Qadiyadda Somaliland: Muuse maxaa la gudboon? (WQ: Axmed Cabdi Aadan)

Qadiyadda Somaliland

Bartan marka aan kaga hadlo caalamka waxa ka socda, sida:  Nidaamka bangiyada, “geopolitics-ka iyo Falsafada, dad baa igu odhan jiray Somaliland waxaasi kama shaqeeyaan; meeshan Afrika la dhahaa iyo meeshan qabyaalad baa taala.  Somaliland waa uun bogcad ka mid ah adduunka – dunnida ayaa ay la wadaagtaa waayaha ku xeeran.

Waxa aan saaka dareemayaa shacabka Somaliland in ku jiraan marxalad cakiran.  Siyaasiga Somaliland isagu xog fiican buu hayaa.  Dhawr qodob aan dul maro maalinkan maanta ah.

Caalamka aynnu ku nool nahay, waxa jira dad qabeeya hab dhismeedkiisa dhaqan dhaqaale iyo xuduudihiisaba.  Sida aad maqasheen waxa jiray wakhti “Westphalia” lagu shiray oo dan la mooday in laga hoos baxo maxmiyaddo, gaar ahaan Imbaraaliyaddii Romaanka.  Halkaas oo ay ka dhalatay, waxan loo yaqaan “waddan leh xuduud”. Heshiiskaas, waxa si dadban looga baxay lixdamaadkii qarnigii hore markii galbeedku ay u guureen nidaamka Globalisation-ka loo yaqaan.  Hadda, haddaba isbedel cir iyo dhul ah ayaa ku foorara dhammaan adduunka.  Isbedelkan oo dadka qaar ay ku naanaysaan Global 3.0,  waa nidaam saddexdii boqol ee malyuun ee ruux ee meel ku noolba ama illaa 500M loo samaynayo gobol dhaqaale ahaan isku xidhan – Economic Regional Blocs.

Maraykanku sidiisa ayuu gobol ku yahay, China sidoo kale, India-na kadaalig.  Canada waxa la raacinayaa Australia, NZ iyo qaybo yaryar oo kale.  Hindisahaas Britain ayaa ku badhi furtay, markii ay ka furfuratay Midawga Yurub.

Gobolaysi mise jaantuus cusub kuu noqon, dadka siyaasadda caalamka daba galaa waxa ay leeyihiin:  Xi Jinping marka uu ka faraxasho hargabka Wuhan ee uu awoodiisa bilaa xadka ah isku hubsado ayuu la kulmayaa Putin, India iyo Trump oo loo badinayo in uu soo noqonayo doorashada soo socota – Bernie Sanders laftiisu “America Bloc ma diidana”.

Odayaashaasi waxa la leeyahay, waxa ay samaynayaan “New Yelta”.   Yelta waa goobtii lagu heshiiyey markii u dhammaaday dagaalkii labaad ee dunnidu.  Putin ayaa aad ula dhacsan hindisahan, Trump-na kama arragti foga, bacdama oo uu haysto siyaasadda xidhxidhnaasha ku dhiaan “protectionism”

Caalamka isbedeladaasi ay ka dhacayaan ayaa aynnu qayb ka nahay.  Somaliland haddaba, waxa ay kusoo beegan tay iyada oo madaxweyne Biixi uu siyaasadda iyo odorooska dunnida kaga mashquukay beer iyo baloodh.  Mashquulkaas ayaa sababay in uu Biixi talada ka fogeeyo dadka indheer garadka ah, isla markaana uu isku hareereeyo odayaal daalay.

Madaxweyne Biixi haddaba si lama filaan ah ayuu afka uga galay qorshe aanu kasii samaysan ku talo gal.  Haddii lagu yidhaa “labbadda madaxweyne oo kaliya ayaa kulmaya, maxaa kaga meel yaal? Ethiopia oo ah saaxiib Somaliland ah oo aynnaan diidi karin codsiga inagaga yimaada, maka ogolaan lahayd in ay inna dhexdhexaadiso Somalia?   Su’aalahaas oo aanu isba waydiin ayuu afka iskaga shubay Addis Ababa.

