Qisadii Mataan Ciideed iyo Calidhan Q.1aad (WQ: Mohamad Hirsi G Abdibashir)

Waxa la yidhi:
Mataan Ciideed, waxa la odhan jiray; Xasan-mataan. Laba Qarni wakhti laga joogo, ayuu ku noolaa deegaamada Haro Ciideed iyo Qorraxay. Wuxu ahaa reer Dalalka reer Cabdille ee Ogaadeen.

Wuxu ahaa nin Inan-qallad ah oo aan waxba xeerin. Nin kibray oo cawaandad badan oo gardarro badan. Dadkii dhulkaa deggenaa iyo ciddii dool ku timaaddaba wadnaha ayuu u galay.

Waa uu dili jiray. Waa uu dhici jiray, waanu bahdili jiray ciddii magac iyo maamuus lagu sheego. Magantooda ayuu u dhaafi jiray. Marka uu maago, Qofka ugu mudan waxa uu ku dhengadeyn jiray dadka hortooda.

Inkaarihii uu shaqaystay, waxa ka mid ahaa biyihii uu uu xoogga kaga furan jiray awrta dhaanka ah si uu ugu waraabiyo fardihiisa badan.

Dhulkaa uu ku noolaa waa dhul oommane ah -sida uu dhulka Soomaalidu u badnaa-. Dhulka daaqa leh ee beeshu degto iyo ceelasha biyihu waa ay kala fogaayeen. Dhaanku waxa uu u socon jiray laba ama saddex habeen ceelka ugu dhow. Mataaan Ciideed, waxa uu lahaa fardo badan oo marka ay harraadaan loo aroorin jiray ceelasha Bullaale ama Garloobubey kolba kii dhawaan la bido.

Haddaba beri beryaha ka mid ah ayey kibirkii iyo gardarradiisi tuseen in uu dego meeshii ceelka looga aroori jiray si looga soo dhaansado.
Wuxu yidhi: “Fardahaygu uma aroorayaan ceelkaa fogaanta badan, waxa aan ka waraabin doonaa dhaamanka laba guulka ah ee ka soo dhaansada ceeldheerta fog”.
Sidii ayuu yeelay. Dhaan kasta oo jidka soo mara, isaga oo aan cidna tixgelin ayuu ka furan jiray labada dhoon-dambeed ama labada haamood ee danbe, markaas ayuu ku waraabin jiray fardihiisa.

Waxa kale oo uu dhici jiray safarrada ka yimaadda Berbera ee loo yaqaannay Kabadhaha. Ninkaas warkiisu waxa uu ka dhacay afarta beyni-jaho. Cabsida iyo habaarka Mataan-ciideed ayaa meel kasta ku baahay.

Beri dambe ayuu Guursaday. Waxa uu guursaday gabadh ay walaalo ama ilma-adeer ahaayeen Calidhan iyo Nuurjiir, laba nin oo la kala odhan jiray oo walaalo ahaa. Calidhan waxa uu ahaa nin xagga ragannimada ay iscelin jireen Mataan Ciideed balse isagu cagaha dhulka ku hayey oo miyirkiisa qabay. Dadka qaar ayaa qaba in uu gabadha u guursaday si uu u bahdilo Calidhan oo ay beri xafiiltameen. Eebbe ayaase xaqiiqada inaga og.

Gabadhii waa loo dhisay, isaguna yarad badan ayuu ka bixiyey. Maxaa laga fishaa guur iyo aroos. Saw in raaxo-adduun ta ugu dhadhan wanaagsan in la kala muto ma aha? Dabadeedna in la kala rajeystu indho qabowsi iyo udug carruureed, saw ma aha?

Laakiin Mataan inantii aqalka wuu geystay, maxaadse haysaaba ma uu odhan. “Sidii laba nin ayeynu guriga u wada joogeynnaa”, ayuu ku yidhi. Hambalyadii iyo filashadii bulshadu waxay noqdeen biyo-coldhaanshay. Laakiin dadku waxba ma oga oo arrimaha qolka hurdada ee lammaanaha hoos uma geli jirin, si guud mooyaane.

Gabadhii waa ay bahdlinatay. Waa ay dagaagilantay. Qulub iyo qaabdarro ayaa ka soo ifbaxay. Niyad-jab iyo dareen-ceebeed, ayaa dab ka hurinayey laabteeda. Arrinkii bannaanka ayuu yimid, beri dambe. Sababtii ay inantu sidan ugu dullowday ayaa la ogaaday. Dabadeed ergo iyo baryo ayaa loola Tegey Mataan Ciideed. “Iska fur inanta, haddii aanu damac kuu hayn” ayaa lagu baryootamay. “Waar afka dabaysha ka qarsada” ayuu isna yidhi. Haddana waa loo ergeeyey oo waa la soo baryey.

Markaas ayuu yidhi: “Haye, haddii …………………” La soco qaybta 2aad