Qiso cajiib ah: Reer hebel ninkaasaa laga dlaa! (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

โ€‹

Imisaa nin aqoon iyo garasho leh oo dadkiisa ,Diintiisa iyo dalkiisaba wax u qaban lahaa ka cararay deegaankii uu ku noolaa ,sababta oo ah isaga oo ka baqaya in loo dilo aano qabiil oo aanu marnaba shaqo ku lahayn,imisa nin garasho iyo caqli Ilahay siiyay maanta meehanabayaa dhulal shisheeya, oo doqoniimada iyo garaad xumda Somalidu ay ka dhigtay mid dawraan ah oo dibadaha wareegaysta si uu naftiisa ugu badbaadiyo.

Imisaa garasho xumoolo iyo habayac gardarro iyo is-yeelyeel dad ku dilay,qabiilkiisu gaadh ka qabtay,una diiday in danbiga uu galay marnaba laga gooyo,imisaa garaad badane iyo nin Guuleeda godob ku qaaday dinbi kii lahaa lagala cararay.

Wakhti aad u badan ayaa waxa aan maqlijiray halku-dhiga ah “Reer hebel ama qabiil hebel ninkaasi ayaa laga dilaa, hadii kalmadan sideeda loo dhuuxo waxa kuu soo baxaysay is-dabar goyn ku wajahan qofka caqli leh iyo aqoonba ; waana mid aynu maanta dhaxalkeeda hayno.

Hal-hayska ah Reer Hebel Ninkasaa laga dilaa, maxaa loo ga jeedaa,maxay ayuu yahay ninkan ku calaamad san in la dilo,maxay ayay tahay tilmaantan iyo sumadan sheegaysa ninka reer hebel laga dilo ,danbiga iyo godobta uu galay maxay ayay tahay.

Ninkan aad moodo in dilka iyo toogashada loo balan qaaday ee Halku-dhigani korkiisa saaran yahay maxay ayuu yahay,ma nin danbi cid ka galaybaa ,waa maxay sababta keentay in ninkan reer hebel nimo loogu dilo.

Somalidu sideedaba ma taqaano sida ay u ilaashan lahayd dadka aqoonta,garaad,fahmada,cilmiga iyo garashada u saaxiibka ah ,Somalidu waa ay ka dhoohan tahay in ay fahamto ninka iyada wax u taraaya iyo kan lu-goynaaya.

Hadii aynu si toosa u guda galno kalmadan ama halku dhigan ah “reer hebel ninkasaa laga dilaa ” waxa ay ila tahay in ay ku timi *Aanada ay Somalidu markasta isku disho taasi oo ah in Qabiilkasta ninka laga dilo ay u dilaan nin la aqoon ah ama kaba aqoon iyo garasho badan kii la dilay .

Balse dadka sidaasi samaynayaa ma garanayaan in waxan ay iska dilayaan uu yahay aqoontii iyo garaadkii ,kadibna waxa isu soo hadhaaya intii garashada liidatay,taasi oo waayaysa sida Qudhaanjo laga qabtay madaxdii , cid kala hagta madamaa ay iska dileen haldoorkii.

Waa qiimayn baadil ah,waana mida Soomali maanta dhaxal siisay in ay kasoo waaqsan waydo aano qabiil oo ay markasta isu disho ,waana ta dhamaysay in nin haldoor ah oo inta baadil iyo kibir lagu dilay kadibna loo dilay nin isaguna ah aqoontii iyo garaadka qabiilka ninka dilay.

Wakhtiyadii hore arintani waxa ay ku koobnayd oo kaliya, dadka markaasi iyagu ku hawlana in ay qabaa’ilka iyo reeraha iska horkeenaan,hadase waxa aad moodaa in ay soo guda-gashay dhalintii iyagu aqoonta iyo garaadka sheeganayay.

Hadii aad tariikhda dib u raacdo boqol iyo boqolaal ka badan inta Aano qabiil ku kala maqan Soomali,inta haldoor iyo nin raga Ifka la seejiyay isla markana loo dilay nin aanu isagu dilin ama aanu in la dilo aanu ka raali ahayn,aano qabiil inta ku maqani waa laa cadad walaa xisaab.

