Qiso gaaban oo xikmad badan: “Iyamaa mudan in gacmaha saabuun lagu maydho cuntada ka hor ama kadib?” (W.Q. Mustafe Aadan Muuse)

Mustafe Aadan Muuse

Fiidnimadii xalay oo ku beegnayd August 4, 2015, aniga oo ku sugan mid ka mid ah makhaayadaha laga cunteeyo ee Hargeysa ayaa waxa muran gacan ka hadal isku bedeli gaadhay uu dhexmaray mulkiilaha makhaayadda iyo nin macmiil ah.

Waxa aan isku dayay in aan dhexdhexaadiyo, waxa aan si gaar ah ula baxay mulkiilihii makhaayadda oo aan u sheegay in aan macmiilka si adag loola hadal xataa haddii uu khaldan yahay.

Dood adag oo na dhexmartay kadib waxa hadaladiisii kamid ahaa: “Dadkani, waa dad waalwaalan.”

Waxa aan ku idhi, “Oo maxaa dhacay?”

Waxa uu iigu jawaabay, “Miyaad aragtay ummad dhan oo iyaga oo aan faraxalan ama biyo cad isku shubay cunnaynaya, cuntada kadibna kugu wareerinaya saabuun noo dhiib!?.”

Arrintaasi way iga yaabisay, waa arrin jirta oo xaqiiq ah, waxa hubaal ah in cuntada kahor aynaan xil iska saariin in aynu gacmaha si fiican u dhaqno ama u maydhno, laakiin marka aynu cuntada dhamayno aynu raadino saabuun ama taydh.

Hoos ka akhri maqaal hore oo uu Mustafe qoray:

Yusuf Garaad waxa ku waajibay maqaal xaqiiqada ku dhisan

Mustafe Aadan Muuse

kibaaro@gmail.com