Qabaa’ilka Soomaalida iyo Ka Sinnaanta Afar iyo Adeerkood (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Beelaha Soomaalidu waxa ay ka siman yihiin abtirsiinta afarta ilma hebel oo walaalo ah  iyo adeerkood, waxa aanay isku noqonaysaa shan. Waxa aynu soo bandhigi doonaa inta suurtagal ah ee qoraal lagu hayo. Dhammaan beelahan hoose wuxuu deegaankoodu ka bilaabmaa Soomaalilaan , Kililka Shanaad iyo Soomaaliya.

= Gadabuursi wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Samaroon iyo adeerkood Gobe

= Absame wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Absame iyo adeerkood Gelimeys

= Sacad Muuse (inta badan) wuxuu ka kooban yahay afarta ilma abokor iyo adeerkood Makaahiil

= Majeerteen ( inta badan) wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Maxamuud Saleebaan iyo adeerkood Cali Saleebaan

= Habargidir waxa ay ka kooban tahay afarta ilma Madarkicis iyo adeerkood Duduble

= Xawaadle wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Samatalis iyo adeerkood Awsan

= Mareexaan wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Amaanreer iyo adeerkood Xasan

= Mudulood wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Cismaan iyo adeerkood Hillebi

= Biyomaal wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Eremegge iyo adeerkood Dabruub

= Garjane Samaale wuxuu ka kooban yahay afarta ilma Saransoor iyo adeerkood Hoon

= Reer Xamar waxa ay ka kooban yihiin afarta ilma Banaadir iyo adeerkood Shaanshi

= Jareerweyne waxa ay ka kooban tahay afarta ilma Makanne iyo adeerkood Shiidle

= Begedi (deegaanka Awdheegle) waxa ay ka kooban yihiin afarta Abbaa-Abbaa iyo adeerkood Uraabane

= Luwaay wuxuu ku kooban yahay afarta Kulmis iyo adeerkood Miingaay

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah. 

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: C/qadir Aroma… Sababihii Burburka Soomaaliya (2005), bogga…123.