Maqaalkani ka hadlaya qaab-dhismeedka Dawladnimo iyo Dawlad-wanaaga waxaynu ku eegi doona oo aynu ku lafa guri doona qaabka ay u dhisan yihiin waaxaha kala duwan ee dawlada, iyo sida ay u shaqeeyaan ayna uga qayb qaadan karaan Dawlad-wanaaga.
Waa maxay Dawladi ?
Dawladnimadu waa nidaam maamul oo ay bulsho meel wada degani ay ku heshiiso iskuna raacdo, si ay u helaan nidaam maamul oo sharci iyo kala danbayn leh, sidoo kalana damaanad qaadi kara nolosha bulshadaasi ku hoos nool dawladnimadaasi.
Dawladnimadu waa nidaam bulshada u saacidaya inay hesho dhamaan baahiyaha qabaan si ay isku filnaansho nololeed u gaadhaan waxaana ka mida adeegyadaasi sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, korontada, gurayaha iyo nabada.
Dawladnimadu waa inay lahaata dhul cayiman, xuduudo, dastuur iyo bulsho ku dhex nool, marka intaasi oo isku dhan la helo ayaa la odhan karaa waxa meeshaasi ka jira nidaam dawladnimo. Waxyaabaha u gaarka ah Dawlada ee ay kaga duwantay dawladaha kale waxaa ka mida calanka, lacagta iyo basaaboor.
Waa sidee qaab dhismeedka dawladnimo.
Badanaa marka laga hadlayo qaab-dhismeedka dawladnimo waxa ay iskugu soo biyo shubataa kaliya inay dawladnimadu ka koobantahay saddex dhadhaar oo isku awood ah, kuwaasi oo loogu tala galay inay is miisaamaan oo uu midna awooodiisa awood ka baxsan aanu faraha la galin. Marmarka qaar saddexdani awoodood ee isku awooda ah ayaa la sheega inay qayb ka tahay isla xisaabtanka shaqooyinka ay bulshada dhexdeeda u qabanayaan.
Saddexda dhadhaar ayaa waxa ay kala yihiin,
1= Waaxda fulinta, ( Executive branch).
Waaxda fulintu waxa uu doorkeedu yahay inay qabato anba adeeg siiso bulshada ku hoos nool nidaamka dawladnimo ee jira, waxaa hogaan u ah Madaxwaynaha, Madaxwayne ku xigeenka iyo gollaha wasiirada (Cabinets).
2= Waaxda sharcidejinta, (Legislative branch ).
Waaxda sharcidejintu wuxuu doorkeedu yahay samaynta sharciyada, dejinta qorshaha mustaqbal iyo la xisaabtanka labada waxood ee kale waaxda fulinta iyo waaxda garsoorka.
Waaxda sharcidejinta ayaa ka kooban laba aqal oo laysku daray Aqalka wakiilada ( House of representatives) iyo aqalka odoyaasha amaba aqalka sarre ( House of elders), isku darka labadan golle ayaa la isku yidhaa Baarlamaan (Parliament)
3= Waaxda garsoorka, (Judiciary branch),
Waaxda garsoorka ayaa iyadu qaabilsan ilaalinta qawaaniinta anba dastuurka dalka iyo sidoo kale sinaanta cadaalada.
Waxa kaalin buuxda ka qaadata sidii loo ciqaabi lahaa cida sharciga ka hortimaada shacab iyo masuul umadeedba, waana marjaca loo noqdo hadiiba khilaaf soo kala dhex galo waaxaha dawlada madaama iyadu tahay ta garta iyo cadaalada sooreya.
Haddaba sidee buu ku yimaada nidaamka ah Dawlad wanaaga ?
Dawlad wanaagu wuxuu ku yimaada anba lagu helaa wada shaqeynta iyo isla xisaabtanka dhex mara saddexdaasi waxood ee aynu soo sheegnay. Hadii waaxda fulintu (Executive branch) ay bulshada siiso adeegyada aasaasiga iyo kheyraadka oo loo sinaado waxaa imanaysa in meesha ay timaado Dawlad wanaag, isla waaxda sharcidejinta (Legislative branch) iyaduna hadiiba ay sameyso sharciyo iyo qawaaniin bulshada dhaqankeeda, diinteeda ilaalanaya iyo qorshayaal hormar oo mustaqbalka ah waxaa hubaal ah inay qayb wayn ka qaadan karto Dawlad wanaaga iyo adeeg hufan oo ay bulshadu hesho. Waxa iyaduna qeyb ka ah Dawlad wanaaga waaxda garsoorka (Judiciary branch) hadiiba ay waxdani si wacan oo waafi ah ay ilaaliso shuruucda iyo dastuurka oo ay cadaalad iyo sinaan bulshada ugu shaqeyso waxaa hubaal ah in la heli doono nidaam dawladnimo oo lagu dirsaado oo sharci iyo kala danbayn leh.
Astaamahani waa kuwa lagu garto Dawlad wanaaga
– X
Xilkasnimo
– Xilkasnimo
– Isla xisaabtan
– Dah-fur
– Sareynta Sharciga
– Masuuliyad
– Wada-tashi
-Cadaalad
– Ka qayb qaadasho bulsho arimaha masiiriga sida hormarka iyo go,aan qaadashada.
Dhamaan qodobadani waxay laf-dhabar u yihiin Dawlad wanaaga, dhamaantood waxay ka qeyb qaatan isla xisaabtanka iyo waanajinta hawsha sidoo kale waxay xayn-daab u noqdaan qofka masuulka ah ee umada u shaqenaya, waxayna qofka muwaadinka ah siisa fursado uu ku heli karo adeeg tayo leh oo joogto ah iyo ka qeyb galka arimaha siyaasada iyo go,aan qaadashada.
Ugu danbayntii, si loo helo dawlad loo dhan yahay isla xisaabtan uu ka dhex jiro waaxaha dawlada waa in la raaco mabaadiidani kor ku xusan si loo helo dawlad damaanad qaadi karta nolosha bulshada ee ku nool wadanka, dhamaan saddexda waxood ee dawladuna is miisaamaan si aanay awoodu hal meel ah ugu ururin.
Mahadsanidiin
Guuleed Cabdiraxmaan (Social Worker)