Qalalaasaha iyo qaladaadkaa raagay waa khiyaamo saar qabiiloo cidkale ka quudsanayso (WQ: Axmed-yasiin Sh. Cumar Axmed Fure)

Nolosha fahankeedu maaha astaanta inta wanaagsan oo la muujiyo ama wadaad u eekow,ama aqoonyahan ama oday ama siyaasi laakiin in aqoonta kor loo qaado lana dhaqangaliyo oo aan la xambaarin buugaagta iyo sunaha wanaagsan si looga badbaado in quluubteenu noqoto weel madhan, Hadii weelkaagu madhan yahay waxkastaa way gali karaan waana la leexin karaa

Ma haynaa caqli iyo cilmi dawaynkara marxaladaha waqtigan lagu jiro adigoon cidkale u igman xalkeeda ?

Kaftanku waa dhextaal qurxiya sheekada laba iyo wax ka badani wadaagaan oo ka madhan xiqdi,xaasid,xumaan, cidkale dareen galiya balse

Dacaayadu waa hadalo xanaf badan oo damqa haasaawaha saxda ee bulshadu wadaagto waxayna bulshadeenu caado ka dhigatay in ay meel kasta oo lagu kulmayo sida baraha internetka iyo gole kasta ee dadka kulmiya lagu wadaago sheeko u badan dacaayad qabiil,qoys iyo qofba isu mariyaan waqti badana kaga dhaco waxay marxaladani saamayn ku yeelataa habdhaqanka qalbiga wanaagsan ee u baahnaa in lagu dhiso xuska alle iyo macaamilka wanaagsan ee bulshada waxaa halkaa waxyeelo badani soo gaadhaa qalbiga oo si fudud u haleela xanuuno ,xanuunadaasi waxay bulshada ku ridaan firdhad iyo argagax kala qaybiya nolosha jiritaankeedana hoos urida waxaa abuurma umad kala qaybsan oo koox koox isu qaybisa oo caqliyadooduna ku dhisantahay cid ku xumee waa god dheer oo sidii la inoogu qulaamin lahaa silsiladan loosoo dhigay waa waxaanad raali ka ahayn oo cunahaaga si xarago leh laguu marsiiyay hoos u daadag bal eeg sida wax usocdaan .

Mugga waxbarasho ee la inoosoo diyaariyay ee cidkale oo shisheeye dusha inaga soo saartay wali muraayad adigu kuu khaas maku eegtay?

Mise waxaa kuu muuqda taariikhda hebelo ehelnimo ka dhaxayso oo wixii dhacay dawo ugu jirin waaqica maanta?

Xanuunadan aynu sidii kiniinka la inoo liqsiiyay waxay khalkhal ku abuureen wada noolaanshihii umaddan wada dhalatay ee ehelnimo iyo islaamnimaba wadaaga waa xayndaab xumaan lagu seesay oo aan hal qoys oo hagaagsani kasoo bixi karin

Qofka marka xanuunkan lagu mudo wuu bukoodaa waxaana ku dhaca calaamadahan :-

  1. Xaqa oo uu arki waayo
  2. Xumaanta oo uu jeclaado ama wuxuu nacaa xaqa iyo wanaaga

Aqoonyahanku aan soo koobee wali wuu ku diirsanayaa waxaa dhib iyo yaab wadanka ka dhacaya ku darsoo wuxuu ka qayb qaadanayaa sarifaada iyo faafitaankeedaba bal amarkan iyo yaabkani bal amuurtan eeg waa gaadhi mishiinkii duqeeyay oo dushiisii (body-gii)la buufiyay lana qurxiya balse gaadhigaasi waa waxba kama jiraan .

Aqoontaada wali maku qiyaastay qaababka qarsoon ee la inoo qiyaamay waa waddan islaama oo runtii la diiday in ganacsiga ribaddu aanay ka hirgalin laakiin ufiirso world bank iyo Imf ayaa sikale Deeq (fund) dayn ah inoo siiyaa ribbo saaran tahay haye bal kawaran meelkale ayad wax ka eegtee soo soco oo aqoonta dhaqangali

Ninka isagu raadcaynaya inuu dantiisa uu dadkale ku gumaysto waa nin dantiisii baadigoobaya ceebna maaha marka laga eego dhinaca biniaadanka Waxaase ceebtu tahay qofka isagu dulman ee isagu cidkale ka raadinaya xal

Dadka badh way niyad jabeen markay arkeen umad haldoorkeedii dilaal wada noqday

Waxa qoray :

Axmedyasin Sh Cumar Axmed Fure

Refrence . Hadalada qaar xikmad badan waa kasoo xigtay Sh mustafe haji