Qisadii kunka diinaar iyo damaaciga! (W.Q. Cabdiqani Maxamed Cige)

Mar kasta oo aad dhugato baalasha iyo bogga taariikhda dunida, mar kasta oo aad dabciga dadyawgii dunida soo maray dib ug fiirsato, waxa aad helaysaa qisooyin cajab badan oo aan damaacina ka madhnayn.

Qisadan kooban waxa aynu ku eegi doonaa nin damacu la galay xoolo nin kale leeyahay oo isu waalay dharkana u jeexjeexay sidii uu ku heli lahaa maalka ninkaas.

Soomaalida ayaa ku maahmaada “hebal waa xoolo cir doon”, inta uu kuwii dhulka dhaafay ayuu cirka damacu la koray. Waxaan filayaa in ay tahay sifayntii ama tilmaamiddii ugu sarraysay ee damaaciga lagu astayn lahaa. Inta uu xoolihii dhulka oo dhan dhaafay ayuu doonay wixii cirka sare yaalay… alla ninku damaacisanaa! Waxaan ku rajo weynahay in aanay jirin luuqad kale oo damaaciga sidaa u sifaysay. Waa arrin u baahan in daraasad qoto dheer in lagu sameeyo luuqada Soomaliga iyo sifaynaha ay leedahay .

Qisadan waxa soo saaray Imaam Al-Cajluuniyi kitaabkiisa “Al-fawaa’id Aldarariya.” Waxa sidoo kale kitaabkiisa “Taariikhda Imaam Al-bukhaari” ku soo saaray Sheekh Cabdisalaam Al-mubarikfuuriyi. Qisadu waxay ku bilaabmaysaa sida tan:

Maalin ka mid ah maalmihii uu Imaam Al-bukhaari ku jiray socdaalkiisii cilmi-doonka ahaa ayuu fuulay dooni. Imaamka waxa socdaalka badda ah ku wehelinaya dad badan oo doonta la saaran, dadkaas waxa ka mid ahaa nin damaaci ah oo waliba xeel yaqaan ah. Waxay doontu socotaba, dadkiina midba meel ku dhacaba, ayaa waxa Imaam Al-bukhaari u soo dhawaaday walaaltinimo iyo kalgacal badana u muujiyay nin ka mid ah dadkii doonta saarnaa. Imaamkuna kama uu fogaan ee wuu soo dhaweeyay oo jecelaaday kana dhigtay rafiiqiisii doonta.

Imaam Al-bukhaari oo lagu yaqaanay inuu ahaa Fiqiga Xadiiska ee ummadda Muslimiinta ah sida uu tilmaamayo Naciim binu Xamaad oo aad wada garanaysaan, wuxu soo dhawayntii u raaciyay inuu haysto “kun diinaar” oo ay ugu jirto kiishadaas yar.

Haba tusin lahaydaa! Ninkii lacagtii ayuu damaaciyay lakiinse waxa uu damacay inuu xeelad ku qaato.  Markii xogtaas la is dhaafsaday, halkii loo socdayna aanay fogaynba, ayaa gabbalkii dhacay oo dadkii doonta saarnaa hurdo galeen si daalkii maalinkaa looga nasto.

Habeenkaas dadku seexday nin baanay hurdo ahayn lakiin ay u tahay fikir iyo soo-jeed, waa ninkii damaca waalnaaye. Markii waaga barigiisa lagu dhawaaday ayuu bilaabay qaylo, oohin iyo inuu dharka isku dul jeexjeexo oo muraaro-dilaac la murugoodo. Dadkii doonta saarnaa ayaa la yaabay waxa weyn ee helay ninkan. Waxa la waydiiyay waxan xalay la soo darsay ee uu ka qaylinayo. Maxaa ku helay ee aad la murugaysan tahay ayaa lagula boobay?

Dadku wuxu ka yaaban yahay waxa ku dhacay ninkii nabad-qabka ku seexday..! waxa uu yidhi waxa i helay baa i helay? Waxaan ahay nin safar ah oo sahaydii uu sitay la dhacay. Waxaan sitay “kun diinaar” oo bushqad yar iigu jirtay mana hayo ee ii raadiya….!

Mar kaliya ayaa la is wada eegay oo la wada amakaagay. Waxa laga wada yaaban yahay cidda lacagtan qaadatay. Imaamkuna waa yaaban yahay oo waatan kunkiisii loo soo dhigtay, damaacigu ilayn waa kan oo kale. Wakhtigaas kun diinaar waxay ahayd sahay aad u badan oo aan si fudud looga samri karin, nin socota ahna hadalkiisaba daa.