Waxa aan xasuustaa hal magaalo oo yar ayaa waxa joogi jiray laba nin ,kuwaasi oo markaasi ahaa labadii nin ee deegaankaasiba ugu aqoonta badnaa,balse labadan nin waxa ay kasoo kala jeedaan Qabaa’ilka deegaanka wada dega.

Labada nin waa laba nin oo saxiib ah,wax kale kuma garatidi waa laba nin oo ceeshow-milix ah ;wakhtiga ay shaqada hayaan moyee inta kale la iskama agwaayi jirin,waxa ay ahayeen dad aad isu jecel.

Waxa kaloo labadan nin ay caan ku ahayeen in ay markasta xaliyaan xurgufaha iyo dhibaatooyinka ka dhex dhasha qabaa’ilka ay kaso kala jeedaan,madamaa deegaanka ay ku nool yihiin uu ahaa mid ay ku badan tahay iska hor-imaatinka reerahu.

Labadii nin mid ka mida ayaa habeen madaw niman budhcad ahi ay xabad Wadnaha kaga dhufteen, halkiina waa uu ku qudh baxay ,kadibna nimankii waa ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen marxuumka,markii la raadiyayna waxaa la waayay meel ay Jaan iyo cidhib dhigeen.

Halkii ay ahayd in nimankii dilka gaystay ee danbiilayaasha ahaa la raadiyo,ayaa waxaa dhinacii ninka laga dilay ay isku soo fureeyeen qabiilkii ama reerkii ay u aanaynayeen in ay ninka kadileen,kuwaasi oo ka codsaday in ay keenaan ninkii iyaga wax ka dilay.

Maba xuma waana arin wanaagsan,hadii lagu yidhaa ninkii soo qabo,balse waxaan meesha qaban hadii ad cidii dilka gaysatay aad dhakhso u keeni waydaan waxa aanu ugu aari doonaa nin isaga la garasho iyo garaad ah.

Hadaba maxaa dhacay,deegaankaasi aan idiin sheegayaa waxa ka dhacay in qabiilkii uu ninku ma maqnaa in ay iyaguna dilaan ninkii kale ee aqoon yahanka ahaa ,waxa meeshaa ka muuqata waxa ay isu dileen laba nin oo saxiib ahaa isna jeclaa.

Subxanalaa saw maaha wax lala yaabo,bal dib maskaxdaada waxa aad ka sawirtaa,wakhtigii ay noolayeen marnaba ma ka fikireen in iyaga la isu dili doono,ma isleedahay marnaba maskaxdooda waa ay kusoo dhacday arintan fool xumada wayni.

Hadaba dilkii aanada ahaa maxay ayay deegaankii ka faa’ideen , Dilkii iyo coladii ma ka joogsatay,maya xaasha waa la isu hub iyo xabada gurtay,gabal baas ayaa u dumay,jiif iyo joogba waa la isu diiday noloshii macanayd ee uu deegaanku haystay waa la isu dacareeyey.

Deegaankii iyo tulooyinkii ku dhadhawaa gabal baas ayaa u dumay,ninkasta oo kaalin qaad ahi waxa uu noqday mid meesha ka carara ama qoriga qaata si uu qabiilka kale ugu weeraro,tolaay iyo taagwaayay ayaa ka dhex dhacday .

Waxaa ay markii danbe ay tuuladii iyo deegaankii uu noqday mid ku danbeeya lama dega iyo ka guuraan,waxa uu noqday goob galan-gal ah oo qof Ashahaataa in uu dego iska daaye aanu xataa safar kusoo marin.

Sheekada noocan oo kale ahi maaha mid deegaan kaliya ku kooban waa mid hadii aad dib u raadcayso tariikhda Somalida ka dhigtay bar madaw oo lama ilaawaan ah,imisaa Geesi ku maqan aano Qabiil iyada oo loo dilay danbi aanu marnaba shaqo ku lahayn.

Wa bilaahi tawfiiq.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar101@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

W.Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar