Waxa jirtay tuulo aan xarun caafimaad lahayn oo ay mar walba dadkeedu gargaar la’aan halis ugu jireen. Haddii ay qof dumar ah fooli qabato meel kale ayaa loola carari jiray, qofkii uu dhaawac gaadhaana in uu dhiigbax u dhinto ayuu qarka u saarnaa. Dadka tuuladaa ku nooli waxa ay u ekaayeen sida dad ku nool meel if iyo aakhiro u dhexaysa.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa la isku dayey in tuuladii xarun caafimaad laga dhiso, dabadeed dadkii tuulada oo dhan baa meeshii yimid. Waxa ay si adag u sheegeen in aanay u baahnayn in xarun caafimaad loo dhiso, ee ay rabaan in qof dadweynaha tuulada ka mid ah xil dawladeed loo magacaabo. Markii ay intaa sheegeen na dadkii hawsha dhismaha u socday ayey u hanjabeen oo way kala eryeen!
Dadweynaha Soomaalilaan ee waqtigani dadka tuuladaas deggan ayey meelaha qaar uga eg yihiin. Arrimo badan oo waxtar leh ayey marar badan diidaan. Waxa ay ku sugan yihiin xaalad ‘Maxaa dan ah?’ iyo ‘Maxaan dan ahayn?’ aan la is weydiin. Mar walba wax bay diidaan, hase yeesho ee waxaa ay diidayaan wixii ay ku doorsan lahaayeeni uma cadda!
Dadka waxa u wanaagsan intii ay dowddarnimo ku sugnaan lahaayeen, ama ay dawshad iyo buuq samayn lahaayeen, in ay si sharaf iyo waddaniyad leh dalkooda uga shaqaystaan, xukuumadda hadda jirta ee cusub na ay hawlaheeda u daayaan, oo ay la shaqeeyaan isla markaasna aanay wada siyaasi noqon!
Laakiin in sidaa fiican la yeelo waxa ay in badani ka dooratay axmaqnimo iyo in ay meelahaas macnadarro la taagtaagnaadaan, waxayna marar badan ku dhiirradaan in ay waxqabadka miiggan ee xukuumadda ka beensheegaan!
Guud ahaan dadweynaha reer Soomaalilaan waxa la gudboon in ay hawlaha u yaalla ku toosaan, oo ay danaha guud na dadka u xil saran u daayaan. Haddii ay sidaas yeeli waayaan waxa ay noqonayaan dad doontii uu Cabdillaahi Suldaan “Timacadde” sheegayey oo kale ay caqliga ka saaran tahay, waxayna halis u noqonayaan adeegsiga dadka damaca kursi-doonku uu meesha xun la marayo!
Axmed Iid Aadan