Qisadii Mataan Ciideed iyo Calidhan Q.2aad (WQ: Mohamad Hirsi G Abdibashir)

Waxa la yidhi:

Markii Mataan Ciideed si walba looga baryey warqaddii gabadha, -iyada oo aan xaal iyo garnaqsi midna loola tegin- ayuu aakhirkii aqbalay. Wuxu aqbalay in uu gabadha ku fasaxo shardi. Shardigaas oo ahaa in loo celiyo xoolihii badnaa ee uu yaradka uga bixiyey.

Eeg isaga oo inanta xumeeyey oo ay ahayd in uu xaal bixiyo, ayuu dalbaday in weliba madaxfurasho loo siiyo xoolihii uu bixiyey. Taasna waa laga aqbalay oo waxa la yidhi: “Waxaagii iyo wixii aad qabsato ee kaleba waa lagu siine, inanta noo fur”.

Markii xoolihiisii la siiyey -waxyar oo meelo ku kala maqnaa mooyaane- ayuu meel fagaare ah ku furay inantii. Laakiin waxa uu daba dhigay shardi kale. Shardigaasina waxa uu noqday: “Saddexdii dalqadood ayaan ku furay Dahabo. Laakiin aniga nin iigama dambayn karo. car waa ninka guursada aniga dabaday”

Ciil weynaa!. Inanta ehelkeedii cunaha ayaa wada goยดan. Gacmaha ayaa wada cuncunaya. Haddana cabsi laba dhinac ah ayaa jirta. Waa mide Mataan Ciideed ciyaar ciyaar looguma badheedhi karo. Waa ta labaade; ninkan ย gardarradiisu waa gardarro garab og, Tolkii ayaan laga ammaan helahayn, haddii la dilo.

Jufada uu Mataan Ciideed ka dhashay iyo jufada inantan uu xumeeyey waa isku reer qudha. Waaba ilma adeertii saddexaad ama afraad, laakiin laba magac ayey kala sheegtaan oo waa reer Dalal iyo Baho Magan qayb ka mid ah.

Shardigii xumaa oo sidaa u xidhan, ayaa inantii la soo doonay. Waxa soo doonay nin iyada iyo Mataanba ilma adeer la ah oo aan ka fogeyn. Dabadeed waa la siiyey, waana loo meheriyey. Halkaa waxa loogu badheedhay jabinta shardigii Mataan Ciideed. Waxa uu ku tallaabsan doonana diyaar ayaa loo noqday.

Markii Mataan Ciideed maqlay inantii waa la bixiyey, ayuu faraskiisii soo heensaystay. labadiisi waran iyo gaashaankiina waa uu soo qaatay. Waxa uu si aan gabbasho lahayn u soo abbaaray halkii uu deggenaa ย reerkii xaaskiisii hore ย ee uu xumeeyey. ย  Waxa uu soo baalmaray raggii jufada oo ku shirsan geed damal ah oo duleedka reerka ku yaal. Toos ayaanu dalaq u yidhi gurigii inantu joogtay, sidii oo ay tahay xaas uu qabo.

Raggii oo dhiillaysan ayaa ka soo daba dhaqaaqay oo aqal Soomaaligii hareeraha iska tubay. “Waar nooga soo bax aqalka” ayey yidhaahdeen. Inantii aya is tidhi, ninka ka baaji ย dilka oo magangelyo sii. Markaas ayey ku tidhi: “Waar maanta meel ย aan xaynka maradayda ahayn oo walaalkay kugu deynayaa ma jirtee, kaalay, xaynkayga gal”. Balse arrintaas ceeb ayuu u arkayey.

Wuxu u holladay in uu u banbaxo nimanka. Illinkii ayaa la isku qabsaday. Warankii u horreeyey ayaase wadnaha garkiisa lagu jaray. Halkaas ayuu ku dhacay Xasan-mataan oo ku magac dheeraa Mataan Ciideed oo meyd ahi. Laakiin sharkiisii halkaa lagagama nasan ee markaas ayuu kow ka soo bilawday. Warankii Calidhan ayaa dilay, ayaa la yidhi.