Kulankaa ka qabsoomay Addis Ababa illaa hadda war cad madaxweyne Biixi kama uu soo saarin.  Arrimaha masiiriga ah sidaa u culus-na lama qarsado waa se khibrad yari hoggaamineed.  Dacaayad waligeed Xamar taalay ayaa ahayd:  Siyaasiga Reer Waqooyigu waa hanfade ku hafta ciyaarta jeesta marka ay gaadho One and one.  Biixi midhkii seegay waaka Saleebaan lasoo jarmaaday saaka.

Maanta iyo waxa jooga

Biixi waxa hor taala in uu u badheedho shacabka Somaliland oo uu qaato go’aan uu ku ogolanayo imaatinka Farmaajo iyo Abiy.  In uu ogalaado dambi maaha, balse waxa jariimad ah in uu hagi kari waayo, sida kulamadu u dhacayaan.  Barta lagu kulmayo iyo luuqada lagu wada hadlayo – taas weeye ta ku adag Md. Biixi.

Ta labaad ee suuragalka ah, waa in uu ku gacan saydho safarkaa qorshaysan sabtida.  Sida illo lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen, Muuse haddii uu diido safarkaas, waxa loo turjumanayaa “mushkiladu in ay tahay isaga” waana laga tashanayaa – waa arrin cawaaqib xumo keeni karta.

Farmaajo waa kuma

Farmaajo wuxuu iska dhigaa “nin qaran” lakiin cirka iyo dhulku inta ay isu jiraan ayuu u jiraa waddaniyad.  Waa garmaqaate; waa keligii toosane waana nin aaminsan qabaa’ilka yaryar halagu garaaco qabaa’ilka waawayn. Waa ninka Jaamacaddii Umadda farac ka mida ka furay Caabud Waaq, hadda faracii labbaad ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, waxa uu ka furayaa Badhan – ma xumo lakiin waa ficil qabyaladeed.

Farmaajo waxa uu dhibaato la furdaamin karo ku hayaa Axmed Madoobe, Puntland iyo mucaaradka Muqdishu. Ninka noocaas ahi, haddaba wuxuu ka illaad haystaa Xalane. Waraysigii uu siiyey Universal ee la sheegay in uu kusoo jarjartay Villa Somalia, waxa uu si diplomaasiyadda ka baxsan u weeraray waddanka Kenya. Waa run Kenya muran badeed baa kala dhexeeya Somalia balse, inta badan madaxweyne in uu carrabka ku balaadhiyo dal kale, waa amuur yaabkeeda wadata. Badheedhaha intaa leeg waxa loo fasiran karaa Md. Farmaajo in uu haysto Go Ahead Button.

Midaw Cusub

Somaaliya iyo Somaliland midkoodna hadda diyaar uma aha midaw hor leh in uu dhaco. Haddii talabadaas lagu degdego, in badan oo dambe ayaa laga shalayn doonaa. Illaa hadda Eritrea oo kasoo baxday go’doonkii, ma hayno wax isbedel ah oo ku yimid shacabkeeda.

Muuse maxaa la gudboon

Madaxweyne Biixi, Guddoomiya Cirro iyo Guddoomiye Faysal saddexduba arrinkan xog fiican baa ay ka hayaan waayo, Dr. Cirro Addis buu joogay markii kulanku dhacayey, Faysalna Imaraadka ayuu joogay maalinkii xigay ee Abiy-na usoo dhoofay Imaraadka.

Haddii arrinkan ay dhinac ka wada jogaan, saw markaa ma haboona in ay mideeyaan shacabka oo isman dhaafkii gudaha degdeg lo afjaro.

“Weakness” ugu weyn ee haysta Madaxweyne Biixi waa in aanu la socon caalamku barta uu marayo. Tusaale: Usbuucan waxa shaqada ka tegay Sajid Javid kadib markii ay isku dheceen la-taliyaha gaarka ah ee Boris Johnson.. Maraykanka wasiirka caddaalada dalkaas ayaa qarka u saaran in uu lumiyo shaqadiisa kadib markii uu faraha la galay ama waxba ka qaban waayey xukun ku dhacay Roger Stone oo wakhti dheer ahaa la-taliyaha siyaasadda ee Trump. Wakhti baa lagu jiraa “la-taliyahaagu” uu jaangoynayo siyaasaddaada.. Madaxweyne Biixi yaa la taliya? Ku darso oo dadka sida buugaagta ayaa la aqriyaa.

“Somaliland haka dheeraato degdeg.

Somaliland haka taxadarto in la shambadeeyo”. Waa labbo is diidan oo la rabo in la is waafajiyo.