Qiyaas Qaadashada Tirada Ardeyda Fasalka (WQ: Abdifataax M. Axmed)

Siyaasada lagu ilaalinaayo qiyaas qaadashada Tirada ardeyda fasalka waxa xil ka saaran yahay wasaarada waxbarashada iyo gaar ahaan Maamulada dugsiyada waxabrashadu ay ka socoto.iyada oo laga fekiraayo sidoo kale agabka iyo kaabayaasha waxbarashada ee fasalka looga baahan yahay iyo kuwa kale ee ay ardeydu waxbarashada u soo qaataan,agabkaasi oo Buuxiya maqsinka fasalka cashar dhigashada.

Qorshe la,aanta iyo Xidhiidhka macalinka iyo maamulka dugsiga oo Hooseeya ama Adeegsiga dhabta ah ee aqoonta waxbarashada oo maqan ayaana sababa in marar badan si badheedh ah loogu xad-gudbo qiyaas qaadashada tirada ardeyda fasalka.Dhanka kale Ardey aan dhaceynin oo aan la kala reebeynin iyo ardey shuruud la,aan lagu qaadanaayo ayaa fasalo badan buux dhaafiyey.

Ardey kala aragti duwan,kala laxaad duwan Ayaa fasal isugu imanayaa sida kuwo maqalka wax ku fahma,kuwo qorraalka wax ku fahma,kuwo aragtida ka daciif ah,kuwo Maqalkoodu naaqus yahay,kuwaasi oo mid kastaa wax gooni ah xiiseynaayo,ama hawlo kala duwan ku mashquulsan yahay ama loo direy,halka kuwo buuq iyo wakhti lumis u joogaana ay la fadhiyaan ardeyda.Tayada wax-dhigista ayeyna ku Jirtaa in la maareeyo Qiyaas qaadashada tirada ardeyda fasalka si ay guul uga gaadhaan cashar qaadashada.

Macallimiinta dugsiyada ama Jaamacaddaha qaarkood ayey arrintani Wakhtigan Culeys weyn ku heysaa, iyaga ayaan laga rabaa in ay markasta hal-abuuraan qorsheyaal cusub oo tirada badan ee ardeyda fasalada la soo qorey ay ku mareeyaan.Waayo waxa Xaqiiqo ah in Macallimiinta qaarkood Marka ay shaqadani billaabaan ay ku dhibaatoodaan maareynta tirada ardeyda fasalka wax ku dhiganeysa.Macallinkuna maaha mid ku Mushahar qaata tirada badan ee fasalka fadhida marar badan.

Ugu Danbeyntii Fasaladaasi buuqa iyo saxmada  badan ayaa laga soo dhex saaraya ardey Aqoon yeelata oo Mustaqbalka naftooda,dadkooda,dalkooda iyo diintooda anfaca,Macallinkuna wuu ku dhismayaa wuxuuna ka helaya waayo-aragnimo aragtiyihiisa nololeed bedeli doonta.

La soco Qeybta dambe Maqaalladani waxbarashada ,Ciwaankooduna yahay

Jidka Aqoonta”