Bal waxaad xusuustaa qisadii Maxamed Nuur Fadal AHN iyo nimankii damacoodu siiyay inay dilaan ninkii sooryada wacan siiyay si ay reerkiisii iyo maalkiisii ugu hadhaan.  Waa kii  Abwaan Fadal lahaa:

Nimankaan lo’daydii casayd laanta ugu duugey
Nimankaan dukaamada lukiyan laba labaw siiyey
Wax la liqiyo xoolaba kuwaan uga laxaad yeelay….

Mar kale waa kii lahaa;

Wax Laasima nin liitiyo haween laaxinkood badaye
Libgad iyo abaalxumona waa ‘law’ u gooniyahe
Afar, labo, lix goor buu sidaa iiga loogsadaye.

Waa gabay ku soo dhaca mar kasta xusuusta oo aad maqasho abaal cid loo galay oo aan sideedii u gudin, sida ninkan oo kale ayay soo dhawayntii loo sameeyay ugu beddeleen mur iyo deebaaq.

Falanqayn gaaban ka dib dadkii waxa ay go’aansadeen in qof qof doonta loo baadho oo qof kasta halkiisa loogu tago, si wixii jira badka loo keeno. Waxa la bilaabay in mid mid loo tiriyo. Imaam Al-bukhaari oo og lacagtiisa kiishka ugu jirta ayaa badda raaciyay kunkiisii diinaar si uu uga fogaado tuhumo iyo in loo garnaqo damaacigan. Sidii loo tirinayay ayaa la soo gaadhay Imaamkii waxbana lagama helin. Dadkii kalena  waxba lagama helin.  Kadibna dadkii doontu inta ay ninkii ku noqdeen ayay nacdal dusha uga tuureen oo handadeen.

Markii doontu beriga timi oo dadkii ay doonta ka dageen ayuu ninkii Imaam Al-bukhaari u tagay oo ku yidhi “xagee ayaad gaysay kunkii diinaar?” Waxa uu u sheegay in uu badda raaciyay.

Yaa..yaa.. badda ayaan raaciyayaa, isagoo ninkii qaylinaya ayuu yidhi “oo sidee ayaad uga samirtay waxaas oo maal ah?

Marka uu maalku miqyaas kuu noqdo waa sidan oo kale. Imaamku waxuu ku yidhi “Jaahilyahoow miyaanad ogayn in aan noloshayda oo dhan aan ku bixiyay ururrinta axaadiistii Nabigeena suuban NNKHA oo ay dunidu baratay caddaaladdayda iyo run sheegayga. Sidee bay iiga suurowdaa in aan naftayda u bandhigo tuhmo lacageed, miyaanay kunka Diinaar iiga qiimo liidan in tuhmo la ii qabsado? Haa way iiga qiimo liidataa, sidaas ayaan badda u raaciyay kunkaas Diinaar.” Sidaas ayuu ninkaasi taariikhda ku waayay inuu noqdo nin bukhaari lacag kaga murmay oo loo garqaaday.

Waa qiso ku tusinaysa xaalaal-miiradkii iyo ka fogaanshihii tuhumada ee Imaam Al-bukhaari. Sidoo kale waa qiso ku tusinaysa damac-xumidu in ay gaadhsiin karto qofka meel halis ah. Waa qiso la bah noqon karta qisadii beerta ee ku jirtay Suurtul Kaaf ee laba nin ku saabsanayd ee mid ka mid ah damacu qaaday kuna baanay ragg iyo maal inuu dheer yahay ka kale. Waa qiso ku soo aroortay qur’aanka oo cibro badani ku jirto.

Ramadaan Kariim

Cabdiqani Maxamed Cige

http://abdiqaniege.blogspot.com/2015/06/qisadii-kunka-diinaar-iyo-damaaciga.html?m=1

Tixraac:
Qisadan waxa aad ugu noqotaa:
1. Kitaabka “Taariikhda Imam Al-bukhari ” ee uu qoray Sheekh C/Salaam Al mubarikfuuriyi saxfadaha 122 iyo 123. waa mid ka mid ah gata ugu qiimaha badan ee laga qoray Imaam Al-bukhaari
2. Al-Cajluuniyi kitaabkiisa “Alfawaa’id Aldarariya”