Qiso yaableh oo na dhex martay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi 10 sano ka hor (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

 

Dhamaam mahad oo dhan ILAHAY ayaa iska leh,isaga ayaanay u sugnaatay ,sharaf iyo karaamana waxa ay dushiisa ahaatay Nabigeenii Muxamad ahaa SCW,wanaag oo dhanna waxaa koobsaday qofka jidkiisa raacay.

Waa wax iska caadi ah in xiligan oo kale falooyin iyo falan-qayn lagu sameeyo madaxwayne markaas uun la doortay,waana mid meesha ku jirta in la bartilmaameedsado lagana faaloodo shar iyo khayr wixii laga filan karo ama sidoo kale xumaan iyo wanaag wixii hoore loogu yaqaanay.

Ninba Ceesaantii-ceelkeen,Madaxwaynaha cusub Muuse Biixi Cabdi ninba wax ka sheeg,nin amaana oo wanaag aanu lahayn dusha ka saara iyo nin caaya oo xumaan aanu lahayn huwiya ayay dadka badankiisu u badan yihiin.

Waxaa kaloo jira oo iyana wakhtigan xadirka ah tiro-beeshay dadka iyagu Madaxwaynaha amaan xad-dhaafa usoo jeedinaaya calashaan waa qabiilkayaga,sidoo kalana kuwo kale ayaa sabab la’aan foolxumo iyo fadeexad aanu lahayn dusha ka saaraaya,balse anigu waxaan ku tala jiraa Ilahayna igu og yahay in aan Madaxwayne Muuse Biixi wixii aan kala kulmay ama si gaar ah noo dhexmaray in aan dhayda ka cadeeyo.

Way fiican tahay in markasta qofka wax wanaagsan laga sheeko, waa hadii uu yahay mid markaasi wanaagaasi mutaystay ama ku sifoobay ,sidoo kalana waxaa ila quman in bulshada iyo dadwaynaha looga digo shakhsiga markaasi la isleeyahay hagar-daamo iyo dhibaato ayuu dadka ,Diinta iyo Dalkaba usoo hoynayaa.

Hadaba dadwaynow qofka ama shakhsiga aan rabo in aan faalo kooban ka bixiyo waxa uu yahay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ,oo wakhtigan aynu ku suganahay loo doortay in uu noqdo Madaxwaynaha Jamhuriyada Somaliland.

Ujeedka ama abbaarta qoraalkaygu maaha faalo iyo falan-qayn ku saabsan in aan Muuse Biixi idiinka sheekaynaayo ama aan idin baraayo Tariikhdiisa ,waxaana lagaa yabaa in badhkiin ay iga badiyaan Tariikhda Madaxwayne Muuse,balse anigu waxa aan si toos ah idinku soo gudbinayaa dhacdo xaqiiq ah(run biyo-kama dhibcaana)oo na dhex martay aniga iyo Madaxwayne Muuse Biixi wakhti hada laga joogo 10-sano ka hor qiyaas tayda.

Waxa ay ahayd xilli Subax dhexe(Barqo) waxa aan ku sugnaa goobtaydii shaqada ama xafiiskaygii oo shaqada uu qabtaa ay ahayd Public notary ,kaasi oo ku shaqo lahaa qoralada sharciga ah ee dadwaynaha loo qoro qaybkasta oo ay yihiin sida :-Iibka hantida Guurtaada iyo tan ma guurtada ah ,Heshiisyada,Wakaladaha,cadaymaha sharciga iyo dhamaan qoraalkasta oo la rabo markaasi in sharciga la waafajiyo.

Waxaa xafiiska iigu soo galay odayaal laba dhinac ah kuwaasi oo raba in loo qoro isla markaana sharciga loo waafajiyo heshiis iib Babuur Toyota Landcruiser cusub;Iibiyaha Baabuurka uma baahnin magaciisa iwm ujeedkeena qoraalkuna maaha isaga,yoolkeenu waa Iibsadaha oo ah Muuse Biixi Cabdi iyo sidii aanu isku wajahnay.

Isla fadhigaasi u horeeya Muuse Xafiiska ma joogo,balse odayashii isaga ka socday iyo kuwii Gaadhiga laga iibsanayey ayaa heshiiskii sii dhamaystiray,kadibna waxa la gaadhay xiligii ay labada xaqle Ibiyaha iyo Iibsaduhu ay warqada saxeexi lahayeen,waana mid sharci ah la’aantoodna wax suura galayaa ma jiro.

Iibiyahii isagu waa uu joogaa waana xaadir, balse waxa maqan Mujaahidkii,markiiba Telafoonka Gacanta ayaa lagala hadlay””Mujaahid adiga ayuunbaa lagu sugayaa soo carar ayaa lagu yidhi,kuyee- haye waan idilla joogaย “”Ilbidhiqsiyo waxaan ku qiyaasay Albaabkaabu soo garaacay,malahayga waxaaban is idhi Albaabka ayaabu taagnaa markii lala hadlaayey,Askari uun iga dheh!