Beeshii Mataan ayaa qaylodhaan isugu habarwacatay. Beelihii la walaalka ahaa labadaa jufana waxa ay u oogsadeen in ay dhiig dambe baajiyaan. Waa lagu guulaystay in aan dhiig u daadaan Mataan Ciideed ee magtiisa uun la bixiyo. Laakiin magtiisii ayaa noqotay wax ka weyn magtii nin rag ah. 300 oo halaad ayey codsadeen tolkiis. Balse aakhirkii waxa lagu qanciyey 200 oo halaad.

Warkii ย geerida Mataan Ciideed waxa uu gaadhay in alla intii uu gaadhi jiray warkii dhibaatadiisu. Nin ku farxay iyo nin ku digtayba waa lagu diirsaday. Nin la odhan jiray Ina Dubbe oo ahaa Sacad Yooniska Habar Yoonis ayaa Cadan ka soo gabyey. Wuxu yidhi:

“Niman baa Mataan gawracoon, gootadaa bixine

Guri lagu nastaa buu ahaa, geed ay jabiyeene

Goblanyeey Xuseen-xoday muxuu, gool u qalan waayey”

Isku dir iyo wax ay ka ahaydba, gabaygaasi waxa uu ladh xanuun leh ku kiciyey jufadii Mataan Ciideed. Walaashii ayaa laga sheegay: “Mataan Ciideed aniga iyo wiilkaa iidoor ayuu isku meel naga wada joogaa”.

Walaalkiina waxa uu qudha ka jaray ninkii la odhan jiray Calidhan ee aynu soo xusnay, waxanu yidhi:

“Kufroow Ina Dubbaa nagu kashifay,, kooski Cadan weyne

Hadalkii na soo wada kar oo, kuu na yidhi yeelnay”.

Haddana dhiillo hor leh ayaa cirka isku shareertay. Gug ayaa la isku yidhi. In aan dhiig kale daadan ayey beelihi tolka ahaa ku guntadeen. Reerkii Calidhanna waa ay aqbaleen ergadii. “Magtii Mataan Ciideed, mid u dhiganta uun ha nala siiyo” ayey yidhaahdeen.

Laakiin beeshii Mataan Ciideed, ganafka ayey ku dhufteen codsigaas. Labada nin isuma dhigmahayn, sidaa darteed magtooduna isuma dhiganto ayey ku doodeen.

– “Oo maxaad oggoshihiin”? ayaa la waydiiyey

– “50 halaad ayaannu oggolnahay in aannu u bixinno magta Calidhan”, ayey la soo badheedheen

– “oo maxaad ku sababayseen”? ayaa la waydiiyey.

– “Ninka caadiga ah magtiisu waa bogol. Cali magtiisu waa boqolkaas, laakiin maadaama oo uu il laยดaaa; isha magteedu waa 50. Sidaa darteed magta nalagu leeyahay waa 50 halaad oo qudha” ayey ku garnaqsadeen jufadii Mataan Ciideed.

Af kala qaad ayey xaajadii noqotay. Si walba waa la isugu dayey in reerka loo caqli celiyo. Laakiin waa laga quustay.

Markaas ayuu dhulkuba la wareegay jufadii Calidhan. Walaalkii oo la odhan jiray Nuurjiir, ayaa baanay. Wuxu yidhi:

“Saddex saddex baa diiday. Mid Ilaahay baa diiday. midna reer Dalal ayaa diiday. Midna aniga ayaa diiday”

1- Mid ilaahay baa diidayoo, in uu Calidhan soo nooleeyo, wuu diiday

2- midna reer Dalal ayaa diidayoo…………. (la soco qaybta 3aad)