Qaabkii uu Faysal Cali Waraabe u Basaasay Kooxdii UFfO. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Faysal Cali Waraabe oo Muqdisho ugu xidhan is-dabamarin lacageed, ayuu Janaraal Gaanni oo ahaa taliyihii qaybta 26-naad ee gobolladii waqooyi 1981 (Soomaalilaan-ta maanta), wuxuu u tegay Maxamed Siyaad si uu Faysal ugu sii daayo. Faysal wuxuu ahaa saaxiibka dhabta ee Gaanni leeyahay. 1981markii la soo daayey waxa Faysal Hargaysa ku martiqaaday saaxiibkii Gaanni. Faysal wuxuu dhawr jeer la kulmay xubno ka mid ah kooxdii UFFO, ka hor intii aan la xidhxidhin.
= Kulankii Faysal iyo kooxdii UFFo: nuxurka uu Faysal kulankaasi ka sheegay wuxuu ahaa “Gaanni waa saaxiib igu dheer oo hore, naftayda ayuu badbaadiyey. Haddii aad si fiican u barataan, waad igu waafiqi doontaan hadalka aan idiin sheegayo. Wuxuu rabaa inuu barto dhallinyarta Isaaq, dawladuna waxa ay dagaal kula jirtaa Majeerteen, ee dagaal kulama jirto Isaaq. Gaanni wuxuu indho iyo dhego u yahay inadeerkii Siyaad oo wax badan ayuu u qaban karaan Waqooyi. Markaa aynu saaxiib ka dhigano, halkii aynu cadow ka dhigan lahayn. “
= Magacyadii uu gubdiyey: Faysal markii uu Muqdisho ku noqday wuxuu Gaanni siiyey magacyada laba nin oo uu ku kalsoonaa kuwaasi oo la shaqayn doona Gaanni. Gaanni wuxuu labadii magac u gudbiyey laamihii sirdoonka dawladda. Markii maxkamadda la keenay kooxdii UFFo labadii nin ayaa markhaati ahaan loo keenay, si ay eedaysanayaasha ugu marag furaan inay dawladda ka soo horjeedeen.
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.

Tixraac: Maxamed Baaruud Cali…..Weerane(2023)..Bogagga 74-76.