Qayb kooban oo ka mid ah buugga Xog-ogaalnimo ee Jaamac M. Qaalib.
Qaybtan koobani waxa ay ka mid tahay xogaha badan ee buuggaas ku duugan, oo si gaar ah uga hadlaysa warqad uu Ambassador Cawil C. Ducaale ku sheegay buuggiisa Raadraac Taariikheed, taas oo Cawil uu sheegay in Cigaal loo soo diray ka hor midowgii Hargeysa iyo Muqdisho ee 1960, oo weliba looga digay midnimada. Jaamac si balaadhan ayuu buuggiisa Afsoomaaliga ku qoran ee Xog-ogaalnimo ugu naqdiyay ama ugu jawaab-celiyay buugga Cawil iyo midkii Cabdilaahi Yuusuf ba, kana hadlay qaladaad taariikheed oo ka buuxa sida uu soo taxay. Buuggaas Xog-ogaalnimo qaybo kooban ayaa ilaa hadda la daabacay waana lagu kala tegay, waxa uu se laba maalmood ka hor Jaamac ii sheegay in buuggaas xoog loo soo daabacaayo, waddanka iyo debedda na la geyn doono.
Al-muhim, imika qaybtan yar ee waraaqda Cawil sheegay ka hadlaysa ayaa aan idinla wadaagayaa. Sababta aan sidaas u yeelay waa iyada oo usbuucyadii la soo dhaafay ay facebook wareegaysay sheeko ku saabsan waraaqdaas Cawil laga maqlay. Si xog isu dheeli tiran loo helo, waa in la isla helo warka Cawil iyo jawaabta laga bixiyay ba, ka dib na la qiimeeyo labada oday ba waxa ay qoreen.
Buugga Xog-ogaalnimo:
Soomaalidu waxa ay tiraahda beenaaluhu (been lowgu) waxa uu marag u qabsadaa cid maqan ama dhimatay. Cawil waxa uu buuggiisa, bogga 34aad, ku sheegay in Maxamuud Cabdi Nuur, (oo Cawil ugu yeedhaay Maxamed), oo loo yiqiin, โJuujoโ, warqad u soo diray Maxamed Ibraahim Cigaal, oo ugu soo dhiibay Carab Ciise Xayd iyo Maxamed-Gurey Sheekh Muuse. Afartaas nin ee Cawil magacaabay ba waxโay dhinteen, Alle ha u wada naxariistee, ka hor ย qoraal kii ย buugga Cawil. ย Sida Cawil sheegay warqaddaas, aan se run noqon Karin, nuxurkeedu waxa uu ahaa sida soo socota:
โWaxan idin ku la talin lahaa:
(a) in aydaan na soo raacin;
b) Soomaali caafimaad qabta oo aad ku soo biirtaan halkan ma joogto;
t) ย Haddโay noqoto in aydin nagu soo biirtaan, hal jago oo bannaan ha noo la i manina, halkan Soomaalidu ma ka xishoonayโaan in ay jagooyin-kaas wada qaataan;
j) 6da jago ee ay wasiiradii Ingiriis ka ku fadhiyeen soo wada buuxso;
x) 6da kursi ay Ingiriis ku kaga jiraan Baarla maanka soo wada buuxsoโ.
Dhamaan waxa Cawil sheegay waa been abuur aan assaas lahaayn.
Marka ugu horraysa, qof siyaasad wax ka garanayey, sida Maxamuud Cabdi Nuur oo kale, wax sidaas u ek ma qoreen.
Marka 2aad, Maxamuud Cabdi Nuur iyo Maxamed Ibraahim Cigaal isma aqoon, warqad caynkaas oo kalena waxa isu qori karay laba aad isu taqaan, oo aad isugu kalsoon.
Marka 3aad, Maxamuud Cabdi Nuur waxa uu ka mid ahaa madaxdii Xisbigi SYL, oo xornimo iyo midnimo Soomaaliyeed muddada dheer u soo halgamay, ma na ahyn kii oran lahaa โha na soo raacinaโ, iyo wax u dhow toona.
Marka 4aad, Maxamuud Cabdi Nuur wax uu ka dhashay beelaha Dir, oo ay aqlabiyaddoodu ku noolaayeen Soomaali galbeed iyo waqooyi, koofurna lagaga badnaa. Ma jirin, sida la fili karay (conventional wisdom), wax uu ka jeclaan lahaa in Soomaalida waqooyi oo badan koodu Dir aha, ay la midoobโaan walaala hooda koofureed oo uu ka mid aha.
Marka 5aad, ma jirin niman Ingiriis aha oo ku fadhiyey kuraasi Baarlamaan ee Somaliland. Xubnihii Baarlamaan oo la soo doortay 18 Feb. 1960 waxโay wada ahayeen Soomaali. Bal Cawil ha sheego meelaha Somaliland ka mid ah oo niman Ingiriis aha laga soo doortay? Waa marka 6aad eh, ma na jirin lix jago wasiirro Ingiriis ku fadhiyeen. Waxโay ahayeen saddex lagu magaccabay xilalkii ay hayeen doorashooyin kii ka hor ย (Ex-officio ministers), oo dawladdii la dhisay doorashooyin kii kaddib Wasiiradeedu ba wax ay ahayeen toddoba (7) keliya, oo ay afar Soomaali ahaayeen.
Ha se yeeshee, Maxamuud Cabdi Nuur waxa uu ka mid ahaa waftigii Baarlamaan kii koofureed oo uu hoggaaminayey Afhayeenkii Baarlimaan koodu, Aden Cabdulle, oo Hargeysa u yimid kaqaybgalka dabaaldeggii xornimadii Somaliland ee 26kii June 1960. Waxโan maqlay in uu Maxamuud Cabdi Nuur mar kaas ku la taliyey Maxamed Ibraahim Cigaal in ay kordhistaan tiradii xubnihii Baarlamaan kooda ee Somaliland, israaca ka hor. Laga yaabee in uu Cawil intaas maqlay, kaddib na waxa uu doona ba is kaga darsaday. (Dhamaad)
Ugu dambayn, intaas buugga Jaamac ku jirta waxa aan raacinayaa in kooban oo xidhiidh la leh. Maxamed ahaan waxa uu Jaamac igu yidhi โ labada oday (Carab Ciise iyo Gurey Sh Muuse) ee uu Cawil sheegay in waraaqda noocaas ah loo soo dhiibay, iyo Maxamuud Juujo, oo uu sheegay in u yahay qofka waraaqda soo qoray, in uu saddexdaba la kulmay oo ay saaxiibbo aad isugu fiican ahaayeen. Jaamac waxa uu yidhi โ odayaashaas oo aanu sheeko wadaag ahayn, muddo dheer na is naqiinay, abidkood ma ka maqlin iyaka oo waraaq caynkaas ah ka warramaaya. Dabiici ahaan sida dadkeena lagu yaqaan, waraaqda ninka qoray iyo kuwa sii qaaday ba waxa ay ahaan lahayd wax ay si uun uga sheekeeyaan, gaar ahaan xiliyadii dambe ee saluuggu soo baxay.
Hadaba, akhyaareey maxaa idiinka baxay meeshaas?