Qaab-dhismeedkii & Hogaamintii Hawlgalkii Guda-galka Hargeysa 31 May 1988 (WQ: Xamse Cabdiraxmaan Khayre)

Dad badan baa ku muransan cida hogaaminaysau hawlgalkii Guda-galka Hargeysa ee SNM 32 sanno ka hore. Inta badan waxaa muuqata in muranku ka imanayo fahan la’aan qaab-dhismeedkii guud ahaan SNM gaar ahaan hawlgalkii Gudagalka Hargeysa ah. Kala-saraynta hogaamineed ee min heer Aag/talis ilaa heer urur ayaad moodaa iyaddana in aanay  dad badani ka boggan.  Halkan waxaan jeclaa inaan idinkula wadaago xoogaa aan isku geeyay oo khuseeya sida qaabdhismeedka, Kaalmaha hogaamineed iyo Kala-sarayntu ahayd habeenkaas. Wixii aan qaldo iyadana waad ila sixi kartaan oo anigu ciidana ma ahi mana ahayn goobjoog.  Waxaad maanka ku haysaa in guud ahaan ahaan labba AAG ay SNM u qaybisay hawlgalladeeddii kuwaas oo la kala odhan jiray Aagga Makka iyo Aaga maddina.

 

Sidaan taariikhda ku hayno hawlgalkani waxaa SNM isku agaasintay sidda tan:

 

B. Qaab-dhismeedka hawlgalka

…………

 

1.TALISKA AAGA MAKKA

1. 1Guutadda Sayid Cumar (3 urur)

1.2 Guutadda 20aad (3 urur)

1.3 Guutadda Sancaani (4 urur)

 

J.  Hogaamintii hawlgalka

……………………

2. Hogaaminta AAGA: Aaga Maka wuxuu lahaa:

– Taliyaha Aagga (1)

-Abaanduulaha Aaga (1)

Hawlgalinta Aaga(1)

3. Hogaaminta Guutooyinka: saddexda Guuto mid walba hogaankeedu sidan buu u dhisnaa:

– Taliye Guuto (3)

-Abaanduule (3)

-4 Taliye urur (10)

Guud ahaan 16 hogaamiye o kala sareeya ayaa saddexda guuto iyo ururada  hogaaminayey. Waxaa ka sii sareeyay hogaanka Taliska Aaga Maka oo 3 ka kooban. Waddarta hogaanku wuxuu ahaa 19 hogaamiye. Guud ahaan ciidaanku wuxuu ahaa qiyaastii 1400 oo askari. Saddexda Guuto middiiba 400 oo nin way ahayd. Waxaanay u sii kala jabaysay saddex urur oo  #celcelis ahaan urur waliba ahaa 100 ilaa 120 nin.

 

Waxaa xusid mudan in ay jirta wax la yidhaa “Guddi Dagaal/War Committee” taas oo ay xubnaheeda ka mid ahaayeen Muj. Maxamed Kaahin Axmed & Muj. Xasan Yoonis Habbane. Guddidaasi waxay kor-joogtaynaysay diyaargarowga, kaartadda iyo fulinta hawlgalka guda galka.

*************************

FG: Magacyadda Hogaamiyeyaashii AAGA, GUUTOOYINKA & URURADDA hawlgalka

 

Hogaanka Taliska Aaga Maka

Muj: Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne), Taliyaha Aagga

Muj: Maxamed Axm  ed Ibraahim (Dayib-gurey), Abaanduulaha Aagga

Muj: Cabdillaahi Askar, Taliyaha Hawlgelinta Aagg

 

Guutada Sayid Cumar waxaa hoggaaminayay mujaahidiinta kala ah:

1. Muj: Maxamed Cilmi Samatar, Taliye

2. Muj: Maxamed Xasan (Gacma-dheere), Abaanduule

3. Muj: Falastiini, Taliyaha Ururka 1aad

4. Muj: Cabdiraxiim Maxamed (Bidhiidh), Taliyaha Ururka 2aad

5. Muj: Cabdilaahi Shiine, Taliyaha Ururka 3aad

 

Guutada 20aad waxaa hoggaaminayay mujaahidiinta kala ah:

1. Muj: Axmed Dhagax, Taliye

2. Muj: C/kariim Xaashi Cilmi, Taliye-xigeen

3. Muj: Yoonis Cali Aadan, Abaanduule

Taliye ururo iyo taliye unugyo waxaa ka ahaa mujaahidiinta ay ka midka ahaayeen: Muj: Axmed-aakhiro, Muj: Cumar Iska-yimid, Muj: C/risaaq Daahir Dhidar (Beelo-guba), Muj: Maxamed-Dhako, Muj: Xuseen Cabdi Weerar, Muj: Rashiid-burur iyo Muj: Axmed Shire Guud-cadde.

 

Guutada Sancaani oo ay hoggaaminayeen mujaahidiinta kala ah:

1. Muj: Weerar/ Muj: Aadan Cadde, Taliye (Muj: Weerar wuxuu dhintay habeenkii ugu horeeyay waxaana kala wareegay Muj: Aadan Cadde)

2. Muj: Maxamuud Haybe, Abaanduule

3. Muj: Maxamed Ibrahim (Ina Qayliya) Taliyaha Ururka 1aad

4. Muj: Maxamed Gahayr, Taliyaha Ururka 2aad

5. Muj: Maxamed Koosaar, Taliyaha Ururka 3aad

6. Muj: Axmed Garow, Taliyaha Ururka 4aad