Markii uu gudaha usoo galay Xafiiskii iyo halkii xaajada lagu hayey,ayaa sidii Muuse Biixi (Madaxwaynaha) u caadada ahayd waxoogaa kaftan ah oo aan turxaan lahayn naguu sii yara daayey,qosol iyo dholacadayn ayaa kaftankaasi ku dhamaaday,waxaa aanu uga gudibnay dantii aanu lahayn.

Muuse Biixi anigaygan hada qoraalka idinla wadaagaaya ayaa waxa aan waydiiyey Su’aalahii aan markaasi uga bahnaa si aan u dhamaystiro heshiiskii qabyada ahaa ,jawaabahii igalamuu daahin hore ayaanu uga soconay ,qoraalkii si wada jira ayaanu u akhrinay,dhankiisa waxa aad moodaa Muuse oo iminka Madaxwayne ahi in uu si xeel-dheer ugu dhag-raaricinaayey heshiiska iyo qodobada uu ka kooban yahay,hasa yeeshee maxaa dhacay markii danbe!

Daqiiqado ka bacdi waxaa la gaadhay xiligii labada dhinac ee wax kala iibsaday xafiis ahaan aanu ugu sheegi lahayn in hantidan Guurtada ah ee ay kala iibsadeen in dawladu canshuur ka rabto inta badan amaba aan idhaahdee dadkoo dhami ma jecla in ay canshuur dawlada siyaan,heshiisyo badan oo aan usoo taagnaana waxaaba burburiya diidmada canshuurta.Waxyar aan idin xasuusiyee waliba xiligaasi dawladu lacagta ay kala-wareejinta iibka ka qaadaa waxa uu ahaa mid aad u badan isla markaana culayskeeda leh.

Anoo hadalkaygii sii wata sheegista Canshuurta ayaa waxa aan raaciyey ,Qadarka Lacagtaa ee laga rabo labada dhinac inta uu leeg yahay 5% *Dhamaan akhyaartii Xafiiska fadhiday markii aan u sheegay qadarka lacagtya ah ee laga rabo inta uu leeg yahay ,waxa aad moodaysay in aan u sheegay war dhiilo ah,balse Muuse Biixi Cabdi isagu dareenkaa lamuu qabin.

Dadkii dhamaan kuraastii ayay ka kaceen,way wada sarajoogsadeen midkastaaba aniga ayuu ila hadlay buuq iyo qaylo ayaa xafiiskii ka furmay *Daahirow is-dhagayso ayaa ka dhacday*arintu waxa ay ku sigatay in heshiiskiiba uu burburo, dhamaantood marka Muuse Biixi laga reebo waxa ay aniga dadku ileeyhiin hadalkan””WAXAAD DHINTAA IIBKA LACAGTA WAX LA KALA SIISTAY SI AY CANSHUURTU U YARAATO””balse wakhtiyar ka bacdi maxaa dhacay!!

Waakan hadalka aan ka hayo Muuse Biixi iyo ujeedadii ugu waynayd ee qoraalkayga:-

Muuse Biixi oo la yaaban Salawgan iyo qayladan kacday ayaa ka kacay fadhigii Kursiga,waxa uu ku bilaabay hadalkii:-

“”Waar bal fadhiista,ma waxa aad ka qaylinaysaan Lacagta Canshuurta ah ee dawlada loo xaraynaayo ee waliba idinka Mushahaarka la idiin siinaayo!! Annagu (Muuse ahaan) marna dadwaynaha u noqon maayo madax marna canshuurtooda dafiri mayno,**Wallaahi ayaan ku dhaartee hadii ay Kumaankun doolar noqonayso waanu bixinaynaa,adigana(inta uu farta igu soo fiiqay) waxa aanu kaa rabnaa Jiwan xalaal ah oo ay ku qoran tahay lacagtii aad naga qaaday”!

Intaasi wixii ka danbeeyey waa halkii Somalidee Laba-cali’kumay wada hadal.

Hadaba dareenkaasi muwaadinimada ka turjumayaa waa hadalkii iyo odhaahdii aan Madaxwaynaha kala kulmay,isha Allaah u malaynmaayo in uu wax ka badalaayo fikirkii iyo dareenkii uu qabay maalintaasi.

Waxaan filayaa in Muuse Biixi Cabdi ay Somaliland ku badhaadhi doonto,waxaa fiican in khayrlaga la fisho oo aan shar iyo xumaan aan laga filan,Madaxwayne fiican noqon maayo hadii aan loo dhaga-nuglaan ama aan lala shaqayn.

Waxaa laga yabaa in qoralkaygan dadka qaar u fasirtaan tageradii iyo borobogaandadii wayadii dhawayd suuqyada ka socotay Somaliland ,amaba ay qaarkood igu suureeyaan sida inoo caadada ah waxa loo yaqaano “Jeegaanta” kadibna ay ujeedadayda ula kacaan Cir iyo cadadii “”waar maa a’hi waa halkii Cali Khaliif Galaydhe”” dhanka kale iga eega hadaad doontaan in aad i akhridaan ,waa halkii Xirsiye bal Giraantaba ,nabadeey.

WQ: Khadar Aar.