Qisadii hanfede iyo haad ka roor (WQ: Cali Xasan Maxamed “Cali Mareexaan”)

Nin fule ah ayaa beri col duulay raacay. Muddo ayaa jidka lagu sii jiray. Wax la sii socdaba ciidankii dhinaca kale ayaa laysu muuqday ninwaliba wixii uu ku qalabaysnaa ayuu faraha ka saaray. Ilbidhiqsiba intaanay socon ayaa fulihii sanqadhii hayn waayey. Isaga oo firga-naxsan ayuu maqlay nin agtiisa ka leh “waar ku kaca..  ku kaca”. Ilaahay wuxuu uga dhigay; yaaca. Caguhuu wax ka deyey.

Qorigii iyo saadhkiiba wuu tuuray (weliba ninkaasi nin sheeko badan oo fawfawle ah ayuu ayaa markiisii hore). Isaga oo kabna lulaya kabna laalaadinaya ayuu beeshii ku soo dhex dhacay.

Waar bal waran ayaa lagu yidhi,  “colkiina wuu jabay  cid iga danbaysana arki maysaan” ayuu yidhi. Abaanduulihii ka waran ayaa lagu yidhi “ninkaa in nolol lagu qabtay ayaan u malaynayaa” ayuu yidhi. Oo qorigaagii iyo shaadhkaagii meeye ayaa lagu yidhi. ” Qorigii markii rasaastii iga dhamaatay ayaa layga furtay shaadhkiina ifisadii ayaa ololisay oo dushayda ayuu ku shufbeelay, ayuu yidhi.”

Dhiilada ayaa dhinac walba is qabsatay!

Laakiin  labadii col iskumay ba raagine kii uu ka soo cararay ayaa markiiba guulaystay. waxay soo guryo noqdeen iyagoo furkii, xoolihii iyo hub noocwalba sitta.

Hubka ay sitaan waxaa ka mid ahaa qorigii uu ka soo cararay oo rasaastiina ka buuxdo oo ay dhexda ka soo heleen oo shaw uu cidla ku tuuray oo is yidhi yoolkiisa yaan laguu soo raacin iyo shaadhkiisii oo ay geed bilcil ah ka soo furfureen oo malaa markuu cararayey hirigtii marada kala hadhay.

Yaab iyo afkala qaad ayaa meshii ka dhacay.

Waxaa aad iyo aad arinkii uga xumaatay ninkii fulaha ahaa xaaskiisii, oo waayo wuxuu lahaa hablo badan oo waxa markiiba gabadhii u muuqatay magac xumada uu hablihii usoo jiiday iyo sida aan naanaystaa xumi weligii uga hadhayn.

Beri danbe ayaa nin dagaalkaa wacdaro ka gaystay lagu yidhi ” oo Ducaalow awel dagaalkaa miyaanad ku jirin” Dabadeed ninkii waa gabyey isagoo is sheegaya fulihiina sii jiidhaya wuxuu yidhi.

“Col la humiyey hiirtii

Markii guluf la heenseeyey

Halhaleel markii aan Sengaha

halabsi boodaysay

Hanwadh iyo sidii roob

Markii hugunku yeedhaayey

Hebel yaa lahaayey iyo

Markii hiifku  dami waayey

Hanfadihii saleebaan

Markuu dhamacda haywaayey

Markuu haad ka roorkii

Baqaha hirigta jiidhaayey

Col hortii markii uu jabaye

uu dhinacna hayn waayey

Hugii uu xidhnaa iyo markuu

Haylahaba tuuray”

 

Hor ilaahay waataan

Dagaal haabada u galayoo

Hugunkiyo rasaastii

Markii hanaqa lays gooyey

Waataan hamaansaday

Sidii hooliflaha aare.

Waataan haleedada irmaan

Heelka soo tubaye

Aniga haydhaf mooyee nin raga

Ways hunda ogayn.

Ninkaa  waxaa la mid ah afarta haad ka roor oo iyada oo aan colkiiba isu muuqan durba hungurigu sanqadhayo oo dalkoodii iyo dadkoodii oo buuxa aamini waayey oo iminka meelahaa ka leh dadka yaan cidla lagu oodin.

Su’aashu waxay tahay goormaa Somalilanda cidla noqotay koonfurina barwaaqo sooranka janadii ka ifbaxday ay noqotay? Somaliya miyaanay ahayn tan inala saarka ah ee subax walba waxa ka socda aynu xog ogaalka u nahay.

Fulaha waxaa lagu yaqaanaa awoodda dhinaca ka soo horjeedaa haysto ayuu ka waramaa, cududiisu uma muuqato si kasta haduu u xoogwayn yahay.

Waxaad ku garaynaysa  wuxuu had iyo jeer ka waramaa dawlada Faraamjo ciidan ayaa loo soo tababaray, dayntii ayaa laga dhaafay hawadii ayey maamulaan.

Kuwaa waxaan leeyahay bal isba bar dhig  sodonkaa  sano ee SOMALI i kala maqnayd Somaliland iyo Somalia. Ninka sodankaa sano halshir oo nabadayn ah oo gudihiisa u taag  waayey oo qabsan kari waayey iyada oo weliba  aduunka oo dhami maal iyo xoolo la daba joogo afar meel wada fadhiista la waayey,

Inaguna nabadayn, hubka dhigis, dhisme nidaam dawladeed oo dhamays tiran oo casri ah, samayta nidaamka xisbiyada badan, nimaad doorasho qof iyo cod, dhisida nidaamka wax barasho oo boqolaal kun oo arday ahi ay dhigtaan waxbarashada dawlada, diyaarinta shuruucda dawladeed oo dhinac walba leh, ( sida loogu dhaqmo gudaheena waynu ku kala aragti duwanaan karnaa), laakiin waxaas oo dhisme iyo tacab ah ayeynu muddadaa ku guulaysanay.

Waxaa inoo dhisan ciidamo ka xoog wayn shanta maamul goboleed iyo dawladoodaba oo ka khidrad iyo tababar fiican.

Waxaa mudan in loo mahad celiyo masuuliyiintii dawladihii kala danbeeyey iyo madaxdii dhaqan ka ee waxaas inoo dhisay ee inaga badbaadiyey fawdada sodonkaa sano gobolka geeska ka socotay.

Iyagu hadda ayey miisaskii iyo xafiisyadii isu gaygaynayaan. iminka ayaa Muqdisho laga bilaabaa iskuladii dawlada ee u horreerey,

Markaa waa in aad ku faantaa markii Somalidii kala tagtay cidda keligood tashan kara Somaliland ayuun bay noqotay.

Ugu danbayn, dawladu waa in ay ku dhaqaaqdaa qorshe ay dadwaynaha codkooda iyo cududoodaba ku midaynayso shacabkuna waa in ay is ka celiyaan dilaaliinta laga dhex hadlayo ee tashuushta kula dhex wareegaya.

Nimankaa haad ka rooradana waan leeyahay inantii dhaantada qaadaysay waxay tidhi HACABSAN CABDIYOW COL MA JOOGEE, DIRGAX.