Qaabkii uu Maraykanku u kala badbaadiyey Meles iyo Mingiste ee Uu u Kala badbaadin kari waayey Caydiid, Cali Mahdi iyo Siyaad Barre. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Markii ay jabhaddii TPLF caasimadda Itoobiya ee Adiis u soo jirstay 60 kiiloomitir ayuu Maraykanku ku yidhi Meles oo jabhadda horkacayey halkaasi joog intaan Adiis ka saarayo Mingiste. Mingiste wuxuu Adiis ku haystay 100 kun oo ciidan isaga taabacsan, kuwaasi oo haddii magaalada loogu soo geli lahaa ku dhex-dagaalami lahaa. Janaraal Caydiid iyo ciidankiisii markii ay soo gaadheen Buulo-Burde, waxa xidhiidh la soo sameeyey sarkaakiishii Maraykanka ee safaaradii Maraykanka ee Muqdisho. Waxa ay ka codsadeen in Janaraal Caydiid halkaasi uu joogo inta ay Siyaad Barre dalka dibadda uga saarayaan.

Janaraal Caydiid wuu aqbalay codsigii Maraykanka. Waxa kale oo ay saraakiisha Maraykanku kulan kula yeesheen magaalada Muqdisho garabkii jabhaddii USC ee uu hogaaminaayey Cali Mahdi, waxa ay u sheegeen inay xidhiidh la yeesheen Janaraal Caydiid oo aanu ciidankiisa oo gelin Muqdisho intay ka hubinayaan bixitaanka Siyaad Barre. Maraykanku wuxuu jaahil ka ahaa dareenka qotadheer ee ka dhaxeeya beelaha Abgaal iyo Habar Gidir. Garabkii Cali Mahdi ayaa dhibsaday xidhiidhka uu Maraykanku la sameeyey Janaraal Caydiid, waxaana ka dhexguuxayey dareenka soo jireenka ahaa: ‘Muqdisho waa deegaan Abgaal. Waxa had iyo jeer idinku haystay beesha Habar Gidir oo Caydiid ka soo jeedo’.

Haddii uu Talyaanigu halka Maraykanka ku jiri lahaa wuu fahmi lahaa waxa dhexyaalla labada beelood. Garabkii USC ee Cali Mahdi hogaaminaayey ayaa is-tusay arrinta Maraykanku xidhiidh kula sameeyey Caydiid ay khatar ku tahay oo aanay sahlanayn. Sidoo kale markuu Caydiid soo galo Muqdisho uu dawlad ku dhawaaqi doono oo Maraykanku uu ictiraafi doono. Garabkii Cali Mahdi ayaa shiray oo madaxweyne u magacaabay Cali Mahdi. Ka dib garabkii Caydiid ee USC ayaa iyana madaxweyne u magacaabay Caydiid. Waana halkay ay wax ka qalloocsameen.  Haddii aanu Maraykanku kala dhexgelin Meles iyo Mingiste, Adiis waxa ay noqon lahayd sidii ay noqotay caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho ee ay ku dhex-dagaalameen jabhadihii iyo ciidankii dawladdii Maxamed Siyaad.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Amb. Xuseen Cali Ducaale “ Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed. V.2