Qarannimada Somaliland: Qadiyad hirgal ah se ku-dhac dheeraad ah u baahan (WQ: Siciid Maxamed Axmed)

 

Danbi iyo dakano midina iga raaci maayo, haddaan 18 May ku tilmaamo Dharaartaynu dhaanay tii aynu dhacanay! 1960-kii bishii Juun dhammaadkeedii waa tii aynu guddoonay gobonimadii aynu ka doorsanay gunnimadii gumeysiga iyo gadh-wadeenimadii dawladnimo ee Ingiriis.

Iyadoon la baxnaanin guushii gobonimo ee habeen-dhaladka ahayd; kaaga sii darane; iyadoon xus iyo xasuus-wadareed lagu maamuusin geesiyadii tirada iyo tayadaba badnaa ee u leeday soo dhicinta xornimadii baadiyawday guyaasha iyo guyaasha, ayaa judhiiba loo hanqal taagay ka midho-dhalinta riyadii hagaastey ee aasaaska “Wadaag-dawladeed iyo mid qaranimo oo ay yeeshaan 5-ta Soomaaliyeed ee Geeska Afrika.

Riyadani habeenoo dhan dhammays bay u muuqan jirtey, dharaaroo dhanna dhicis iney tahay bay bidhaan ugu muuqan jirtey dadka intiisii indheer-garadka ahayd. Markaasaa qoladii Riyadaas su’aal ka keentana la ciili jirey….. Qoladii u sacabo-tuntana la quweyn jirey loona qusheeci jirey! Xaalku markaa qolooyinka hore waxa uu u ahaa “Dadka ninkii u il-dheerbaa u ayaan daran!”..Qolooyinka dambena waxay u ahayd “Shidanaaba shidan!”

Dad badan baa yidhaahda Midawgii ma xumayn oo waa lama huraan inay Soomaali isu-timaado. Se waxaaba taas ka horeysa su’aasha ah: Xornimadii dawladeed ee garawshiyaha ka heshay bulshada Caalamka ee Somaliland hantiday 60-kii, miyaanay, iyaduba, ahayn xornimo iyo qaranimo Soomaaliyeed oo mudneyd in la baxnaaniyo, la buuleeyo si loogu badbaadiyo Soomaalidii kale ee Geeska ku uunnayd kuna kadeedneyd? Maxaa iyadoon afartan bixin loona sahan tagin, sidii sahalka ahayd (ha i xasuusinin muraaro dilaaceeda!) loogu sadqeeyay, sidiiyoo ay ahayd waxaan sii ridnayn oo sumuni lagu gatay!? Bal adba! Halkee laga maray murtida tidhaahda: “Midho Guntiga ku jira kuwa Geed saaran looma qubo? Iyo ta kale ee tidhaahda: “Tiisaba daryeelaa, tu kalana ku dara”….

Si kastaba ha ahaatee, waa taasoo 26-jirsatay dib-u-curashadii dawladnimo iyo qaranimo ee Jamhuuriyaddii Somaliland ee 1960-kii dhalataye, maxaa maantaba reer Somaliland la gudboon?

Jawaabtu maaha mid aan ku dag-dagayo sababtoo ah way ka buuran tahay, ka balaadhan tahay, kana baaxad iyo burjiba weyn tahay wax qof kaliya isagoo cadaysimo ah inuu kusoo koobo kelmado kaskiisa oo kaliya kasoo go’ay! Sidaas daraadeed, wuxuun baa ka asal ah oo mudan in aalaaba la isa su’aalo, loona midoobo oo loo mataanoobo in laga jawaabo, su’aalaha ah: Maxaa Somaliland la gudboon 26-sanno ka dib dib-u-curashadii dawladnimadeeda? Maxaase u banaan si ay madax-banaanideeda iyo milgaheeda qaranimaba, tisqaadee, u itaalsadaan; oo waliba si buuxda ugu tamariyaan???

Mandaqada Geeska Afrika is-badalo siyaasiyadeed, dhaqaale iyo aragtiyeed ayaa mar kasta kusoo kordhaya. Adduunku wuxuu u wada hanqal taagayaa sidii Mandaqada uu wax ula qabsan lahaa, kheyraadka badan ee badeed iyo barrina ee halkaas yaalana wax uga heli lahaa! Taas badalkeeda maxaa dal ahaan, innoo qorsheysan, sidaynnu danayntaas korodhay uga faa’iidaysanaynaa?

Dalka aynnu jaarka nahay ee Ethiopia waxa uu garwaaqsan yahay muhiimada ay Somaliland u leedahay xasiloonidiisa iyo horumarkiisa! Sidoo kale waxaan caad ka saarnayn aragtida 5-Soomaaliyeed oo dal wadaagaa inaanay sahlanayn, mandaqada Geeska Afrikina aannay qaadi karin wixii ka yimaada ka dhabaynta aragtidaas. Sidaas daraadeed, sidee Somaliland ugu diyaarsan tahay ku qancinta jaarkeena in aqoonsigeedu faa’iido u tahay dalalkaas iyo iyadaba?

Ma maqli jirtey: “Nin la sugayoow, yaad sugi”?.. Jawaabtu waa ADIGA Muwaadin/ad!

WQ: Siciid Maxamed Axmed

Hargeysa