaalamayaan Horumarka loo wado iyo dhismaha mashaariicda oo ay rabaan inay carqalad ka geliyaan oo sida ay iyaguba degaamadooda ula hadheen ay rabaan inay la mid noqdaan taas waxa ka diidday xukuumadda Somaliland oo aan ka aqbali doonin u dulqaadasho danbe iyo dadkii oo arkay ama fahamsan inaan puntland wax aan qaxar ahayn u soo wadin.

SOO JEEDIN (PUNTLAND)

Puntland waxa la gudboon inanay ku daba Xiiqin Dowladnimada Somaliland ka hana qaadday ee ay aayar woxooda yar iiman u yeeshaan oo ay ka shaqeeyaan sidii ay horumar u gaadhi lahaayeen Somaliland waji fiican oo Somali nimo kula dhaqmi lahaayeen,waxa kaloo la gudboon inay ka daayaan Colaadda ay shacbiga dhex wadaan Mana haboona dhiig dad wllo ah oo muslimiin ah in la qubo taas bedelkeeda waa inay  ku dadaalaan sidii xadka Somaliland iyo puntland u dhexeeyaa u noqon lahaa Xad ay dadka shacbiga ah ee aan kala maarmi Karin iyo Ganacsiguba isaga gudbaan,haddii ay intaas diido xukuumadda Puntland iyadaa Cirka roob ku og.

XUKUUMADDA SOMALILAND

Waxan u soo jeedinayaa inay wixi hour mar ah gaadhsiiso gobollada bariga ee ka habsaamay walaalohood wixii tabsho ahna si deg deg ah loo dhameeyo.waxa kaloon u soo jeedin lahaa in jawaab culus la siiyo haddii ay puntland gardarro danbe ku soo weerarto Somaliland.

Wa billaahi towfiiq

Rashiid odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213