Qaylo-dhaanta Cabdilaahi Jawaan: Sax mise Khalad (WQ: Cabdiraxmaan Caydiid)

 

Marka Hore Mahad Oo Dhami Eebe Ayay U Sugnaatay, Nabadgelyo Iyo Naxariisina Suubanaheena Muxammad. Marka Xiga Waxaan Salaan Diiran Hawada U Marinayaa Bahda Saxaafadda Iyo Qof Kasta Oo Qoraalkaygani Soo Gaadho.

Waxaan Daawaday, Shirkii Jaraa’id Ee Uu Qabtay Latalihyihii Madaxweynaha Ee Arimaha Doorashooyinka Iyo Axsaabta Mudane Cabdillahi Jawaan. Runtii Arimo Dhowr Ah  Oo Dhismaha Qaranka Halbawle U Ah Ayuu Taataabtay. Laba Shay Baase Ugu Muhiinsanaa Waxyaalihii Uu Sheegay.

Midda Koowaad Waxay Ahayd In Wadanka Uu Wasiir Xukumo Iyo Cid Aan La Dooran. Midda Labadna Waxay Ahayd Inuu Sheegay In Guddidii Doorashooyinka Ay Yihiin Kuwo Wax Qarsanaya, Hawshoodana Aan U Madax Banaanayn, Taas Oo Shaki Weyn Dadka Ku Abuurtay.

Arimahan Uu Ka Dhawaajiyay Waa Kuwo Aad U Cul-culus.  Su’aal Baa Markaa Imanaysa. Arimaha Uu Sheggay Cabdillahi Wax Ha Ka Jiraan Ama Yayna Ka Jirine Miyay Ahayd Inuu Sidaas Qayaxan Isula Soo Taago Saxaafadda? Aniga Aragtitayda Waa Sax In Qofku Wixii Uu Dhalliil Hayo Uu Saxaafadda Ka Sheego Marka Ay Toosinayso wixii khaldamay, Haddii Se Ay  Wax Duminayso In Wadiiqooyin Kale Loo Maro Ayaa Ka Habboonayd.

Cabdillahi Hadalkiisa Markaad Dhuuxdo Waxaa Ka Dhadhamaya Ama Loo Fasiran karaa sidii inaanay Xukmmadi Jirin oo kale, Mar Haddii Taladii Cid Aan La Doorani Gacanta Ku Hayso Oo Kutasarufayso, Isla Markaana Uu Tilmaamay Komishan Xalaal U Shaqaynayaa Oo La Aaminaa In Aanu Jirin (Waa Sida Hadalka Mudanaha Biyodhaciisu Ahaaye).

Runtii Cabdillahi Dadkii Dhulgariir, Naxdin Iyo Jihawareer Ayuu Ku Riday. Somalidu Waxay Tidhaa Nin Weyn Iyo Umuliso Toona Siday Wax Au Ogyihiin Wax Uma Sheegaan. Waa Runtood, Asturaad Ayaa Loo Baahayahay Markay Arintu Masiir Umadeed Taagantahay. Mararka Qaarkood Runtood Sheegtaa Hadday Wax Duminayso Inaad Iska Aamusto Ama Si Ladifan U Sheegto Ayaa Ka Wanaagsan (Truth Economisation).

Arintani Waxay Gaas Kusii Shidaysaa Duruufihii Markii Horeba Somaliland Haystaay, sida Doorashooyinka Kolba Dib U Dhacaya, Abaaro baahsan Iyo Xisbiyo Gaboobay Oo Xaroobay Oo In La Qashinsaaro U Baahan, Iyo Qaar Kaloo Badan.

Gunaanand

Waxaan Kusoo Afmeeri Lahaa.

  1. Arimaha Oday Cabdillahi Afkiisa Soo Dhaafay Eegasho Ma Leh, Waa In Dhaqdhaqaaq Degdeg Ah Oo Wax Lagaga Qabanayo La Sameeyo.
  2. Komissionkani Maadaama Sida Muuqata Kalsoonidoodii Mugdi La Geliyay, Dhaawac Ayay Qabaan, Sidaas Darteed Waxa Fiican In La Kordhiyo Tiradooda Iyadoo Gobolada Iyo Beelaha Dareensan In Aanay Ka Muuqan Mudnaanta La Siinayo, Taas Ayaa Kalsoonida Wax Ka Tari Karta Ayay Ila Tahay.
  3. Komisshinku Kalsoonidii Inuu Soo Ceshadaa waa Daruuri, Haddii Kale Xilka Hayska Dhiibo Oo Ummaddii Dooratay Ha Usoo Celiyo

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Caydiid

Marsada Berbera laba laysku heli maayo

Taageeridda mudaharaadka London (UK) xisbiga Waddani miyuu ku saxsanaa?

Saldhig Milatari – Ictiraaf ma gooyaa? Q2aad

Saldhig milateri: Xul mise xal? 

Dhawaaqu ha gaadho meel dheer

Adigu haddaad Jamaal tahay maxaad yeeli lahayd

Dhaawaca Waddani intee buu hoos u qodan yahay?

 

Allaa Mahad Leh

Cabdiraxmaan Caydiid

Abdiaideed11@Gmail.Com